MAQAAL:- Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Waxaan isku dayayaa Insha Allah in aan, wax yar ka iraahdo Aniga oo Afka iyo Maskaxda ay iiga buuxaan wax badan oo aan jeclahay in aan iraahdo!, Bayaankii Shabakadda Islaamigaa ee SomaliMeMo daabacday ee Tacsida Meles Zenawi, Sheekh Axmed C/samad iyo Sheekh Umalna ay weerar ku gaaciyeen Shabakadda Islaamigaa markii ay sirtii ay helaan siidaayeen.
DHAGAYSO MP3 HALKAAN RIIX AMA GUJI
قال الله تعالى
{وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مَسۡجِدً۬ا ضِرَارً۬ا وَڪُفۡرً۬ا وَتَفۡرِيقَۢا بَيۡنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَإِرۡصَادً۬ا لِّمَنۡ حَارَبَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُ ۥ مِن قَبۡلُۚ وَلَيَحۡلِفُنَّ إِنۡ أَرَدۡنَآ إِلَّا ٱلۡحُسۡنَىٰۖ وَٱللَّهُ يَشۡہَدُ إِنَّہُمۡ لَكَـٰذِبُونَ }
قال الله تعالى
وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى}
قال الله تعالى
وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ
ولم تزل قلة الإنصاف قاطعة *** بين الرجال وإن كانوا ذوي رحم
Akhristow ma og tahay in hal haysta Abtigay Sheekh C/samad uu yahay “Ma Dhinte Waa Ilaahay!?”. Waa eray Bayaankii Tacsida Meles loo diray lagu daah furay!, Oday Soomaaliya ayaa gabadhiisa siiyey nin uu lacag badan uu ka cunay, markaas ayaa gabadhii diiday ninkii la siiyey, Odaygii yaradka qaatayna wuxuu yiri, wax lacag ah kama cunin ninka gabarbaan siiyey waana diiday!, Nin lacag laga cunay xaasna aan gacan ku haynin soo ma ahan in uu faraha taagtaago, Ninkii hal hays ayuu wuxuu ka dhigtay, “Xirsi Dhoolow waa inoo Qiyaamaha!”, Xirsi dhoole waa Odaygii lacagta cunay!.
Hadda waxaan dhihi karaa, Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Axmed C/samadow waa inoo Qiyaamaha!. Adilooyinka aan ku haysano Al-ictisaamka iyo Nasuusta aan ka gaari waayo, waxaan Insha Allah ku xardhi doonaa Masawirada aan raacin doono Maqaalka, waxaan kale oo aan Maqaalkaan kaga hadlayaa Insha Allah, Qodobadaan, soo socda.
1- Culimadu Maxay Nabiyada SCW Ka Dhaxleen?, Ma in ay Shareecada Islaamka Difaacaan mase naftooda iyo ururkooda ay difaacaan?
2- Culimadii Al-ictisaam ee Yiraahda Nabiyada ayaan Dhaxalnay oo dadkii waxay Amreen u daba maray iyo Nabiyada oo leh waxaan idin Amarnay idiin daba mari mayno!.
3- U garnaqidda Sheekh Axmed C/samad Iyo Shabakadda Islaamigaa ee SomaliMeMo.
4- U garqaadidda, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Shabakadda Islaamigaa ee SomaliMeMo, culimadii iyo ducaadii Bayaanka masaajidka Abuubakar Nairobi hortiisa ka qaybisay, ee loo Gafay!.
Cadaaladda, Xushmadda, Runta iyo Allah ka cabsiga ayaan aad xoogga usaarayaa, maadaama Shacabka Soomaaliyeed intooda badan aad ula yaaban yihiin, daagaalada dhexmaraya Culimada Al-ictisaam iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool.
Waxaa Magaalooyinka Qurbaha ee la isku hardiyey kamida Minneapolis, Waqooyiga America Masaajidka Al Safiir Al-Ameeriki loo yaqaano ee la oran jiray Masaajidda Abuubakar Sadiiq, South Africa, United Kingdom, Magaalooyin kale oo Yurub kamida iyo Kenya Nairobi oo ay hadda ka socoto Masaajidda Al-ictisaam hortooda in shacabku, waraaqo ku daadinayaan. Caradii Shacabka Soomaaliyeed dagaalkii iyo Baraarugii Islaamku wuxuu gaaray, Masaajidka Abuubakar Sadiiq ee ku yaalay Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Soomaalidu ay u badan yihiin.
Shacabka Soomaaliyeed oo Culimo iyo Ducaad u badan ayaa Bayaankii Xarakada Al-ictisaam ay kaga Tacsiyadeeyeen Geeridii Meles Zenawi ku qaybiyey Masaajidka Abuubakar ee 6th St hortiisa, ayaga oo aad u xanaaqsan. Bayaankaas Xarakada Al-ictisaam Inkireen kana cabaadeen waxaa faafiyey oo si sir ah ku helay Shabakadda Islaamigaa ee SomaliMeMo, waxaase ka hadlay Sheekh Axmed C/samad oo ku saxiixnaa Bayaanka iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo waayahan dambe difaacayey Shakhsiyaad, Ururo, Maslaxad, ama dano Adduunyo oo aan Aakhiro shuqul ku lahayn.
Wadaadku wuu cabaaday laakiin waxaan maqli jiray, “Hashu Ayadaa Geela Cunaysa Ayadaana Cabaadaysa”. Wadaaddadii ayagaa gaaladii laga reebi layahay iyo Murtadiinta, ayagaana cabaadaya, oo jawaasiis ku sheegaya Culimada Mujaahidiinta iyo howl Wadeenada Warbaahinta Islaamigaa ee difaacaya hirgalinta Shareecada Islaamka!. Xaqiiqdii Shareecada Islaamka waxaa duminaya xadgudubna ku samaynaya Rag Culimo ah oo Difaaca Shareecada Islaamka ka doortay in ay difaacaan Shakhsiyaad, Ururo iyo Maslaxad ama dano gooniya oo ay Adduunyadooda kadhex arkeen!.
