سم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعي
Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!
Maalmo yar ka hor markii aay soo yeedhay in Meles Zenawi dulsaaran tahay mindidii geerida ayaan waxaan daabacay qormo gaaban oo aan ku odorasayo siday u ekaan karto mustaqbalka siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo isbeddellada ku imaan kara iyadoo mar walba aay muuqato in Alle(swt) gacantiisa aay ku jirto waxa dhacaya laakiin aan qofna lahayn tasarufkaas iyo awoodaas wax bedesha. Waxaa soo baxaya dhimashadii Zenawi ka dib wixii qarsoonaa oo ahaa in Zenawi ku aawdnaa god bahalo galeen ah oo aay dhici karto in aay meesha ka baxdo dhulbalaarsigii Xabashida ee muddaba dabada laga waday. Waxaan jaleeci doonaa sidii looga jawaabay iyo waliba dareenkii laga baxshay geeridii Shaydaankaa Alle (swt) ummadda Islaamka ah ka qabtay.
Reer Galbeedka iyo inta la halmaasha(gaalo)
“Meles Zenawi’s death a headache for the West” DNA
The death of Ethiopia’s prime minister has thrown his country into turmoil, but also raises questions over the future of the West’s security policy for the Horn of Africa.
Mid ka mid ah wargeysyada uga afka dheer reer Galbeedka oo la yiraahdo DNA ayaa cinwaan uga dhigay qoraalka ah “Dhimashadii Zenawi waxay madax xanuun ku reebtay reer Galbeedka” wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay “Dhimashadii madaxii Golaha wasiiradda ee Itoobiya waxay dhex dhigtay dalka Itoobiya khalkhal, waxay kaloo reebtay su,aalo ku saabsan siyaasaddii mustaqbalka amniga ee Geeska Afrika”
Wargeysku isagoo warkiisii sii wata wuxuu yiri “Ethiopia is a key friend of Britain, Europe and America in a region beset by growing security threats. Ethiopia’s neighbors’ include Sudan, Eritrea and Somalia. Across the Red Sea lies Yemen. Few of the leaders of those countries harbor any love for the West. In Yemen and Somalia, al-Qaeda’s new affiliates are gaining ground”.
“Itoobiya waa saaxiib muhiim ah oo aay leeyihiin Britain, Yurub iyo Maraykanba kuna yaal gobol aay kordheyso khatarta xagga amniga ah. Wadamadda deriska la ah Itoobiya oo aay ka mid tahay Sudan, Eriteria iyo Soomaaliya iyo weliba Yeman oo ku taal markii Badda Cas la dhaafo, waxaa jira tiro yar oo raqbad ama rabitaan u haya siyaasadda reerGalbeedka ee Gobolka. Weliba Yeman iyo Soomaaliya urur-weynaha Alqaacida ayaa waxaa isa soo tarya inuu saldhigyo waaweyn ku yeelanayo gobolka”.
Iyagoo ka walaacsan adkaanshaha aay adagtahay in la helo siyaasi kale oo bedeli kara Zenawi howlihii ahaa wakiil ahaanshaha daneysiga Geeska Afrika ee reer Galbeedka (Proxy war strategy), ayaa wargeysku wuxuu sii ambaqaaday qoraalkiisii wuxuuna sii raacshay “But as his successor is likely to face increasing difficulties within Ethiopia’s borders, there will be less and less time for regional powerplaying”. “Laakiin waxaa dhici karta in hoggaamiyaha bedelaa uu la kulmo mashaakilaad badan oo hadda ka jiraa xadka Itoobiya aay la leedahay wadamadaas waana qadar aad u yar inuu ku guuleysto shaxda siyaasadeed ee gobolka ka jirta”.
Wargeysku wuxuu qoraalkiisii ku soo gabagabeeyey saluugmo iyo cabsi badan oo reer Galbeedku ka qabaan waxa laga filan karo mustaqbalka dhow ee mandiqadda iyagoo muujinaya walaac badan oo ku saabsan inaay adkaan doonto in la helo siyaasi la mid ah Zenawi oo ciyaari kara doorkiisii “That is likely to leave Western diplomats and geopolitical strategists scratching their heads about where they will now turn to find a willing army to fight their battles and a willing leader to voice their arguments. Kenya and Uganda have both sent their soldiers beyond their borders, into Somalia to join the Ethiopians in the fight against al-Shabaab. But both countries also face serious domestic uncertainties and the leaders of neither nation look ready to fill Meles’s boots. “Taasi waa mid ku reebaysa reer Galbeedka iyo siyaasadooda ku salaysan gobolka, una muuqata inay meel bannaan wax ka bilaabayaan si aay u helaan cid ciidan iyo siyaasad ahaanba u buuxisa meeshii uu banneeyey Zenawi. Kenya iyo Ugaandha waxay ciidammo u direen Soomaaliya si aay u garab istaagaan kuwa Itoobiya, ulana dagaalamaan Al-Shabaab. Laakiin labada dowladoodba waxay la daalaa dhacayaan deganaansho la’aan siyaasadeed oo aay wajahayaan, hoggaamiyaasha labada dalna midna ma awoodo inuu buuxiyo booskii Zenawi”.
