Kuwa Meles u murugoonaya, u ilmeeynaya, Una duceynaya, Waxanu Eebbe uga baryeynaa in Iyaga iyo Isaga Maalinta Aakhiro uu isku meel kasoo saaro.SAWIRO IYO VIDEO XASUUQII AY XABASHIDO XAMAR KA GAYSTEEN!!

Waxa beryahan Warbaahinta Soomaalida qabsaday Shaqsiyaad u badan horjoogayaasha Siyaasadda Soomaalida oo u tacsiyadeynaya Melez Zenaaawigii geeriyooday ee Ra’isulwasaaraha ka ahaa Itoobiya, Waxa TVyada Afka Soomaaliga ku hadla qaarkood laga daawaday Shaqsiyaadkaas aanu soo sheegnay oo qaarkood ay Ilamadu ka qubaneyso una ooynaya Murugada ay ka qaadeen Geerida deg-degga ah ee ku timd Zanaawiga ay ku sheegeen Zaciim, Balse ahaa Fircoonkii Geeska Afrika.

Horta marka hore waxa xaqiiqo ah in Shacabka Soomaaliyeed kuwooda waxgaradka ah Nadiifkana ah aysan layaab kunoqoneynin in kuwii marka horeba uu soo barbaarsaday Melez Zenawi kuna shaqeysanayey ay u ooyaan, Islamarkaana ay ka murgoodaan Geerida ku timid kii ay Addoonka u ahaayeen ee ay u heellanaayeen una qushuuci jireen, Waxase wax in lala yaabo mudan ah in la waayo Waxgarad Soomaaliyeed, Aqoonyahan Soomaaliyeed, Oday Soomaaliyeed, Dhallinyaro Soomaaliyeed, Culimo Soomaaliyeed, Haween Soomaaliyeed, Iyo weliba Shacab Soomaaliyeed oo iyagoo isku duuban soo baxa Adduunkana u muujiya in kuwa u ooynaya Zenawi ee ugu tacsiyeynaya magaca Shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba metelin Shacabka Soomaaliyeed Balse ay yihiin Addoomo markii horeba uu iska lahaa Zenawi kuna shaqeysanayey, Waxa kale oo wax aad loola fajaco ah in Warbaahinta Soomaaliyeed dhammaantood ay soo qaataan wax ay ugu yeereen Taariikh-Nololleedkii Zenawi, Iyagoo aan soo qaadan Xasuuqyadii xadka ka baxsanaa ee ay Zenawi iyo ciidamadiisu ka geysteen gudaha Soomaaliya gaar ahaan Caasimaddii Waddanka ee Muqdisho intii u dhexeysay 2006dii iyo 2007dii, Taariikh nololeedkiisana kusoo koobay Jabhadeyntiisii iyo Xukunkii uu xoogga kaga ritay Mingistihii isaga ka horreeyay.

Maqabo in uu jiro Qof Soomaali ah oo aaney si toos ah ama si dadban u taaban Dhibaatooyinkii ay Zenawi iyo Ciidamadiisu u geysteen Bulshada Soomaaliyeed, Qaarkood haba moogaadaan ama hagaran waayaan haddey doonaane, Waxana uusan daah iga saarneyn xataa inta garaaneysa waxashnimada Zanawi iyo Dhibka uu u geystay Soomaalida, In ay u kala qeybsameen 4) qeybood oo kala ah:-

1) Kuwo Cudurka Qabiilka uu ka buuxo oo Maadaama Horjooge Siyaasadeed oo ku Beel ah uu Melez u ooyay isna ku taageeray ama u aamusay.

2) Kuwo Caadaqaatayaal ah oo Sandareerto ka helay kuwa Dulliga ah ee Siyaasadda Soomaalida horbooda, Dabadeedna ku raacay in ay u tacsiyadeeyaan Fircoonkii Geeska Afrika.

