Dabayaaqadii Sanadkii 2008 ayay Ciidamada Mujaahidiintu la wareegeen inta badan gobolka Shabeellaha hoose oo dadkoo dhan ay wada ogyihiin dhibaatooyinkii gobolka xilligaasi ka taagnaa ka hor la wareegitaankii Mujaahidiinta.
Shacabka ku nool gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan dadka ku nool magaalada Marka waxay Afar Sanadood ay harsanayeen Hooska Shareecada Islaamka, waxayna indhahooda ku arkeen nabadgalyada iyo barwaaqada ay heleen markii Shareecada Islaamka laga hirgeliyay magaalada.
Wixii ka dambeeyay bur burkii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo dalkuna uu galay marxald fowdo iyo nidaam la’aan ah ayaa gobolka Shabeellaha hoose waxa uu ka mid ahaa gobolladii ugu badnaa ee marti geliyay Mowjadaha dulmiga iyo isku awood sheegashada ee laga dhex dowlad la’aantii dalka ka jirtay, waxaana gobolkaasi ku yaacay Moortaantii Maleeshiyaad beeleedyada ee isku heystay Siyaasadda dalka, maadaama cid walba ay tuhmeysay in gobolka Shabeellaha hoose uu hodan ku yahay Kheyraadka ayna ku nool yihiin dad aan hubeysaneyn.
Waqti dheer uma baahna in laga sheekeeyo dhibaatooyinkii Maleeshiyaad beeleedyada hubeysani ay u geysteen dadka Masaakiinta ah ee gobolka ku nool, hantidoodii ayaa la dhacay, guryahoodii ayaa laga saaray, dumarkoodna waa la kufsaday, intaas oo dhan waxaa kasii daranaa biyihii Webiga ay beeraha ku tacban lahaayeen oo laga hor istaagay, laguna khasbay inay iibsadaan.
Bartamihii Sanadkii 2006 markii ay soo ifbaxeen Midowgii Maxkadamaha islaamiga Shacabka Shabeellaha hoose ku dhaqan waxay rajo ka qabeen inay ka bixi doonaan dulmigii ay ku hoos noolaayeen, balse taasi ma dhicin, waxaana halkeeda kasii socday baadda iyo handadaadda Maleeshiyaadka Mooryaanta ah ay ku hayeen dadka rayidka ah ee gobolka ku nool.
Maleeshiyaad ku heyb ah Dagaal ooge Yuusuf Indho Cadde ayaa dhibaatada ugu badan ku hayay dadka ku dhaqan gobolka, magaalooyinka Xeebta saaran ee Marka iyo Baraawe ayay si gaar ah dhibaatada ugu daran heysatay, waxaana magaalooyinkaasi laga soo wariyaa dhacdooyin xanuun badan oo lagula kacay dadka ku nool.
Bur burkii Maxaakiimta kadib waxaa qeybo ka tirsan dalka la wareegay Ciidamo Itoobiyaan ah oo galbinaya Dowladdii uu hogaaminayay C/llaahi Yuusuf, dowladdaasi waxay la wareegtay qeybo ka tirsan gobollada dalka, waxaana ay u awood sheegatay qab qablayaal dagaal oo gobollada qaarkood maamulayay, hase yeeshee reer Shabeellaha hoose waxay kusii jireen dhibaatada, illaa laga soo gaaray dabayaaqadii Sanadkii 2008, xilligaasi oo Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay gacanta ku dhigeen inta badan degmooyinka gobolka marka laga reebo degmada Afgooye.
Markii Mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen gobolka waxay ka hir geliyeen maamul islaami ah oo soo dabbaalay amnigii iyo kala dambeyntii, waxaa gobolka laga ceyriyay Maleeshiyaadkii biyaha Webiga dadka ka iibsan jiray Shacabka, waxaana dadka usoo bidhaamay iftiinka Waabariga, halka markii hore ay ku jireen habeen gudcur ah.
Bartamihii Bishii May ee Sanadkan mar aan booqasho ku tagay magaalada waxaan la kulmay nin Oday ah oo ka tirsan dadka u dhashay magaalada Marka , wuxuuna iiga sheekeeyay sida ay dadku ugu diirsadeen Maamulka islaamiga ah ee Mujaahidiintu ay magaalada ka hir geliyeen, kadib sanado dheer oo nolol ciriir ah ay ku noolaayeen.
Sidoo kale Intii xilligaasi magaalada aan ku sugnaa waxaan dhowr jeer tagay Xarunta Maxkamadda Raddul Madaalim, Maxkamaddani waxay Mujaahidiintu uga hir geliyeen gobolka Shabeellaha hoose, si hantidooda ma guurtada ah ugu soo celiyo dadkii 20-kii Sano ee bur burka la dhacay, waxaana Maxkamaddu ay ku guuleystay inay kala xukmiso Boqollaal dacwood.
Ka hor la wareegitaanka Mujaahidiinta ee magaalada Marka, waxay magaaladu Saldhig u aheyd toboneeyo Hey’dood oo laga leeyahay dalalka reer galbeedka, waxaana Hey’adahaasi badankood ay ka shaqeyn jireen gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah, iyadoona marka aad tagto magaalada Marka aad ku arkeyso Iskuulo iyo Xarumo waxbarasho oo Hey’adahaasi ay maamuli jireen, dadka Kheyrka jecel ee magaalada ku noolna waxay Mujaahidiinta aad ugu mahad celinayeen inay ceyriyeen Hey’adahaasi fisqiga iyo fasaadka u horseedayay dadka Muslimiinta ah.
Afar Sanadood kadib oo Maamulka magaalada Marka uu ka baxay gacanta Maamulkii islaamiga ahaa, waxay dadweynaha magaalada ku nool ay maanta isu arkaan kuwo dib ugu laabanaya habeenadii gudcurka ahaa, waxaana qaarkood ay billaabeen inay u hijroodaan degmooyinka kale ee gobolka ee weli harsanaya Hooska Shareecada Islaamka.
XIGASHO Amiir Nuur Media.