Sida muuqata waxa hadda dumaashii la wareegay nin la yiraahdo Hailmariam Desalegn oo ah sida Barack Obama, waxaan ula jeedaa Obama waa nin Madow ah asal ahaana Muslim ka soo jeeda isla markaana ah Jiilkii koowaad(first generation) ee ku dhasha Mareykanka, lamana fileyn in nin caynkaas ahi Mareykanka madaxweyne ka noqdo, sidaas oo kale Desalegn maaha qowmiyaddii weligeed ku amar kutaagleyn jirtay dalka ee Xabashida ee waa qolo yar oo ka mid ah qoomiyaddaha laysku yiraahdo Ummaddaha Koonfureed lana yiraahdo Walayto. Warar lagu kalsoonaan karana waxay sheegayaan in meesha loogu dhiibay si loo yareeyo khalkahalka siyaasadeed ee ka dhex bilowday hoggaamiyaasha xisbiga talada haya ee EPRDF ee Tigreygu hoggaanka siyaasadeed u hayo.
Desalegn wuxuu ka dhashay qowmiyadaha cuqdadda qaba oo tirsanaya in muddoba lagu amar ku taagleynayey xaq badanina ka maqan yahay, waxaana suurta gal ah inuu la yimaada Hannaan siyaasadeed (political vision), oo liddi ku ah rabitaanka Tigrega, isagoo qaadan kara talaabo uu ku xididsiibayo rukumadda Tigrega ah ee uu Zenawi meesha ka taag-taagay muddadii uu dalka haystay, taasina waxay abuuri kartaa isfahamwaa iyo tuhun kala dhex gala TPRDFta dhexdeeda, waxayna horseed u noqon kartaa burbur soo degadega oo Alle (swt) ku keeno Gaalo madowda Xabashida ah.
Kuwa Soomaaliga ku hadla ee Dumaasha sugaya!!!
Mujaahid Sayid Maxamed Cabdulle Xassan baa waxa laga hayaa war ahaa ”Wallee af laba daan laa hadalba deyneyne” Mujaahidku wuxuu la yaabbanaa caqli xumada Soomaalida ee xilliggaa joogtay, iyo siday gaalada isugu dhiibeen. Haddii aaynu sheeko ku hayno xilliggaa iyo Soomaalida joogtay, bal maanta aan aragno tan joogta ee diyaar u ah inay heeryo gumaysi qaadaan.
Cabdi Maxamud Cumar( Ini Iley)
Mujaahid Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo maagaya dadka caammada ah ee aan aqoonta lahayn baa wuxuu yiri ”Dufku baxa ileyn Caammo waa dumarka noocoodee” Waxaan ka cudurdaaranayaa inaan gabaygan soo qaato waayo dumarka kuwo ragga qaar ka fiican kana diin badan baa jira, laakiin macno ayaan ula dan leeyahay. Ini iley aqoon badan uma lihi, laakiin waa nin siyaasadda kharriban ku jira oo cid waliba imminka waa taqaan caqligiisa iyo aqoontiisaba ma ahan mid la qiyaasayo, laakiin waa mid aad u hooseysa welina ma arag caqliga ninkaa ku jira qof bashar ah oo uu ku jiro, waxaana filayaa inuusan lahayn wax wax kala yaqaan oo la taliya amase ag jooga, taasi waxay cadaynaysaa dabadhilifnimada wuxuu kaga daray jaahilnimo iyo doqonimo ka dhadhamaysa hadalkiisii uu ka jeediyey baroordiiqii Zenawi, Alle(swt) naartii haku fogeeyee ileyn waxaan filayaa inuu towbad la’aan ku dhintaye, ini Ileyna hadduusan u toobad keenin Alle (swt) kuma dhaafayo ereygaa gefka ah, sababtoo ah qof cadow Alle ah in loo duceeyo amase dambi dhaaf loo dalbaa waxaa Alle ka diiday Ambiyadii Alle qayb ka mid ah sida Nabi Ibraahim (CSW), markuu aabbihii Asar, damcay inuu Alle dambi dhaaf u weydiiyo, weliba Asar waa noolaa oo towbada waa laga aqbalayey haddii uu towbad keen la imaan lahaa.