3)  kuwo Baqaya oo ka cabsanaya in lagu asteeyo Magaca ay Gaaladu sameysteen ee (Argagixiso) kaasoo lagu ugaarsado Dadka Danaha Gaalada kahoryimaada.

4) Iyo kuwa  ugu dambeeya oo ah kuwa ugu roon ee ka caajisay in ay qeyb ka qaataan Badbaadinta Ummaddan Soomaaliyeed ee Dulligu uu ku habsaday, Sheeddana ka eegaya halka uu Gaarigu u socdo, Xilna aan haba yaraatee iskaa saareynin Tubtii lagu badbaadin lahaa Ummaddan Gebiga ka laa-laadda.

Sida laga wada dheregsan yahay Dhibaatada Soomaaliya ku dhawaad Soddonka Sano ka socota ee marba marka kasii dambeysa kasii dareysa waxa isku kaashaday Qeybo kala duwan oo laga yaabo in aysan haatan Dadka qaarkii muhiim u ahayn in dib loogu noqdo Maadaama ay ka dheregsan yihiin, Waxase Muhim ah in aannu hoosta ka xarriiqno Saddexda qeybood ee ugu horreysa qeybaha aan haatan soo xusnay ee kala ah, 1) Cudurka Qabiilka kuwa uu ku habsaday, Caadaqaatayaasha Baqtiyey ee Calooshood u shaqeystayaasha ah, 3)  Iyo kuwa Baqaya ee bahdilan, In Kuwaaasi ay ahaayeen kuwa ku caawiyey Gumeystaha Shisheeye ee Caddaanka iyo madowgaba leh in uu Muddada sidaa u dheer Burburinta Barakicinta, Iyo Xasuuqa uu ku hayo Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, Dhulkooda Barwaaqada ahna ay Marti ka noqdaan una daba farsiistaan Shisheeyaha baab’iyey Shacabkii Soomaaliyeed ee Qarniyaad Dinida ku lahaa Sumcadda la cowryo.

Dabcan weey jiraan Tiro yar oo Soomaali ah Farakutirisna ah oo iyagu had iyo goor usoo taagnaa in Af iyo Addinba ay kula dagaallamaan Gumeystaha usoo tafaxeytay in uu Dadka Soomaaliyeed dhinac walbaba kala dagaallamo, Balse marka laga hadlayo Miisaanka loo yaqaan Boqolleyda %, Tiradaasi waxay noqoneysaa mid aad u yar marka loo eego Tirada Saxda ah ee Soomaalida lagu qiyaaso, Taasaana keentay baa la’oran karaa in Magacii Soomaaliyeed uu haatan ku sugan yahay mid laga faano.

Waxan aaminsanahay Haddii aan rajada wanaajiyo intaba weli nalaga dhex helayo habayaraadaane Dad ku Mintidaya Magaca Ummaddii Soomaaliyeed Diintooda Muqaddaska ah ee Islaamka, Waddankooda, Iyo Dhaqankooda kiisa wanaagsan in weli aan isdabaqaban karno, Waxana habboon in ay dadaalkooda Laba-laabaan inta tirada yar ee iyagu weli ku mintidaya Soomaalinimada Gumeystahana u diiddan in uu xalaaleysto Dhulka Soomaaliya iskana Maasho kuwa magaca Soomaalinimada nala wadaaga ee u godlan Gumeystaha.

Waxan Maqaalkeyga kusoo afmeerayaa in aan kuwa Zenawi Geeridiisa ka murgooday, Oo u ilmeeyay, Sheegayna in ay jeclaayeen Halyeyna ku tilmaamay, In kuwaas iyo Zenawi Allaha Awoodda lihi uu isku meel kasoo saaro Maalinta Aakhiro, Aamiin, War Soomaalida Xalaasha aheey Aamiin ila dhaha!!.

HOOS KA DAAWO QEYB KAMID AH XASUUQII ZENAWI UU KA GEYSTAY MUQDISHO.

W/Q:- Soomaali, Soomaali dhalay, oo Soomaalinnimo lagu habay!!.acirday@gmail.com.