Culimadu maxay Nabiyada SCW ka dhaxleen?, Ma in ay Shareecada Islaamka Difaacaan mise naftooda iyo Ururkooda in Ay Difaacaan?.
Waxaa in badan Culimada Al-ictisaam ay Caamada u sheegaan in Culimadu dhaxashay Nabiyada scw, waxaase is weydiin mudan maxay Culimadu ka dhaxleen Nabi Maxamed scw,?, jawaabta haddii aan soo koobno waxay noqon, waxay ka dhaxleen Shareecada Islaamka, waxaana ka xusi karnaa, in la doonayo Culimadu in ay noqdaan, kuwo ku tilmaaman dhaqankii Nabigeena Scw, sida, Caddaalad, Allah ka cabsi, (Tawaadac), u Qalbi furnaanta Muslimiinta iyo Isla weynaan la’aan , sidoo kalana waa in ay Naftooda, Ururka ay ka tirsan yihiin iyo danahooda gaarkaa ee Adduunyo ay ka hor mariyaan Difaaca Shareecada Islaamka, sidoo kalana Culimadu Shirkiga ama gaalnimadana ay bari ka noqdaan oo ka fogaadaan, mase muuqato!.
Waxaa Umadda Soomaaliyeed ay ka dharagsan tahay Culimada Al-ictisaam in ay ka gaabiyeen difaaca Shareecada Islaamka, in badan oo kamidana Culimadaas, waxay ka tanaasuleen, Manhajkii Salafka iyo Kitaabadii Culimada Sheekh Maxamed Cabdiwahaan kamid yahay, Masawirada ayaan ku xardhayaa Insha Allah, Adilooyinka Ama Nasuusta ay dhabarka ka tuureen!. Sidoo kale waxay qayb ka noqdeen Culimada Al-ictisam Shirqoolada Umadda Soomaaliyeed loo maleegayo, waxay Hubkii ka dhigeen Mujaahidiintii Gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, Gobolada Gedo, waxaa ugu dambeeyey cid ay Hubka ka dhigaan, Mujaahidiintii Soomaali Galbeed.
Waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen in ay Xarakada Al Shabaab Almujaahidiin ay Hubka kadhigaan, (ولكن الله سلم), waxay ku faaneen in Wadaaddada Mujaahidiinta weerarka ku gaaciya in ay ka geesisan yihiin Muslimiinta gaalada ku jihaadaysa, Allahu Mustacaan, waxay Reer Barigu dhahaan “Boowe Aala Tahay!”, waa halka ay Reer Mudugu ay ka dhahaan “Habar Fadhida Lagdan La Fududaa!”, Haddii Wadaad Shareecada Islaamka dacaayaddeeda usoo labistay geesi yahay oo ka geesisan yahay Mujaahidka Qalinka iyo Hantidiisa ku difaacaya Muslimiinta , Sheekh Aboud Mohamed Rogo lama dhigeen Maydkiisa Barqadii Bartamaha Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya!.
Haddii aan Gabyaa ahaan lahaa, waxaan tirin lahaa kuna luuqayn lahaa Gabay nin hore tiriyey!, Tolow muxuu yiri?.
Sheekh Aboud Rogo meeshii la dhigay, Haadku Malafleeye.
Mudadkiisii waa kii UN, maalin weyn cuntaye.
Maskaxdiisii waatii Maraykan, looga dhigay miidee.
Al-ictisaam Nabadbuu Macaansanahayaa, waase maan Li’iye.
Wallee ama magaalada Nairobi, dhiiggu Mulucyeeyey.
Ama Al-ictisaamow sida Mawaashiga Ratiga, meere lagu saar.
Hooyadeen Caa’isho (RC) waxaa Nabiga Scw ka warinaysaa sida Imaamu Muslim uu ku keenayo Kitaabka Saxiixul Muslimka, in Nabigu scw, uusan Waligiis Naftiisa u aarsan, laakiin uu ka dagaalami jiray in Shareecada Islaamka la garabmaro oo sida Murtadiintu ugu tumanayaan maantay Shareecada Islaamka aanan loogu tuman!.
(عنعائشة زوج النبي صلى الله عليه وسلم أنها قالت ما خير رسول الله صلى الله عليه وسلم بين أمرين إلا أخذ أيسرهما ما لم يكن إثما فإن كان إثما كان أبعد الناس منه وما انتقم رسول الله صلى الله عليه وسلم لنفسه إلا أن تنتهك حرمة الله عز وجل)
Hooyo Caa’isho waxay tiri (RC), “Nabiga scw, Labo Arimood mid dooro lama oran, haddii ay dhacdo, wuxuu dooran jiray kan sahlan ama fudud, haddii arinkaas uusan ahayn dambi, haddii uu dambi uu noqdana, wuxuu Nabigu scw ahaan jiray Qofka ugu horeeya oo aad oga fogaada dambiga, sidoo kale Nabigu scw, Naftiisa waligiis uma aarsan in Shareecada Islaamka lagu xadgudbo mooyaane!”.
Imaamu Nawawi wuxuu leeyahay, marka uu fasirayey Xadiithka aan kor ku xusnay,
(قولها : ( إلا أن تنتهك حرمة الله ) استثناء منقطع . معناه لكن إذا انتهكت حرمة الله انتصر لله تعالى ، وانتقم ممن ارتكب ذلك)
“Nabigu sc Naftiisa uma aar gudan jirin in lagu xadgudbo Diinta Allah mooyaane”, yacni waa Istasnaa Munqadica, oo markii Shareecada Islaamka lagu xadgudbo ayuu Nabigu scw, ka dagaalami jiray oo wuxuu la dagaalami jiray kuwo Shareecada garab maray ee xadgudubka la yimid!”.
