Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqayn ba’an u geystay ciidankooda safka hore jooga iyo Sarkaal sare oo ka mid ahaa ciidamada Kenya oo is toogtay ka dib markii uu arkay bakhtiga faraha badan ee askartooda!.

Ciidamada Kenya oo ku jiha wareersan dagaalka ay kasoo qaadeen Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa kala garan la’ ciidamdooda iyo kuwa muslimiinta, waxayna arinkaasi sababtay in ay duqeey

aan ciidamadooda.
Labada saf ee Muslimiinta iyo gaalada ayaa si aad ah iskugu dhow, waxayna diyaaradaha cadowgu ay kala sooci la’yihiin labada ciidan ee is hor fadhiya.
Waxaana muuqanaysa isku dhexyaaca baahsan iyo khal-khalka ku yimid ciidamada Kenya. waxayna arintaani imaanaysaa xilli jab xun oo isugu jira naf iyo maalba uu gaalada kiristaanka ah ee Kenya iyo xulufadooda kasoo gaaray dagaaladii ugu dambeeyey.
Mid kamid ah saraakiisha Kenya oo kamid ahaa saraakiishii soo booqatay bakhtiga askartooda ayaa indhihiisa ku arkay askar iyo saraakiil ay saaxiibo ahaayeen oo si xun madaxa looga toogtay, meydkooduna uu sidii balkii oo kale dhulka u warnaa.
Intii ay askartu barooranayeen kuna dul wareegayeen Bakhtiga saaxiibadood ayuu sarkaalkii oo ooynaya waxa uu la soo baxay Birtooladii u xirnayd waxaana uu iskaga dhuftay madaxa halkaas ayuuna ku qudh baxay.
Sarkaalkaan ayaa u adkaysan waayey khasaaraha la gaarsiiyey ciidamadiisa iyo sida loo laayey askartii uu dagaalka soo galiyey.
Banaadir Post.
http://www.presstv.ir/detail/2012/09/02/259536/kenyan-jets-hit-somali-progovt-forces/