Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo Nabadgelyo ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.
Dhowaan qabriga Zenawi baa noqon doona meel loogu xuddun xiro jacaylka Soomaalida qabta kursi-jacaylka! Taas micnaheedu waxaa weeye inaan Batalaale shuqul ku lahaan doonin jacaylka kurisga, loona helay goob cusub oo kaniisad ah (Trinity Cathedral )! Batalaale waxay calanka u heyn doontaa jacaylka nimanka iyo dumarka dhex mara! Waa suurtagal in Badme (tuuladii Tigreega iyo Eritereeya ku dagaaleen) booskaas ka riixato Batalaale maaddaama waddankii gacanta u galay gumeysi gaalo-madow!
Waxaa suurtogal in Shariif sheekh Axmed nolol-siyaaseedkiisa ku soo xiro isagoo u khusuucsan, dul taaganna qabriga Zenawi! Qabriga Zenawi! Ma Qaa’idkii Maxkamadaha Islaamiga ee qamiisyada iyo cimaamadaha soo qaadan jiray oo qowlkiisa ugu horreeya ahaa: QAALALLAAHU TACAALAA, Salliga Nabigana (SCW) ku dabo qaban jiray? Inkastoo mar horaba uu u tacsiyeeyey Zenawi; shaki ma leh inuu dhihi doonno:
آجَرَكَم الله
Mar horaba Siilaanyo, Faroole, iyo Shariifkuba waa ka tacsiyeeyeen geerida Zenawi. Waxad mooddaa inay qaadeen heestii loo qaadi jiray marka madaxdii Soomaalidu dhintaan:
Dalka iyo dadkaba samir
Allahayoow ka deeqsii
Allahayoow ka deeqsii
Dad baa ninkaas sheekh u yaqaan! Isagoo sheekh sheeganaya buu Fircoonkii iyo Abu Jahalkii Geeska Afrika isu oohinayaa! Haddaad i rumeysan weydaan fiiriya wejiga Shariif marka kaamarada lagu qabto Axadda Zenawi la aasayo! Sawir-qaadayaasha iyo filim-qaadayaashu waa ku fiican yihiin arrintaas! Maaddama aysan weli dhicin waxa lagu sheegayo doorashada madaxweynanimada Soomaaliya baa laga yaabaa in la arko Shariif sheekh Axmed oo dul taagan bakhtiga Zenawi oo ilmo iska tiraya! Annaga wax kale hanoola muuqato laakiin isaga waxay u tahay dacaayad lacag la’aan ah oo uu ugu talo galay reer Galbeedka iyo Gaalomadowdu inay arkaan inuu yahay nin qunyar socod ah ooy u siman yihiin dhimashada Muslimiinta iyo gaalada, una wada baroorta!
Foolxumadaasba ha sameeyee waxaa dhici karta inaan gaaladu dib u dooran isaga! Fiicnaan lahaydaa in reer Galbeedku soo ceshaan Shariif! Xaqiiqdii, Shariif waa asal-ma-doorshaha isu-geynta iyo kala-jarka! Haddaad eber wax ku darto ama ka jarto; is-beddel ma leh. Tusaale ahaan:
B + 0 = B
B – 0= B
Intuu sheeganayey madaxweynaha lama arag wuxuu qabtay oon ka ahayn isagoo soo qaata dharka isboortiga markuu soo booqanayo gabdho ciyaaraya kubbadda koleyga ama inuu soo qaato dareyska ciidamada markuu tagayo meelo Amisom qabsatay! Waa la dhihi karaa dhib buu u geystay gaalada! Wuxuu sii kala jabiyey Suufiyadii u mideysneyd la-dagaalanka Mujaahidiinta markuu jeebka soo gashatay mid ay isku jufo yihiin!
Maaddaama uu ku oodnnaa Madaxtooyada, laguna qaadi jiray gaari qafillan baan marar badan qoray inuusan ka duwaneyn daanyeer ku jira beerta xayawaanka! Keliya waxaa daanyeeradaas dadka la tusaa markii shucuubta waddamadaas kaalmo laga rabo iyadoo dadka loo tusayo haddaysan caawinaad bixin in laga yaabo in xayawaankaasi dabar go’. Isagu waa sidii oo kale oo marka la rabo in la helo lacag Amisom la siiyo baa adduunka la tusaa in rajo ka soo muuqato Soomaaliya oo hadda la hayo “madaxweyne” Soomaaliyeed!
Waxaa Shariif igala yaab badan wadaaddadii Salafiyiinta sheeganayey ee Zenawi ku casuumay Jigjiga! Beryahan haddii runta la sheego waxaa la dhahaa: been-abuur baa la sameeyey! War nimanka uu Jigjiga ku casuumay wakiilka Zenawi, Cabdi Maxamuud Cumar; soow macnaheedu maaha Zenawi baa casuumay? Wadaaddaa kala lahaa Jigjiga: Zenawi wuxuu ogolaaday in la dhigo Tawrxiid barax la’! Markay saas leeyihiin; Zenawi wuxuu keenay C/Laahi Al-Xabashi oo dooriyey diintii Islaamka! Waan u dignnay wadaaddadaas iyo shacabka Soomaali Galbeed! Maxaa Qaddar laga qaban karaa! Yaa fiirsaday dumar, carruur, niman, iyo odayaal Soomaali Galbeed u dhashay oo shumuc wata oo isu oohinaya una baroordiiqaya Zenawi! Mar haddii wadaaddadii aqbaleen Mu’tamar Zenawi madax ka yahay; maxaad maatada ka fileysaa?
Haddaan Ilaahay faraj u furin Soomaaliya; shaki iigama jiro in la arki doonno qof kasta oo Soomaaliya oo qaada cudurka kursi-jacaylku inuu tagi doono Addis Ababa dabadeedna soo booqdo qabriga Zenawi, iskuna soo sawirro! Maxay noqon kartaa heesta kuwa qaba kursi-jacaylku ka tirin karaan qabriga Zenawi? Hal-abuurrada Soomaaliyeed baan uga tagayaa waxay ka tirin doonaan heesaha loogu talogalay kuwa ku waashay kursiga ee u dhigma kuwii Cilmi-boodhari iyo Batalaale laga tirshay.
Ka warrama hadday tii Ilaah u timaaddo Shariif oo kor taagan bakhtiga Zenawi oo ilmadu ka qubaneyso? Jawaahiri iyo Gaas waa la mid laakiin iyagu iska cilmaaniyiin bay ahaayeen!
C/Waaxid C/Laahi Khaliif.