Wuxuu kale oo Imaamu Nawawi leeyahay
في هذا الحديث الحث على العفو والحلم واحتمال الأذى ص: 477
والانتصار لدين الله تعالى ممن فعل محرما أو نحوه .وفيه أنه يستحب للأئمة والقضاة وسائر ولاة الأمور التخلق بهذا الخلق الكريم ، فلا ينتقم
لنفسه ،ولا يهمل حق الله تعالى . قال
القاضي عياض ، وقد أجمع العلماء على أن القاضي لا يقضي لنفسه ، ولا لمن لا يجوز شهادته له
Imaamu Nawawi wuxuu leeyahay “Xadiithkaan wxuuu dhiiragalinayaa, cafiska, Dulqaadka iyo in wixii dhib ah loo dulqaato, Diinta Allah laga difaaco Dadka Xaaraanta samaynaya iyo wixii lamid ah, sidoo kale, waxaa u wanaagsan Imaamyada iyo hogaamiyaasha Diinta in ay dhaqan kadhigtaan dhaqanka Nabiga scw ee Wanaagsan, oo aysan Naftooda u aarsan, sida aan Xaqqa Allah difaaciisu uusan meesha oga bixin oo Xaqqa Allah loogu tuman. Sidaas darteed ayaa Sheekh Qaaddi Ciyaad wuxuu yiri, Culimada Muslimiintu waxay isku raaceen, Qaadiga Maxkamadda jooga in uusan Naftiisa u Aarsan”.
Culimada Al-ictisaam, Furimaha dagaalka kama hadlaan, Kitaabka Allah ma difaacaan, Muslimiinta uma hiiliyaan oo xasuuqooda kama hadlaan, iskadaa in ay Shareecada Islaamka difaacaan ama xasuuqa Caruurta iyo Dumarka Muslimiinta ka hadlaane, waxay qayb ka noqdeen, Shirqoolada gaalada, waxay ka qayb galayaan Shirarka UN, Murtadiinta u qabato, waxay la shirayaan Saraakiishii ku duushay Soomaaliya, waxay isku dhiibeen oo hishiisyo la galeen, gaaladii Meles Zenawi kamid ahaa, waxay Masaajiddii keeneen Safiiro, waxay difaacaan Kaniisadaha, waxay Sharaftoodii u hibeeyeen difaacidda Xarakadooda, Murtadiinta iyo Wadamada ay ku nool yihiin gaalada joogta!, waxay la safteen Qabiiladooda iyo Gobaladii ay Reer ahaan ka soo jeedeen!.
Culimadii Al-ictisaam ee yiraahda Nabiyada ayaan dhaxalnay oo dadkii waxay amreen u daba maray iyo Nabiyada oo leh waxaan idin amarnay idiin daba mari mayno!..
Culimada Soomaaliyeed ee maalinkasta lagu soo cel celinayo in ay Shacabka Soomaaliyeed ay bareen, Manhajka Salafka, Xijaab u xireen, Shareecada Islaamka in la isku xukumo ugu yeereen, Ninkii Gaalo soo kaxaysta ku jihaadi jiray, sidii Gobolada Dhexe iyo Gobolada Gedo kadhacday, Culimadii Muxaadaraadka Jihaadka ku difaaci jiray, Culimadii 1996-1997, Scandinavia, Magaalooyin badan oo Yurub kamida ka lahaa Meles Zenawi iska dhiciya, Jihaadbaa Gobalada Gedo ka socda. Culimadii Dowladdii Al-Maxaakim Al-Islaamiya Fatwooyinka iyo Bayaanada ku taageerayey ee Mudaharaadyada ka qayb galayey, Culimada Codadkoodii shalay lahayo, meeye Culimadaas?, Maxay shalay ku hadleen?, Maxay maantay leeyihiin?, Akhristow waligaa ma isweydiisay?.
Haddii ay Culimadaas yihiin kuwii Nabiyada scw, dhaxlay, Nabiyadu ma ahaayeen kuwo Dadka waxay u sheegaan udaba mara?, ma umalaynaysaa Nabi Allah soo dirsaday iyo Culimo iskadaaye, Qof Muslim ah oo Allah ka cabsanaya in uu ku fariisan lahaa Kursiga Meles Zenawi ee Raggii ku fariistay lagaalaysiiyey!?, ma u malaynayaa Maslaxad in gaalnimo loogu dhici karo!?,
Nabi Shucayb scw, waatuu Reer Tolkiis ku lahaa,
( وَمَآ أُرِيدُ أَنۡ أُخَالِفَكُمۡ إِلَىٰ مَآ أَنۡهَٮٰڪُمۡ عَنۡهُۚ)
“Idiin daba mari maayo, waxaan idinka reebayo!”. Culimadii Al-ictisaam ee Towxiidka 30’ka Sano kudhawaad shacabka Soomaaliyeed ugu yeerayey iyo gaalnimadii ay ka digayeen ayey maantay Maslaxad u arkaan, shacabkiina udaba mareen, waxaase cajiib ah in ay Dacwadoodii hore ku faanayaan maantay, ayaga oo Umaddii oga hor maray waxay oga digayaan 30’Sano, dhiig badanna ay kusoo daadiyeen dowlado badanna ay ku burburiyeen!.
Iimaam, Sheekh Muxamaddul Ammiin Binu Maxamed Shanqiidi, wuxuu Kitaabkiisa Adwaa’ul Bayaan, Fii, Iidaaxil Qur’aan Bil Qur’aan
(أضواء البيان في إيضاح القرآن بالقرآن)
Wuxuu ku leeyahay marka uu Macnaynayo Aayadda aan kor ku xusnay, sidaan hoos ku qoran.
