Shacabka ku dhaqan degmada Balcad oo dhigay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan DKMG-ka iyo maamulkeeda Mooryaanta ah!!

Shacabka ku nool degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa maanta dhigay dibadbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan Maleeshiyaadka DKMG-ka
Dibadbaxan oo ay kasoo qeyb galeen boqollal dadweyne ah ayaa waxay Shacabka kaga soo horjeedeen lacago baad ah oo Maleeshiyo Beeleed

ka Dowladda KMG-ku ay kusoo rogeen beeraleyda degmadaasi.Maleeshiyaadka DKMG-ka ayaa rasaas ku riday dadweynaha dibadbaxyada dhigaya, si ay u kala cayriyaan, balse Shacabka ayaa sii waday dibadbaxyadooda, mana la oga wax khasaare ah oo rasaasta lagu furay ka dhashay.

Shacabka ku nool degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa mudooyinkii dambe waxay ka cabanayeen dhac, dil iyo kufsi baahsan oo ay kala kulmaan Maleeshiyo Beeleedka DKMG-ka oo dhoor bilood ka hor degmadaasi la wareegay.

Banaadir Post.