الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه أما بعد
Hordhacii iyo Qeybtii koowaad baan ku soo marnnay iyadoo Fircoon ogaa in wiil ka soo baxaya reer Binuu Israa’iil gacantiisa lagu suulin doonno xukunkiisa dabadeedna isku dayey inuu arrintaas ka hortago laakiin ku guul darreystay. Iska daa in Fircoon arrintaas gaashaanka u daruuree; wiilkaas laftiisa buu gurigiisa keenay! Maxaa wadaaddada qaarkood uga quusteen in Shareeco-isku-xukunku soo noqonayso iyadoo reer Galbeedku arkayaan?
Sidoo kale markaan arkay wadaaddadii oo qisadii Nabi Yuusuf (CS) iyo Fircoonkii Masar soo qaadanaya ama tan Nabi Muuse (CS) iyo Khadar (RC) soo qaadanaya iyagood mooddo inay ka raadgadanayaan wax ku saabsan gumeysi-ka-dhiidhiyid iyo Jihaad baan goostay inaan bilaabo qoraalo tusinaya in Qisooyinka Nabiyaashaas qaarkeed ay ku caddahay arrimo ku saabsan Jihaad iyo gumeysi-ka-xoroow.
Insha Allaahu waxaan isku dayeynnaa inaan helli doonno mowqifkaas Nabi Muuse (CS) qaatay mid u eg oo uu Suubbanahu (SCW) la yimid.
Horta intaanan Nabiyada u gelin bal aan fiirinno waxa Mushrikiin waqtigii Jaahilga joogay ka dhaheen inaan la qaaddan dulliga:
وفي الارض منأى للكريم عن الأذى # وفيها لمن خاف القِلى مُتَعَزَلٌ
لعمرك مابالأرض ضِيقٌ على امرىء # سرَىْ راغبا او راهبا وهو يعقل
Shanfaraa wuxuu lahaa:
1-Dhulka waxaa ugu sugan qofkii kariim ah meel uu ka magan galo dhib, waxaana dhulkaas ugu sugan qof ka baqaya caro meeluu ku kali noqdo (uga maato caradaas iyo dhibkaas loo qabo).
2- Noloshaadaan ku dhaartaye uguma sugnna dhulka dhexdiisa wax ciriiri ah qof guureeyey isagoo dan leh ama cabsanaya, hadduuba yahay qof caqli leh.
Nin waalli lagu sheegi jiray baa yiri:
إذا كنت في دار يهينك أهلها، ولم تك مكبولا بها، فتحول
Haddaad joogtid waddan ay dadkiisu ku ihaaneysanayaan; hasii aadan lugaha ka xirneyn; iskaga tag!
Wiil Qasir ku soo Koray oo Addoonsi Qaadan waayey!
وَدَخَلَ الْمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفْلَةٍ مِّنْ أَهْلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيْنِ يَقْتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِ وَهَٰذَا مِنْ عَدُوِّهِ ۖ فَاسْتَغَاثَهُ الَّذِي مِن شِيعَتِهِ عَلَى الَّذِي مِنْ عَدُوِّهِ فَوَكَزَهُ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيْهِ ۖ قَالَ هَٰذَا مِنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ ۖ إِنَّهُ عَدُوٌّ مُّضِلٌّ مُّبِينٌ (15) (القصص
Wuxuu galay magaalada waqti ay dadkeedu qaflad ku sugan yihiin, wuxuuna la kulmay labo nin oo is dagaalaya – midi waa dadkiisa; midna waa cadowgiis dabadeedna kii dadkiisa ahaa baa ka dalbaday Nabi Muuse (CS) inuu uga gargaaro kii cadowgooda ahaa dabadeedna Nabi Muuse (CS) wuu feeray wuuna dhintay ninkii; wuxuu yiri (Muuse): kaasi waa camal ka yimid Sheydaan, waxaa xaqiiqo ah in Sheydaanku yahay mid wax-lumintiisu caddahay.
Suureyso nabi Muuse (CS) aan wali Risaalo la siin, barbaarna ah, kuna soo koray qasrigaas oo weliba xag adduunyo ahaan waxa loo shaqeynayo ahaa Fircoonkuu qasrigiisa ku noolaa; saasooy tahay, ma hilmaanin gumeysi-ka-dagaal iyo inuu dadkiisa gargaaro!
Nasiib-darro, wadaaddadeennii meeshay Mujaahidiinta gargaari lahaayeen bay Amisom, Kenya, Itoobiya, Faroole, iyo Siilaanyo taageereen! Waxay feer u duubteen walaalahoodii Mujaahidiinta ahaa! Maxaa kaa bi’i lahaa hadday qasri ku noolaan lahaayeen ama madaxweynayaal laga dhigo! Weliba iyadoo Islaamku na farayo:
وَإِنِ ٱسْتَنصَرُوكُمْ فِي ٱلدِّينِ فَعَلَيْكُمُ ٱلنَّصْرُ
Maaddaama wadaaddadaas dhib badan yihiin oo laga yaabo inay dhahaan: maxaa nalooku soo qaadanayaa qisooyinkii Nabiyaashii hore baan rabaa inaan tuso in Suubbanuhu (CS) ahaa qofka koowaad ee dulmi la dagaala. Waxaan is xasuusineynnaa Xaddiiskii Isgaashaan-buursigii Faduul. Xaddiiska hoose waxaa sheekh Albaani (RC) sheegaa inuu shawaahid leeyahay waxaana culumada qaar dhaheen waa Xaddiis Habboon.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم “لقد شهدت مع عمومتي حلفا في دار عبد الله بن جدعان ما أحب أن لي به حمر النعم ، ولو دعيت به في الإسلام لأجبت
Wuxuu Rasuulku (SCW) leeyahay: waxaan la xaadiray adeerraday is-gaashaanbuureysi daarta C/Laahi binu Jadcaan, ma jecli in (bedelka xilfigaas) aan helo geel gudguduudan, haddii Islaamka dhexdiisa la iguu yeeri lahaana waan ajiibi lahaa!
