Weji cusub oo Khilaaf ah ayaa furmay sababo la xariira is mari waa ka dhashay dagaal oogayaashii Muqdsho qaarkood iyo rag ka tirsanaa saraakiishii Midowga Maxaamiintii Islaamiga oo loo diiday in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka Cusub ee la qorsheynayo in dhawaan uu Gudoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne doorto.
Iiyadoo shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha xilkiisii dhamaaday iminkana jagadaas mar kale u sharaxan wado olole uu ku doonayo in xubnahaasi Baarlamaanka lagu daro ayaa dhinacyada Siyaasadda ee Diidan arintaasi waxaa si Cad ugu biiray Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland la baxay cabdiraxmaan Faroole.
Waxa uu sheegay in ay jireen heshiisyo hore oo dhigayay in aanay Xildhibaanada ka mid noqon dagaal oogayaal iyo waxa uu ugu yeeray dad xag jiriin ah.
Faroole waxa uu sheegay in dadka ragaasi xilalka u raadinaya ay isku Dammbi yihiin, asigoo hadalkaasi ula jeeda Madaxweynaha Xilku ka ka idlaaday Shariif Sheekh Axmed oo Geed dheer iyo Geed gaaban iminka u fuulaya sidii ay xilil u heli lahayeen rag magacyadooda guddiga farsamada ee soo xulista Baarlaanku dib u soo celiyeen.
.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa intaas ku daray in ay dambiilayaal yihiin oo ay dagaal oogayaal yihiin dadkii ak tirsanaa Maxaakiimtii Islaamiga ahaa warkaasoo u muuqda mid saameynaya haddii la sii wado Shariif Sheekh Axmed oo asigu Maxkamadaha Hogaami jiray.
War Saxaafaded ka soo baxay Xafiiska Faroole ayaa lagu dhaleeceeeyay Hogaanka Dowladda Xiligu ka dhamamaaday maadaama uu isku dayayo in xubno diiwaankooda Baarlamaanka laga reebay in lagu soo biiriyo uu ka shaqeynayo.
Cabdaraxmaan oo u waramay Idaacad Dowladda Ingiriisku leedahay ayaa la weydiiyay sababta uu Madaxdaan u beegsaday waxaanuu ku jawaabay in aaay u qalmin in ay mar kale Soomaaliya Xil ka qabtaan iyadoo ninka warkaasi ku socdo ama ku wajahan yahana yahay Shariif Sheekh Axmed.
Habeen hore ayaa Shariif ku dhawaaqay in Maxkamadda Sare ay la wareegtay kiiska la xariira dadka loo diiday Xildhibaanimada ha yeeshee Guddiga farsamada oo Shalay Caydiid Ilka Xanaf Madaxa Maxkamadda kulan la qaatay waxa ay sheegeen i hay’adihii Dowladda waqtigood dhamaaday oo aanay maxkamadu jirin.
Waxaa kale oo ay u sheegeen in arintaani ay quseyso odayasa dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ee laakiin Howl Maxkamadeed aanay ahayn waxaanay ku Gacan seyreen ina y tagaan Maxkamadda si su’aalo loo weydiiyo.
Faroole iyo Madaxweynihii Maamulka Galmdug Maxamed Axmed Caalin iyo Ururka aan taagta badneyn ee Suufiyada ayaa ka soo horjeestay Tilaabada Shariif Sheekh Axmed ku abaabulay in Maxkamad la geeyo guddiga farsamada.
Waxaa jira waxa waxa Qareen loogu yeero oo u doodaya kuwa aaminsan in xaquuq ay lahaayeen la duudsiiyyay.
Shariif oo wajahaya cariiri Siyaasadeed ayaa isu baadi goobaya iminka qablayaashii dagaalka, raggii Maxkamadaha kala tirsanaa iyo kuwa kale si uu xulufo xoogan oo taageero ah uu ugu helo Xilka Madaxweynnimada ee uu loolanka ugu jiro.
ragga la tartamaya waxaa ku jira Ra’iisalwasaarihii iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee Dowladda uu Madaxda u ahaa kuwaasoo mid walba ku dadaalayo in uu ka guuleysto welow Murashaxiin kale jiraan.
Dadka Siyaasadda la socda ayaa sheegaya in haddii uu kuwa iminka sharaxan yahay iyo haddii aanuu sharaxneynba Ninka Madaxweynaha noqonaya u Caalmeysan yahay gaalada markii horeba soo dhasitay Dowladda Ku Meelgaarka ah welina dhaqaalaha ku bixisa Soomaaliyana keentay Ciidamada ka dagaalamaya kuwaasoo Ururka Qaramda Midoobay , kan Midowga Yurub iyo Dowladda Maraykanku ugu horeeyaan.
XIGASHO RADIO ALFURQAAN
Banaadir Post