Boqollaal ka tirsan dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo ayaa saakay isugu soo baxay fagaare weyn oo ku yaalla magaalada Kismaayo, si ay u arkaan Meydadka askarta Kenya oo ku hoobtay dagaalkii Afmadow(SAWIRO)

Boqollaal ka tirsan dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo ayaa saakay isugu soo baxay fagaare weyn oo ku yaalla magaalada Kismaayo, si ay u arkaan Meydadka Askartaasi.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Kismaay, labo ka tirsan Meydadka Askarta la keenay magaalada Kismaayo waxa ay yihiin Askar Kenyaan ah, ladabada kalena waa Askarta Soomaalida ee Kenyaatiga la socota.

Si kastba ha ahaatee dagaalladii cuslaa ee shalay ka dhacay gudaha iyo duleedka degmada Afmadow ayaa waxaa Khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Ciidamada Kenya iyo Askarta Soomaalida ah ee la socota, iyadoona dagaalkaasi lagu dilay inkabadan 80 Askari oo Kenyaan iyo Soomaali isugu jira.