قوله تعالى : وما أريد أن أخالفكم إلى ما أنهاكم عنه الآية
ذكر الله جل وعلا في هذه الآية الكريمة عن نبيه شعيب عليه وعلى نبينا الصلاة والسلام ، أنه أخبر قومه : أنه إذا نهاهم عن شيء انتهى هو عنه وأن فعله لا يخالف قوله
ويفهم من هذه الآية الكريمة أن الإنسان يجب عليه أن يكون منتهيا عما ينهى عنه غيره ، مؤتمرا بما يأمر به غيره
وقد بين تعالى ذلك في مواضع أخر ، كقوله : أتأمرون الناس بالبر وتنسون أنفسكم الآية [ 2 \ 44 ] ، وقوله : كبر مقتا عند الله أن تقولوا ما لا تفعلون 61 \ 3 ]
وفي الصحيحين من حديث أسامة بن زيد رضي الله عنهما أن النبي صلى الله عليه وسلم ، قال : [ ص: 198 ] ” يجاء بالرجل يوم القيامة فيلقى في النار فتندلق أقتابه في النار ، فيدور بها كما يدور الحمار برحاه ، فيجتمع عليه أهل النار فيقولون : أي فلان ، ألست كنت تأمرنا بالمعروف وتنهانا عن المنكر ؟ ! فيقول : كنت آمركم بالمعروف ولا آتيه ، وأنهاكم عن المنكر وآتيه
Imaam Shanqiidi, wuxuu yiri, “Ilaahay ha sareeyee, wuxuu Aayaaddan wanaagsan ku sheegay, Nabi Shubayb iyo Nabi Maxamed scw, in ay (Qoomkooda) Tolkooda u sheegaan, haddii ay wax ka reebaan in ay ayaguna ka fogaanayaan, ficil kooduna uusan khilaafaynin waxay u sheegayaan!’. Sidaas darteed waxaa Aayaddaan wanaagsan laga fahmayaan, in Dadka ay waajib ku tahay in ay ka reebtoonaadaan waxay Dadka ka reebayaan oo ay noqdaan kuwo yeelaya waxay Dadka kale Amrayaan!”.
Ilaahayna wuxuu arimahaas ku caddeeyey Aayaad kale, oo Allah yiri
“Dadka miyaad wanaaga Amraysaan Naftiinana miyaad halmaamaysaan!”. Sidoo kale Allah wuxuu yiri, “Caro weyn ayaa Allah cagtiisa idin taala, haddii aad tiraahdan wax iidan samaynaynin!’.
Waxaa Saxiixaynka ku sugan, Xadiithkii Osaamata Binu Sayd, (RC), in Nabigu scw, uu yiri, “Nin ayaa Qiyaamaha la keenayaa, markaas ayaa Naarta lagu tuurayaa, markaas ayaa Calooshiisa Mindhicirka ayaa soo baxaya, markaas ayuu sidii Dameerkii ku wareegayaa, Mindhicirkiisa oo dhulka jiitamaya, markaas ayaa waxaa iskugu imaanaya, Dadkii Cadaabka ku jiray oo dhan, kadibna waxay leeyihiin, maxaa kugu dhacay?, soo taad wanaaga nafari jirtay, Towxiidka noo sheegi jirtay oo gaalada nooga digi jirtay, xumahana naga reebi jirtay, markaas ayuu leeyahay, wanaaga iyo Shareecada waan idin baray waana idin amri jiray laakiin lama imaan jirin Anigu!”.
Ogaada sida Adilooyin badan tilmaamayaan Naarta waxaa ugu horeeya Dadka galaya, Wadaad Duubweyn, sidoo kale waatii Gabyaagii Carbeed lahaa
(لا تنه عن خلق وتأتي مثله : عار عليك إذا فعلت عظيم)
“Dadka xumaanta inta ka reebto hala imaan oo ha samayn xumaantii aad ka reebtay Dadka, ceeb weyn ayey kugu tahay haddii aad sidaas samayso”.
Gabyaagii kale waa kii lahaa,
(وغير تقي يأمر الناس بالتقى : طبيب يداوي الناس وهو مريض)
“Nin aan Allah ka cabsanaynin ayaa dadka amraya Allah ka cabsi, kaasi wuxuu lamid yahay, Dhakhtar dadka daaweynaya asaga oo xanuunsan!”.
Culimada Al-ictisaam, waxay, Shareecadii Islaamka kadhigeen, Xajjka oo la aado, Salaadda oo la tokodo, Murtadiinta oo laga aamuso, dagaalka ay Shareecada Islaamka kula jiraan Al-ictisaam maalintii ay Hub dhigista bilaabeen ayey, waxay meel iska dhigeen, Alwalaa Walbaraa,, waatay Mujaahidiinta ku yiraahdeen sida Walaalkeen Abuu Ibraahim nooga sheekeeyey, “Dadkiina Dhinaca Ka Raaca, Ama Qabiiladiina Raaca!”. Culimo iyo Ducaad Rag sheekanaya ee gaalada garbaha ku haya, Ilaahay dartiisna wax uma gooyaan oo waa kuwaas Murtadiinta Madax u arka, Ilaahay dartiisna waxba uma xiriiriyaan oo waa kuwaas Mujaahidiintii hirgalinta Shareecada Islaamka u dagaalamayey ay ka baxsan layihiin.
Waa tii Gabyaagii Muwaxidka ahaa uu lahaa! Asaga oo Culumaa’usuuga ka hadlaya.
يظنون ان الدين لبيك في الفلا
وفعل صلاة والسكوت عن الملا
وسالم وخالط من لذا الدين قد قلا
وما الدين إلا الحب والبغض والولا
كذاك البرا من كل غاو وآثم
U garnaqidda Sheekh Axmed C/samad iyo Shabakadda Islaamigaa ee SomaliMeMo.
Ma og tahay Akhristow, in Sheekh Axmed C/samad hal hays ay u tahay, “Ma Dhinte Waa Ilaahay?”. Ma og tahay in Sheekh Axmed C/samad markii Muxaadaraadkii magaalada Jigjigo uu ka soo laabtay oo uu Magaalada Boosaaso ku laabtay in uu soo qoray Maqaal uu kaga hadlayo Safarkiisa, waxaa Maqaalkaas la socday, Ammaan uu Ammaanay Meles Zenawi, waxaa hadaladiisa kamid ahaa, “Meles Zenawi ma ahan Meles kiisii hore, wuxuu noo’ogolaaday Towxiid Baraxla in aan faafino!.