Nabi Luud (csw) ayaa markuu ka yaabay qoomkiisii jaahilnimada iyo fusuqa aan xishoodka lahayn ayaa Nabi Luud wuxuu ku leeyahay ’war miyuusan idin ku jirin mid wax gartaa’ Taas waxaa maanta dhinac taagan oo la oran karaa waaba isku mid kuwa culimmo iyo caammaba ka kooban ee agtaagan meesha jaahikaasi uu gaal Alle (swt) ku caasiyey uu duco iyo dambi dhaafba u dalbayo.
Cabduraxmaan Sheekh Maxamed Aw Maxamuud(ini Faroole)
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Maskuba Abur buu dhalaa” ninka magacaa leh aabbihii wuxuu ahaa nin Cullimmo ah oo weliba aan dareensanahay in dad badan oo reer Nugaaleed ah uu diinta Alle barey, laakiin kan labada afkii yeerey geeridii Zenawi Alle wax kama dheefsiin cilmigii Sheekh Maxamed Aw Maxamuud. Waxaan xasuustaa sanadkii 2000 bishii Juun annagoo joogna tuulada Carta oo ka mid ah Jabuuti in goor duhur ah salaad loo istaagay, waxaa Salaadda na tujiyey Iimaan Muqiim ah(aan musaafur ahayn), sidaa sunanka ku cad waxaa sax ah in Iimaamka la raaco oo markuu salaada ka baxo laga baxo, Cabduraxmaan markii uu salaaddii laba rakcadood la tukaday Iimaamkii buu inta salaaddii ka baxay haddana iimaankii oo salaadii ku jira laba kale ku daba xirtay, isagoo markaa aaminsan in uu duhur iyo casarba is raacshay oo uu labadaba soo gaabshay maadaama uu musaafur ahaa, waan xasuustaa oo nin aan jeclahay inuu ahaa Maxamuud Yuusuf Xassan (Gacamey) oo hadda Ingiriiska jooga baa yiri salaadaada wax baa ka dhimane iska hubi sax ahaanteeda isagoo madaxa taagaya buu yiri salaadaydu waa sax, halkaas waxaa kaaga cad inuusan xataa salaadda sixi karin markii iigu dambaysay ninkaa mararka qaarkood aad mooddo inuu fatwooyin soo saarayo, taasina waa jahli todobaatan lagu gaarey iyo kibir aan sal lahayn, inuu dhimashada Zenawi u baroortana maaha wax isaga la weyn oo diini ka celinayso ee waa wuxuu ku soo ababay oo ah gaal jaceylnimo iyo in xaqa iyo Kitaabka Alle oo lala diriro iyadoo gaalo la raalli gelinayo, waxaana shaki ku jirin nin walba ninkii uu jecelyahay inuu maalinta la hortaagan yahay Alle keligii uu meel la istaagayo, sida ku cad xadiiskii Rasuulka (csw), ee ahaa “qof walba wuxuu dhiniciisa/miciisa yahay maalinta xisaabta kii uu jeclaa”
Cabduraxmaan macno weyn ma leh oo waa ninkaa aan idinka sheekeeyay, aawey culimaddii deegaanka joogtay ma waxay ku qanacsan yihiin waxaa uu qasayo ninka aay hoos joogaha u yihiin mise waanay iyaguba ka ood sokeyn oo bayaan aan dhawaan ku arkay warbaahinta Islaamiga ah ee ‘Somalimemo’ oo isna baroordiiq iyo tacsi loogu dirayey Zenawi ayaa sax ahaa oo ay ku qanacsan yihiin, inkastoo wadaadkii ku saxiixnaa uu inkiraad isla soo taagay? Maxaysa ugala bakhaylayaan inay wax u sheegaan ilayn waa saaxiibbo aad isugu dhowe?
Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)
Siilaanyo oo raggan xagga da’da ugu weyn aana aaminsanaa inuu xataa xagga hannaanka dowladnimada iyo siyaasaddaba uu ka sareeyey marka lays barbardhigo isaga iyo ini Iley ama ini Faroole, sababtoo ah labada kaleba waxay ahaayeen niman ka mustawe hooseeya Siilaanyo oo midkoodna ma gaarin heerarka kala duwan oo uu Siilaanyo ka soo marey noocma dowlidihii Soomaaliya soo marey, inkasta oo uu ahaa ninkii labaad ee Xabashida Soomaali ku soo hoggaamiya marka laga reebo Marxuum Cabdullaahi Yuusuf, oo Siilaanyo wuxuu madax ka ahaa Jabhaddii Waqooyiga Soomaalida ka daggaallami jirtay ee SNM. Bilowgii xukunkiisa markii uu la wareegay kusiga madaxweynenimada Soomaali Land ama Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, siilaanyo wuxuu isu muujiyey nin ka biya diidsan siyaasadda gurracan ee Xabashida, wuxuuna bixinayey farriimmo muujinaya in uu madaxweyne ka yahay dal xor oo la yiraahdo Soomaali Land, kuna yaal qaaradda Afrika, Itoobiyana aay sidoo kale tahay, taasoo macneheedu yahay Afrika isuma dowladeyn karto ee kulligeedba Reer Galbeed iyo Gaalo cad baa wada maamushee yeynaan Afrikay wax isu yeerin.
