AMISOM oo agagaarka Villa Somaliya Ka soo fagaatay saanad Hub oo sida la sheegay ay lahayeen Shariif Sheekh iyo dagaaloogayaal ay isku beel hoose yihiin!

Xilli Jiha wareer uu ka dhax taaganyahay hogaamiyaasha DKMG ah iyo siyaasiyiinta qurba joogta ah ee gaalada caalamka wadato ayay soo baxayaan isku dayo ay sameynayaan dagaal oogayaal muqdisho kasoo jeeda.

Dagaal Oogayaal uu Mahiga ka diiday in lagu daro liiska xildhibaanada dhawaan lagu dhawaaqay ayaa bilaabay in ay is hubeeyaan si ay awoodooda siyaasadeed u muujiyaan ayna u helaan heybad jagooyin lagusiin karo.
Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiin kale oo beesha Hawiye kasoo jeeda ayaa waayay mansabkii siyaasadeed oo ay lahaayeen balse maheystaan wax awood siyaasadeed ah taasi bedelkeedna waxay u baahanyihiin in ay isisoo muujiyaan.
Qorshe ay hogaamiyaashan jagada waayay isku hubeynayeen ayaa fashil kusoo idlaaday kadib markii ay ciidamada kufaarta Afrikaanta ah qaateen hub ay is qarsoodi ah ugu keydsadeen agagaarka madaxtooyada Villa somaliya.

Ilo wareedyo aan helnay ayaa xaqiijinaya in ciidamada kufaarta Afrikaanta ah ay shalay oo Jimaca aheyd ay xoog ku galeen guri ku yaal agagaarka madaxtooyada Villa  somaliya waxayna baaritaan dheer kadib soo heleen saanado hub ah oo la sheegay in ay u keydsanaayeen Shariif Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah dagaal oogayaasha Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in AMISOM ay gaadiid ku rarteen in kabadan 246 qori AK47 ah iyo 50 qori nuuca PKM-ka ah hubkan waxaa so gaar ah u lahaay shariif waxaana qorshahan fulintiisa lahaay dagaal oogayaasha balse markii dambe waa fashilmay.

Banaadir Post