Haddii aad xasuusataan Golaha Baraarugga Islaamka ayaa radiyey Maqaalkii Sheekh Axmed C/samad, waxaa kaaga daran, wuxuu Axmed C/samad Jigjigo iyo Magaalooyinka kale ee Itoobiya xoogga nooga haysato ka sheegay, in maamulka Itoobiya lala xamaasho. Marka maxaa diidaya in uu Bayaan inta uu soo saaro in uu yiraahdo, hala ilaaliyo Balantii aan Meles Zenawi la galnay?, soo Ninkii lahaa ma ahan Ninka Bayaanka ku saxiixan Meles ayaa Towxiid Baraxla naga ogolaaday!?, soo Ninkii Jigjiga balanta Meles Zenawi ku joogay ma’ahan, maxaa diidaya in uu yiraahdo balantii Meles hala ilaaliyo!?.
Ma og tahay Sheekh Axmed C/samad in uu yahay Abtigay, oo Hooyadayna ay dhashay Dahabo Cigaal Geesood, halka aad u taqaanan Sheekh Axmed C/samad Geesood, laakiin waxaa lagu kala tagay Manhaj, Masawirka hoose ayaad ka Akhrin kartaan Nasuusta Abtigay Sheekh Axmed C/samad na kala kaxaysay iyo sida Sheekh Umal iyo Al-ictisaamku ay ogadhigeen Manhajkii Salafka “Kab Iyo Tolkaa Dhexdaa Looga Jiraa”.
Haddii aan garnaqidda u soo laabano, Xaqqa iyo Runta waxaa u dhow Shabakadda Islaamigaa ee SomaliMeMo ee looga bartay Difaaca hirgalinta Shareecada Islaamka, Sheekada ah Farta halagu fiiqo Warbaahinta Islaamigaa ee Sheekh Umal, kama duwana Fatwooyin Rag hadda kahor ka soo saareen Warbaahinta Islaamigaa iyo Golaha Baraarugga Islaamka, yaan loo bixin waa Ducaa’u Maqluubeen, kuwa laga adkaaday dhawaaqooda weeye, waa dhaqanka Ahlu baadilka, markii ay xujo waayaan in ay dhahaan ( والغوا فيه) yaan la dhagaysan, Kufaaru Quraysh soo ma oran Qur’aanka Kariimkaa, Kalaamu Raxmaan hadhagaysanina Qaylo ku dhufta!.
Ugu Laabo Tafsiirka Imaam Sheekh Maxamed Binu Axmed Al-Ansaari Al-Qurdibi,
(قوله تعالى : وقال الذين كفروا لا تسمعوا لهذا القرآن والغوا فيه لما أخبر تعالى عن كفر قوم هود وصالح وغيرهم أخبر عن مشركي قريش وأنهم كذبوا القرآن فقالوا : لا تسمعوا . وقيل : معنى لا تسمعوا لا تطيعوا ، يقال : سمعت لك أي : أطعتك . والغوا فيه قال ابن عباس : قال أبو جهل : إذا قرأ محمد فصيحوا في وجهه حتى لا يدري ما يقول . وقيل : إنهم فعلوا ذلك لما أعجزهم القرآن . وقال مجاهد : المعنى والغوا فيه بالمكاء والتصفيق والتخليط في المنطق حتى يصير لغوا . وقال الضحاك : أكثروا الكلام ليختلط عليه ما يقول . وقال أبو العالية وابن عباس أيضا : قعوا فيه وعيبوه . لعلكم تغلبون محمدا على قراءته فلا يظهر ولا يستميل القلوب .)
U Garqaadida, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Shabakadda Islaamigaa ee SomaliMeMo, Culimadii iyo Ducaadii Bayaanka Masaajidka Abuubakar Nairobi Hortiisa ka Qaybisay.
Bal Maqaalkii waa dheeraadaye, Masawirka korana malaha ila aragtee, aan Sheeko gaaban ku nasanno, “Oday cidahayaga ah, yacni aan isku Reer kasoo jeedno, ayaa waxaa laga dhacay Gaari iyo Lacag, Odaygii wuxuu yiri, Tolaahay, Tolaahay, Tolaahay Tolbeelay, Rag ay qabiil guud ay wadaagaan ayaa Qoryaha boobay, waxayna ka daba tageen Gaarigii iyo Lacagtii la dhacay, Odaygii Habar wacday waxaa tolkiis usoo dhiciyeen Gaarigii iyo Lacagtii, markii uu Gaarigii iyo lacagtii Indhaha saaray, ayuu Afka Qayla ku shubtay, wuxuu yiri Saddex jeer, “Qabyaaladu Hanoo Laato, Qabyaaladu Hanoo Laato, Qabyaaladu Hanoo Laato!”.
Ma ahan in aan Sheekh Umal ku diganayo, Ragga Saraakiishaa ee aan ku garab safay waa isla Kablalaxa aan ka dhalanay Aniga iyo Sheekh Umal, sidoo kale ma og tahay in aan Sheekh Maxamed Umal xirtiisii aan kamid ahaa oo Tafsiirka, Bukhaariga iyo Kutub kale aan ka dhagaystay?, ma og tahay Sheekh Umal in aan filayo in aan ahay xertiisa Ardayga kaliya ee Hadyado ay isdhaafsadeen in aan ahay, Maxaad kala socotaa markii Aabbahay Bashir Dalboon Geeriyooday Ilaahay ha u naxariistee Sanadkii 2003 wixii wanaag iyo Tacsiyadeen Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu sameeyey? Maxaadse kala socotaa Wiil yar uu dhalay markuu Cudurka Sonkorta ku dhashay oo Cisbitaalka ladhigay iyo kaalintii aan ka qaatay.
