Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynayaasha maamulada Ashaahada la dirirka ah Puntland iyo Somaliland ayaa ka qeyb galay aaska baqtiga FIRCOONBKII GEESKA AFRIKA .
Faroole iyo Siilaanyo waxay ka mid ah yihiin siyaasiyiinta Soomaalida ee aadka ugu dhowaa saaxiibna la ahaa kaligii taliye Senawi, sida ay iyaguna sheegeen uu la lahaa xiriir gaar ah maamuladooda.
Illaa hadda waxay warar dheeraad ah ka soo baxayaan waqtiga uu geeriyooday Senawi oo saraakiil Ethiopian ah ay qireen inuu geeriyooday 24-kii bishii July halka dawlada Ethiopia ay si rasmi ah u shaacisay geeridiisa 20-ka Agoosto. Sidoo kale sababaha keenay geeridiisa ayaa la aaminsan yahay inuu ka dhashay xannuunka HIV/Aids oo Meles mudo hayey inkastoo TV-ga dawlada Ethiopia uu sheegay in caabuq “infection” uu u dhintay.