Iyadoo Shalay deegaanka Cag Libaax uu ka dhacay dagaal culus oo lagu hilboobay laguna laayay askar badan ayaa ilaa shalay warar soo baxayay waxay sheegayeen in diyaarad nooca loo yaqaano Helicopterka ah in lagu soo riday dagaalkii ka dhacay Cag Libaax balse ilaa maanta lagu hayay xaqiijin Iyo baaritaano dheer.
Waxaa war iminka lagu kalsoonyahay oo aanu ka soo xigananay Wi Jubooyinka ay sheegayaan in diyaaradaasi shalay lagu soo riday deegaanadii dagaaladu ka dhaceen iyadoo ka qeyb qaadaneysay dagaalka isla markaana duqeyneysay ciidankii Mujaahidiinta.
Masuul ka tirsan Wilaayada oo dhanka Milatariga u qaabilsan kuna sugan furinta dagaalka ayaa noo xaqiijiyay in diyaarada lagu garaacay qoriga lidka diyaaradaha oo Mujahidiinta ay ku garaceen waxaana uu diyaarada kaga dhacay qeybta dambe iyadoo masuuliyiinta au xaqiijiyeen inay arkayeen diyaaradda oo holceysa kuna sii hoobaneysa geedaha howdka ah.
Waa qasaare xoog leh oo shalay kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaasi iyadoo dhanka kale warar aanu ka heleyno Libooya ay xaqiijinayaan Ila maanta in kenya ay ku daabulayeen askar badan kuwaasi oo lagu qiyaasay Ilaa 50 askari oo dhimasho ah Iyo dhaawac kuwo kale oo isku dar ahaan lagu sheegay ilaa 100 askari
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan kasoo xiganeyno degmada Afmadoow ayaa xaqiijinaya in maleeshiyaadka Iyo saraakiisha ay isku khilafsanyihiin sida shalay ay u dhaceen duulaankii ay soo qaadeen waxaana wararku ay sheegayaan in madaxda Kenya ay sheegeen in laga gaabsan doono duulaanka dhanka Afmadiiw loona wareejin doono dhanka Iyo Hoosingoow waloow wararkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin karin maadaama aanu ka soo xiganay dadka goob joogayaasha ah.