Laakiin Akhristow waxaan xasuustaa Sheekh Xasaan iyo sida Sheekh Umal isku ahaayeen, waxaan waligay halmaamaynin Shahiid C/raxmaan Macalin, Mujaahid Macalin Xabsa, Sheekh Maxamed Axmed Daahir Balli iyo Khadiib Sheekh Macalin Burhaan, Raggii iiga dhawaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayey kala tageen, Culimadii Walaalaha ay ahaayeen ee Jaamacaadka Islaamigaa kaga horeeyey kana da’weynaa ayuu Barqadii yiri Sheekh Umal Culimo ma’ahan!, marka Sheekh Umal Asagaa Xertiisii inta ka tagay oo Jawaasiis gacanta ugalay.
1- Sheekh Maxamed Umal soo ma ahan Ninkii Magaalada Gaarisa kalahaa, Culimo waaye Nimanka Meles isku dhiibay, xaq bayna u leeyihiin, maxaa diidaya in ay Ninkii ay hishiiska la galeen ay u Tacsi u diraan oo yiraahdaan balantii yaan nala kaga bixin?, In Tacsi Meles oo geeriyooday ay u diraan Al-ictisaamku iyo in ay noolasha ku raacaan Meles, Hanbalayana u diraan Ibraahim Dheere keebaa daran!?, maxaa caamada loogu cayaarayaa!?.
2- Sheekh Umal soo ma ahan Ninkii difaacayey kulankii Safiirka Maraykanka Kenya u fadhiyi jiray iyo C/raxmaan Aw cumar, soo kulankaas Cajalkii laga duubay malaayiin Soomaaliya ma fiirsan, Safiirka Maraykanka oo leh, Muqdisho, Nairobi Islii iyo Minneapolis ka dacaayadeeya Xarakada Al shabaab Almujaahidiin!, Tacsi Meles loo diro iyo Shirqoolka Safiirka Maraykanka ee Umal oo Islii jooga raadkiisu galay kadibna uu difaacay, haddana Baasaboorkiisu uu yaalo Safaaradda Maraykanka iyo Tacsida Meles loo diray keebaa daran!?.
3- Sheekh Umal soo ma ahan, Ninkii lahaa kulanka Safiirku wuxuu ka dhacay qaybta Aroosyada Masaajidka Abuubakar, Annaga oo og shirku in uu kadhacay qaybta kore ee Masaajidka, waxaana cadayn ah Cajalka ayaa laga Arkaa Alwaaxyada Darbiga, qaybta Aroosyadu muuqaalkaas malahan, koley Sheekh Umal waxaa la leeyahay Maalinta Jamcaha ah Asagaaa ku qoran Khudbada Masaajidda Safiirka Maraykanka.
4- Sheekh Umal soo ma oran, waxaa shirka ka qayb galay, xubin Baarlamaan oo Muslim ah, wuxuu kawadaa Nin Keith Ellison la yiraahdo, oo Golaha Guurtida Maraykanka ku jira, Ninkaas Nation Of Islam ayuu kamid yahay waxayna Aamisan yihiin Qof kasta oo Maraykanka jooga waa og yahay, haddii aan soo gaabiyo, waxay aamisan yihiin Nation Of Islam in Qof aan African American ahayn uusan Muslim noqon karin!, haddii aan taas ka tagno Ninkaas kulanka kama qayb galin, Cajalkana kama muuqdo, waa been, Sheekh Umal Munaafaqiintii u warantay ee Shirqoolka Umadda u dhigtay ay u sheegeen.
5- Sheekh Umal waatii uu lahaa, Bashiir Salaad wuxuu joogaa Magaalada Burco ee ma saarna Taangiyaasha Amisom, waatuu Ibraahim Dheere difaacayey oo uu lahaa waa Maskiin Caruurtiisa u xiirta, waa sida Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan u tilmaamay, Sheekh Maxamed Umal, Cadaalad Darada, Difaaca Shakhsiyaad iyo Xarakada Al-ictisaam wuxuu ku darsaday Cudurkii Umadda Soomaaliyeed Aafeeyey ee Qabyaalada ahaa.
Waxaa taas cadayn u ah, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, waatuu weerari jiray, Murtadiintii Cumar Xaaji Masale, Cali Maxamed Geeddi, Xuseen Caydiid, C/laahi Yuusuf, Qab-qablayaashii Muqdisho iyo Sharif Sheekh Axmed, yaa keeni kara, Muxaadaro ama Khudbo uu ku weeraray Axmed Madoobe, Gaandi, Yuusuf Xaaji, Ina Ilay, Faarax Macalin,iyo Ibraahim dheere!?.
Waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo oo muxuu Sheekh Umal weerarka ugu gaacinayaa Raggaas aan Magacyadooda sheegnay, Qofkii sidaas yiraahda waxaan leenahay, miyaan Axmed Madoobe ciidamada Kenya Magaalada Kismaayo ku hogaaminaynin?, miyaan Yuusuf Xaaji ahayn Wasiirka Gaashaandhigga Saliibiyiinta Kenya ee Soomaali ku duulay?, miyaan Faarax Macalin lahayn, “Magaalada Kulbiyow Lagama Xukumi Doono Magaalada Muqdisho mar dambe, Ninka Sidaas Ku Riyoonaya Qarnigaan Ma Joogo Qarni Kale Ayuu Nool Yahay!”,
Miyaan Ibraahim Dheere, ku fariisan Kursigii, Cumar Xaaji Masale, C/laahi Yuusuf, Cali Maxamed Geeddi, Xuseen Caydiid, Sharif Sheekh Axmed uu ku gaalaysiiyey Sheekh Umal?, miyaan Ibraahim Dheere Afkiisa ka lahayn, “Waxaan ku qanacnay oo qaadanay hishiis iyo Dastuurka Itoobiya Qodobka 39 oo xuquuqdeena Ilaalinaya si aan oga mid noqono Shacabka Itoobiya’!. Youtube ka Daawo Sheekh Umal oo Sharif Sheekh Axmedna gaalaysiinaya halka uu Ibraahim Dheere difaacayo iyo Ibraahim Dheere oo gaalnimadiisa qiranaya oo lehna Sheekh Umal ayaa iigu Hanbalyeeyey!. Youtube Daawo Halkaan Riix Ama Guji.
