Sara ukac ku yimid Sarifka Doolarka ee dalka Kenya Iyo dolwada Kenya oo cabsi ka qabta dhaqaalaheeda xili dagaal aysan ka bixi karin lugaha kula jirto

Hoos u dhacan ku yimid lacagta Shilin Kenyaatiga iyo sare u kaca sarifka dollarka ayaa loo aaneynayaa dhibaatooyin is biirsaday oo ku habsaday dalka kirishtaanka ee Kenya, kaas oo musiibooyin is xigxiga ay ku dhaceen wixii ka danbeeyay duulaankooda gardarrada ah ee ay ku soo qaadeen dhulka Islaamka ee Soomaaliya.

Fowdada iyo jahwareerka, amaan darrida iyo dagaalka qabiilka oo ay dheer yihiin muranka siyaasadda ayaa hareeyay gudaha Kenya, sida ay ka digayaan ururo Caalami ah.

Warbixin xalay ka soo baxday ururka Kenya Red Cross ayaa lagu sheegay 200 qof in siyaaba kala duwan ay ugu dhinteen gudaha Kenya maalmihii la soo dhaafay, hadane waxaa soo baxaya dhibaatooyinka dhanka dhaqaalaha.

Bankiyada shirkadaha ganacsiga waaweyn ee magaalada Nairobi ayaa la xiray markii qiimaha sarifka dollarku uu aad u kacay, qaar ka mid ah dadka dhaqaalaha ka hadla ayaa ka digaya hadane in ay soo bixi karto qiimaha raashiinka oo kaca taas oo isu badasha sicir barar ay ku hafan doonaan dadka reer Kenya.

Qiima kaca sarifka dollarka ayaa loo aaneeynayaa ilihii dhaqaalaha dalxiiska dalka Kenya oo yaraaday sababo ku aadan amaan daridii Kenya ay ka dhaxashay dagaalka Soomaaliya, taas oo  keentay dalxiisayaasha reer galbeedka ee dalka soo galin jiray lacagaha dollarka in ay yaraadaan marki naftooda ay u baqdeen.

Dhawaan ayay aheyd markii diyaarad ay la dhacday koox dalxiisayaal reer galbeed ah, halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray dad ka soo jeeda dalalka Jarmalka, Mareykanka iyo Gzech Republic.