Kooxda Aala Sheekh iyo Shariif oo isla heshiis ku gaaray in ay khal khal galiyaan Xasiloonida Muqdisho haddii aan…

Kooxda Aala Sheekh iyo Shariif oo isla heshiis ku gaaray in ay khal khal galiyaan Xasiloonida Muqdisho haddii aan…
Kullan qarsoodi ah oo ay yeesheen hogaamiyihii hore TFG-da KMG Shariif Sheekh Axmed iyo kooxda ALAA SHEEKH Ex Xubnihii Maxkamadihii burburay ayaa la isku afgartay in haddii Shariif Sheekh Axmed uu dib u soo laaban waayo doorashada lagana guuleysto ay khal khal siyaasadeed oo dhanka

Amniga ah la galin doono magaalada Muqdisho.
Ilo wareed ku dhow Xubanaha Kooxda shar wadayaasha ALAA SHEEKH iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa kullankooda waxa uu ahaa mid qarsoodi ah oo aysan saxaafaddu ka warheyn, waxayna ka wada hadleen xaalada siyaasadeed iyo guuldarada ku soo wajahan hogaamiyihooda Shariif ee kursiga ku gaaray hogaankii Midowgii Maxkamadihii Islaamka ee burburay markii ay dalka soo galeen Xabashidii Itoobiya Sanadkii 2006-dii.
Warar ku dhow dhow xubnahaasi ayaa xaqiijinaya in ay isla garteen haddii xilka uu ku soo laaban waayo Shariif Sheekh Axmed in khal khal siyaasadeed oo dhanka Amniga ah la galiyo Xasiloonida Muqdisho sida ay yiraahdeen, iyagoo kaashanaya koox yar oo ka soo haray Hogaamiye kooxeedyadii dhibaatada ku hayey shacabka Soomaaliyeed mudadii 22 sano ahayd oo hadda Shariifka dabada ka riixay in lagu soo daro Liiska waxa loogu yeero Baarlamanka cusub.Waxaa muuqanaysa in Shariif diyaar u yahay haddii uu mar kale ku soo laaban waayo Saaxada Siyaasada Reer Galbeedku furaha u yahay inuu dib u galo dagaalo la mid ah dagaaladii hogaamiye kooxeedyadii dalka ka curtay markii ay dhacday Xukuumaddii Militariga Maxamad Siyaad Barre.