6- Sheekh Maxamed Umal, soo kama soo jawaabi waayeen, Xadiithyadii Sheekh Xasan Takar iyo Sheekh Abuu Yaasir Al Maqdashi ay oga jawaabeen?,
7- Sheekh Maxamed Umal soo kama soo jawaabi waayin jawaabtii loogu caddeeyey shirqoolkii Safiirka Maraykanka iyo C/raxmaan Aw Cumar Asaga oo balan qaaday in uusan Qofna baadil ku difaacaynin, waliba Allah markhaati ka dhigtay, haddana soo lama lahan wuxuu usoo socdaa xuruntii shirqoolku ka dhacay.
8- Sheekh Umal soo jawaab Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan kama sugaynin?, muxuu boorka iskugu qarinayaa oo Shabakadda Islaamigaa iskaga laalaadinayaa!?.
9- Sheekh Umal soo Baasaboorkiisu ma yaalo Safaaradda Maraykanka, maxaad kala socotaa in uu Asbuucaan imaanayo Maraykanka?, Wadaadku soo ma ahan Ninkii lahaa, Wadaad gaalo weerara iyo Wadaad Mujaahidiinta weerara waxaa geesisan Wadaad Mujaahidiinta weerara, soo Sheekh Abboud Mohamed Rago, barqadii Maydkiisa lama warin Dalka Kenya Magaalada Mombasa, jawaabtiina ma noqon, United Nation, gaalada midowday iyo Maraykanka ayaa ku eedeeyey in uu taageero Xarakada Al shabaab Al Mujaahidiinta.
10- Soo Sheekh C/qaadir Nuur Faaraxna Augustin Mahigo iyo Christian Manhel oo ka socda United Nationka iyo Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan Shirqoolkii Garoowe ee Dastuurka lagu dhisayey kama Khudbaynaynin Sheekh C/qaadir Gacamay, halka Sheekh Abboud Mohamed Rago UN, iyo Maraykan ay Suuqa dhigeen Maydkiisa!, Xaggee jiray Sheekh Umal markii Xarakada uu difaacayo ay sidaas gaalnimada u horkacayeen?.
11- Sheekh Umal, soo ma sheego oo Manbac ama meel uu ka biyo cabo oo ka shidaal qaato kama dhigan Warbaahintaa laga sheegay iyo Dadkaa isla dhexmarayey, muxuu uga hadli waayey Bashir Salaad markuu Shirkii Turkiga ee Dastuurka looga hadlayey ee Odayaasha Soomaalidaa loo qaaday uu ka qayb galay, waliba Idaacadaha Sheekh Umal Khudbooyinkiisa kaga hadlo ayuu ka hadlay Bashir Salaad oo laga daawaday!.
12- Sheekh Umal soo ma ahan Ninkii Kaniisadaha gaalada difaacayey, xasuuqii Kismaayo iyo Hunsiguna ka aamusan oo aan maalinna dowladdiisa canbaaraynin!?.
13- Sheekh Umal soo ma ahan, Wadaad xujo ay ugu filan tahay xaqqii uu umadda u caddeeyey!.
14 Sheekh Umal soo ma ahan Wadaadkii inkiray Muxaadaro uu jeediyey, Alwalaa Walbaraa, uu kaga hadlay!?.
15- Sheekh Umal soo ma ahan, Wadaadkii Fatwooyinka ku difaacay Ibraahim Dheere Meles Zenawi oo nool, maxaa hadda isbadalay, maxaase loola yaabayaa in ay Bayaan soo saaraan oo dhahaan balantii hala adkeeyo!?.
(16) Sheekh Umal muxuu oga hadli waayey, markii Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Ogaadeeniya ay ku Mudaharaadeen, Magaalada Minneapolis, kadib markii C/raxmaan Aw Cumar iyo Al-ictisaamka kale ay si kal iyo laaba usoo dhaweeyeen Wakiilka Meles Zenawi Ina Ilay?. Muxuu oga hadli waayey Wadaaddadaas Hotelka Marriot City Center Minneapolis Ina Ilay ugu tagay oo ku cashaynaya Cashadii xaaraanta ahayd ee Meles Zenawi!?.
Ragga Wakiilka Meles Zenawi hoos gabran, soo ma ahan Al-ictisaamka sheegta Salaf in ay yihiin, C/raxmaan Aw Cumar, C/laahi Ibraahim, Nuur Haadi?, waa ayaga Wakiilka Meles Zenawi Ina Ilay hoos gabran, lacag Sooryaana u geeyey, Calanka Itoobiyana waa kaas C/rashiid Aabi oo kamida Guddiga Masaajidka Abuubakar ka hoos khudbaynayo.
Masawirkooda iyo Muuqaalkooda soo kuma cadda Nasuusta in aysan fahmin Salafka ay sheegtaan iyo Kutubta Caqiidada Salafka iyo waxa Islaamnimada burinaya,!?. Raggaas Dad ayaa u haysta Culimo Salaf ah oo Caruurtooda ku aaminay!?. Dalabada Cilmiga ee Akhristay Kitaabada Towxiidka waa kala yaqaanan Ahlu Bidciga iyo Salafiyiinta.
Soo ma’ahan waxa Nimankaas kudhagan Sheekh Calaamah, C/raxmaan Binu Xasan Binu Sheekh Maxamed Cabdiwahaab, soo kuuma cadda in ay Shirkigii, gaalnimadii ay dhex fadhiyaan oo u gar gaarayaan gaalada iyo Murtadiinta, soo ma aadan ka faa’idaysan, waxyaalaha Islaamnimada buriya ee Kitaabka Allah, Sunada Nabiga scw iyo Culimada Salafku noo caddeeyeen!?. Nimankaas waxaan kula talin lahaa, Caamada ah, in ay Akhristaan oo dhagaystaan kana faa’idaystaan sideena oo kale Kitaabada Sheekhul Islaam Xasaan Xuseen uu duubay ee Culimada Najdi.