Xaqiiqdii, Nabigu (SCW) waa yeelay oo sababtii Maka loo furtay waxay ahayd Khuzaaco oo Nabiga (SCW) xulufo la ahayd oo la taageeray markay Qureysh iyo xulufadiidii jabiyeen heshiiskii Xudeybiya.
Waxaa nala yaabaa wadaaddadaas! Qoraalladeydii ugu horreeyey waxaa ku jiray kuwo lagu difaacayo wadaaddadaas markii dagaaloogayaashu sida xoolihii u iibsanayeen! Isla wadaaddadaas baa dhowaan odayaasha dhaqanka ku lahaa: noo doora xildhibaanno! Ma naqaan dadka odayaashu dooreen qaarkood? Waa dagaaloogayaashii ka ganacsan jiray wadaaddadaas! Ogaada, Mahiga waa diidadanaa in dagaaloogayaasha lagu daro xildhibaannada laakiin Museveni baa ku khasbay reer Galbeedka in la soo cesho dagaaloogayaashaas saan qabiillada qaarkood u kicin! Weli ma heynno bayaan wadaaddadu ka soo saareen dagaaloogayaasha la leeyahay waa xildhibaanno! Beddelkeeda, wadaaddadaas qaarkood iyo wax-ma-garato wax u qorqorta baa meelaha ka leh: maxaa loo xiri waayey C/Waaxid iyo walaalo kale oo wax qora? Maxay xarigayaga ka helayaan? Soowse hadda qabqablayaashii ma soo noqon? Yaa wadaaddada u damaanad qaadaya inaan mar dambe laga ganacsan doonin? Miyeysanse u baahan doonin cid kaga ridda dagaaloogayaasha? Qolyo rabay inay nin gabyaa ah is dhaafiyaan iyagoo ka baqay inuu arrintooda ka kala tuuro buu gabyaagii yiri arrimo ay ku jiraan:
- Haddii aan tawalo oo tawalo oo u kaco, tub aan la gaaraynin
- Afar hal oon laga toobanayn, soo la tabi maayo
- Fulay baa tawala meel haddaan, laysu turahayne
- Senge turuqya weyn oo nin lihi, toosin kari waayey
- Halkaan waranka kaga tuuri jiray, soo la tabi maayo?
- Xaajadu hadday tuhun gashoo, odayo loo tiirsho
- Waxba tororog baas lama rabiyo, taan nuqdo lahayne
- Halkaan tiirka ugu aasi jiray, soo la tabi maayo?
Waxay na xasuusineynsaa inaan maangaab loo gargaarin oo gabyaa baa lahaa:
- Dambas buu haraatiyey ninkii, doqon abaal taarta!
Aayadihii Qur’aanka Kariimka ah baa ahaa:
فَأَصْبَحَ فِي ٱلْمَدِينَةِ خَآئِفاً يَتَرَقَّبُ فَإِذَا ٱلَّذِي ٱسْتَنْصَرَهُ بِٱلأَمْسِ يَسْتَصْرِخُهُ قَالَ لَهُ مُوسَىٰ إِنَّكَ لَغَوِيٌّ مُّبِينٌ * فَلَمَّآ أَنْ أَرَادَ أَن يَبْطِشَ بِٱلَّذِي هُوَ عَدُوٌّ لَّهُمَا قَالَ يٰمُوسَىٰ أَتُرِيدُ أَن تَقْتُلَنِي كَمَا قَتَلْتَ نَفْساً بِٱلأَمْسِ إِن تُرِيدُ إِلاَّ أَن تَكُونَ جَبَّاراً فِي ٱلأَرْضِ وَمَا تُرِيدُ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلْمُصْلِحِينَ
Waxaan ku soo xirayaa gabyaa baa isna qisadan oo kale ka lahaa:
- Nabi Muuse tii soo martaa, maanta la hayaaye
- Ninkii gaalku muhdiga ku raray, oo miskaha buuxshay
- Midigtiisa waa tuu ku dilay, meel aan la arkayne
- Doqontii cid kale maamushaa, ma laha iimaane
- YAALLAABA waa gargaar meel maruu, dib ugu meershaaye
- Mulxidkii Fircoonna u tagyoo, maaddadii u sheegye
Qeybta seddexaad waxaan ku soo qaadan doonnaa haddii Allaha awoodda lihi ogolaado: ka-tagiddii Nabi Muuse (CS) ka tagay Masar markuu ninka dilay iyo waxyaalihii ku xigay! Waxaan ku bilaabi doonnaa oo u fiicneyd wadaaddada inay sidii ninkii magaalada meesha fog ka imaanayey oo u digayey Nabi Muuse (CS) ay wadaaddadu dhagartay ka soo maqlaan Amisom, Kenya, Itoobiya, Faroole, iyo Siilaanyo u sheegi lahaayeen Mujaahidiinta halkay sidii ninkaas la addoonsanayey sii eedeyn lahaayeen Nabi Muuse (CS)!
F.G. Gabayga dambe meesha Mulxidka aan ka dhigay wuxuu gabyaagu yiri: Mushrika. Waxaan filayaa meeshaan iri: midigtiisa inay ahayd maqligiisa! Marka waa eed la’aan haddaan xusay sidii hore ee gabyaagu u tiriyey dabadeednna aan u qurxiyey.
C/Waaxid C/Laahi Khaliif.