Maalmo kooban kadib markii Ciidamada Shisheeye iyo Maleeshiyaadka KMG-ka ay la wareegeen magaalada Marka, shacabka ku dhaqan magaaladaas ayaa durba billaabay inay cabasho ka muujiyaan falalka ay geysanayaan Ciidamada gaalada iyo gaaloraacaba!
Dadweynaha ku nool magaalada waxay sheegayaan in Ciidamada huwanta ah ee magaalada soo galay ay billaabeen inay dhacaan goobaha ganacsiga, islamarkaana ay galaan guryaha iyagoo handadaya shacabka.
Ganacsatada magaalada Marka ayaa hadda muujinaya cabsidii ugu ballaarneyd, waxaana xilliyada habeenkii inta badan albaabada la isugu dhuftaa ganacsiga,iyagoo ka cabsanaya kuwan arxanka daran oo caanka ku ah falalka xunxun oo ay horey uga gaysteen dhulkii ay tageen sida Afgooye iyo Balcad.
Maamulkii islaamiga ahaa ee ka talin jiray magaalada Marka ayaa Afar Sanadood oo amni iyo kala dambeyn ah kusoo rogay magaalada, waxaana dadku ay hadda dareemayaan inay meesha ka baxday amnigii iyo nabaddii ay muddo Sanado ah ku hoos noolaayeen.
Banaadir Post.