Haddii aan Gabyaa ahaan lahaa oo aan Gabyi lahaa waxaan tirin lahaa Gabay Nin hore tiriyey
“Sheekh Umalow, Meeshii la dhigay Sheekh Aboud Ragow, haadku mulaf leeye,
Mudadkiisii, waatii UN, maalin weyn cuntaye,
Maskaxdiisii waatii Maraykan looga dhigay miide,
Nabad baad macaansanaysaan waase maan la’iye,
Walle ama Magaalada Nairobi, Dhiiggu Mulucyee,
Ama sida mawaashida ratiga, meere lagu saaryey.
Al-ictisaam meeluu joogayba dagaal wayska maanacaye,
Maankaba kajare Raganimaad meel ka soo galiye,
Gaaladii Baa Kadhigay, Maata Caana lehe.
Al-ictisaam oo mahiigan ka badan, Jaraha Loo Miiqyee!,
Asha-ahaado Ladirirbaa Kadilay Dr Axmed Oo Mar Soo Baxaye,
Waxay Talo Ku Moosteen In Ay Habraha Lacagta Ka Aruurshaane.
Al-ictisaamka Qurbaha Jooga Ee Maashu Wada Faaxday,
Ee La Iska maamulanayoo, Deyrka Lagu Meershay,
Ee Irkab Macal Kaafiriina Mu’tamaraadkoodii Kadhigay!,
Ee Sida Halaha Maydabta Ah, Layska Maalaayo.
Iyaba Ma’hadhiyo way qabaan, Ceeb Muggooda ahe,
Umal, Shibile Iyo Haddii Gacamay La Miinaystay,
Marna Maya Ineeyan Maya Oranaykarayn, Kama Malaynayne,
Hadalka Ha Iga Moodinina In Aan Maaraweyn Nahaye!.
Sida Maantay Aan Nahay, Yaa La Oran, Laga Mirroonaaye.
Mar Unbaa Mowjadaha Xirmiyo, Maayad Soo Kicine.
Caruuraha Maryaamaaya iyo Dumarkan Mawleeyey,
Mar Unbaa Marwada Moi Kibapi Qabo Noqon Mataalkoode,
Mar Unbaa Adis Ababa Iyo Nairobi Miig Ku Soo Dagiye,
Ictisaam Ninka Tiisa Maamulankaraa, Kuu Muraad Fala’e,
Ictisaam Iyo Lama Martiyo, Leb Iyo Meegaage,
Bal In Aad Shabaab Ka Maarantaan, Wax Ismoodsiiya,
Haddii aan ku Gabyo Luuqaadda Carabiga, waxaan tirin lahaa, Gabaygii Muwaxidka Carbeed uu Culimada Isdhiibtay uu u tiriyey, waxaan Gabaygaas ku cabiri lahaa, dhibka ay nagu hayaan iyo haddii ay Diinta Allah garab istaagi lahaayeen sida loo qadarin lahaa Culimadaas oo Ilaahay Sharaftooda kor ugu qaadi lahaa, Wuxuu yiri Gabyaagii Muwaxidka ahaa.
ولو أَنَّ أَهْلَ العِلْمِ صَانُوهُ صَانَهَمْ : ولو عَظَّمُوهُ في النُّفُوسِ لَعُظِّمَا
ولكنْ أَذَلُّوهَ فَهَانَ وَدَنَّسُوا : مُحَيَّاهُ بالأَطْمَاعِ حَتَّى تَجَهَّمَا
الله في كلّ خَطْبٍ حَسْبُنا وكفى : إليه نرفع شكوانا ونبتهلُ
مَنْ ذا نلوذُ به في كشف كُربتنا : ومَنْ عليه سوى الرحمن نَتَّكِلُ
وكيف يُرجى سوى الرحمن من أحدٍ : وفي حياض نَداهُ النَّهْل والعَللُ
لا يُرتجى الخير إلاَّ من لديه : ولا لغيره يتوقى الحادث الجللُ
Waxaan aad ula yaabanahay, in Sheekh Maxamed Cabdi Umal Kaniisadaha uu difaaco, halka Shacabka Soomaaliyeed ee Hunsigow iyo Kismaayo diyaaradaha Kenya ay xasuuqayaan Sheekhuna uu ka aamusan yahay, dhiiga Muslimiinta ee sida Wabiyada uqul’qulaya oo diyaaradaha Kenya u daadinayaan, Tollaahay, Gabyaagii ka hadlayey xasuuqa Muslimiinta soo malahayn sidaan,
تجري دماءُ المسـلــمين كأنها،،، نهر يشق مســـاره لا يركُد ..
وصغيرةٌ فــوق الترابِ منامها،،، وتصعِّد الزفــــرات ثمّ تصعّد ..
ألقت إليّ بنظـــرةٍ في حيرةٍ،،، وكأنها تبغي شجاعاً يُنجـــد .
Maadaama, Maqaalkii dheeraaday, Insha Allah, lasoco, Qaybta Labaad, oo aan kaga hadli doono Insha Allah, Culimada Al-ictisaam waxyaalaha intay sameeyeen ay inkireen!.
اللهم رب جبرائيل وميكائيل وإسرافيل، فاطر السموات والأرض، عالم الغيب والشهادة، أنت تحكم بين عبادك فيما كانوا فيه يختلفون؛ اهدني لما اتلفت فيه من الحق بإذنك، إنك تهدي من تشاء إلى صراط مستقيم
سبحانك اللهم وبحمدك أشهد أن لاإله إلا أنت أستغفرك وأتوب إليك
Walaalkeen, Saxafi, Abdiwali Warsame, (Dalboon), Waqooyiga America, Minneapolis, Minnesota.
cdalboon@hotmail.com
Shabakadda Islaamigaa ee Somalimemo.net.