Soomaalidu waxay tiraahdaa “la ogaayoo gorayo haad bay noqotay” waxaan marnaba wanaag iyo xornimo ama damiir gaal neceyb laga sugeyn nin diin-darro iyo cilmmaanimmo todobaatan ku gaarey, taasi waxay malahayga ka saartay in Siilaanyo kuwa kale xoogaa dhaamo laakiin warkaasi waa beenoobay oo dhimashada Zenawi wax bay fashilisay Allow hana fashilin.
Laba Shariif, Shariif Axmed iyo Shariif Xassan
Waxaan sheeko ku maqlay nin reer miyi ah ayaa Bisad ama Mukulaal amase Yaanyuur ninba sidii uu u yaqaan magaalo usoo beec/iib geeyey, intii uu jidka ku soo jirey buu wuxuu la kulmay dad badan, qof walbana wuxuu weydiiyaa meesha uu bahalkan u wado qof walbana magacyadaa aan kor ku xusay buu kii uu u yaqaan ugu yeraa. Ninkii markii uu magaaladii soo galay uu oo sayladdii/suuqii xoolaha yimi buu wuxuu arkay neefkii uu islahaa suuqa gee oo iibso oo suuqii dhex yaacaya meel walbana taagan cidina aayan xarrig ku hayn ama hoggaansaneyn, wuxuu kaloo la kulmay filanwaa ah inaan cidina ka baayicin ama waydiin wixii uu iibka u watay. Ninkii yaab iyo dhabanna hays baa ka soo harey wuxuuna yiri isagoo quus ka taagan in wax laga iibsado “magacyo badanaa oo qiimo daranaa” dabadeedna wuu siidaayey bisaddii. Taa waxaa la mid ah nimankan aan magacyadooda kor ku xusay laba Shariif, iyo macnahoodu isma laha.
Waxaa jirta aragti ama nadariyad caalami ah oo culimmadaa ku takhasusta culuumta ishtimaaciga ah (Social Scientists), aay isku raacsan yihiin, aragtidaas waxaa la yiraahdaa Cilminafsiga Gumeysiga (Colonial Psychology), waxay tilmaameysaa inaan qof ama ummadi aan la gumaysan ilaa uu qofku ama ummaddu ogolaato gumaysiga, awood kasta oo uu gumaysigu la yimaadana suurto gal kama dhigto in ummaddaa la gumaysto haddaan umaddu oggolaan ama aayan ralli ku noqon gumaysiga, sidaa darteed nimankaa qowsaaradda ah ee u baahan in lagu shaqeeyo waa niman oggolaaday in ummadda la gumaysto, waxayna diyaar u yihiin in la helo nin ka liita kii bakhtiyey ee Zenawi sidiisiina howshii uu iyaga ku fulin jireyna meeshii ka sii wada, waxayna la barooranayaan amase la balanbalayaan waa kalsooni darro iyo cabsi weyn oo aay ka qabaan inay Zenawi oo kale waayaan, amase uu soo baxo nin iyaga Dumaali waaya, oo buuxin waaya meeshii Zenawi ka tagay.
Kuwaas waxaa ka ayaan daran kuwa culimmo iyo caammaba isugu jira ee ku hoosnool oggolaadayna in meelaha aay iyagu joogaan Muslimiinta lagu dulleeyo gaalo madowda lagu ciseeyo, oo weliba masraxyada la iska dhegeysto ama la iska daawado la soo taagn daafacaadda qowasaaradda aan tilmaamay.
Waxaa Alle inoogu sheegay meelo badan oo quraankiisa ka mid ah wixii dhex marey Fircoon iyo qoomkiisii uu Illaahnimada u sheegaty, Alle waa cid ma dulmiye qoomka uu Fircoon Illaahnimada u sheegatayna inay iyaguna kuwo xad gudbay oo Faasiqiin ah Alle meelo badan buu ku xusay, marka nimankani keligood dambiilayaal iyo faasiqiin maaha inta raalliga ka ah ee ku qanacsan ku hoos noolaanshahooda weliba amarradda qaar kala qayb qaadanaya hadde iyaguna hays miisaamaan.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Wa Billahi Towfiiq
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)