Mowjadaha haddii aad furtaan meelkastood joogto
Muslimaadki soomaaliyeed waa mashxaradeene
Melesoo macluuley arkeen mowdkinuu yimide
Moolki naarta bay leeyihiin mowle hoow dhiga e
Mar hadduuna muuqeynin waa mahad ilaaheete
Asagoo maja gaabanoo muuqa sheydaan leh
Muddo dheer wuxuu maamuluu marin habowshaaba
Asagoo muquuniya wuxuu marasta laayaaba
Midka uu maleetaba wuxuu mereg la tiirshaaba
Waa mahad ilaaheey hadduu maanta muqeyne
Mahadhada wuxuu maalin iyo leyl maleegaaba
Madallaha wuxuu meel dambe murtad la eegtaaba
Mushkiladaha wuxuu meeriyiyo maamul goboleedba
Meles xume markiisuu haroo malaggi bow yimide
Waa mahad ilaaheey inuu maanta muuqeyne
Meydkiisi bay saarayeen maradi giireede
Musuq odaya baa ooyay iyo maasuq habareede
Midigteey maraayeen indhaha ilintu maasheyne
Sida maqasha eeyaha ayeey moow lahaayeene
Malafsiga kuwii lagu yiqiin madax lamood keenni
Maqaarsaar dhammaantii haddeey wada murgoodeene
Maddiidadi markay saaqday bay jili madluumiine
Waxay muujinaayeen inay maskaxdi waayeene
Waatuu maciinayey markay layn masaakiine
Macluumaadka ii keena buu maarta siin jiraye
Muhashada naftoodaa jecleyd rabbi la meel geeye
Tacsidoow marqaatiya inay meel xun joogaane
Maragteedi weeyaan inay muslimki liideene
Kol haddaanay ka maarmahayn rabbi lameel geeye
Waa mahad ilaaheey hadduu meles-ba muuqeyne.