Dowladda Kenya oo kaashaneysa shirkadaha reer galbeedka ayaa bilowday in ay shidaal ka qodato dhulbadeedka Soomaaliya ee u dhow xuduuda Kenya.

Xukuumadda Rayle Odinga ayaa si cad oo aan ka leex-leexasho lahayn u sheegtay in muddo lixdan maalmood gudohood ah ay kusoo gabagabeynayaan qodista shidaalka oo ay bilaabeen dabayaaqadii todobaadkii tagay.

Halka shidaalka laga qodayo oo xeebta Laamu kas

oo xigta dhanka Kismaanyo ayaa waxaa hadda ku sugan shirkado reer galbeed ah oo ay Kenya u xil saartay in ay soo saaraan shidaalka.War baahinta wadanka Kenya ayaa billaabay in shacabka dalkooda ay ugu bishaareeyaan shidaalka laga qodayo dhul badeedka Soomaaliya oo kutilmaameen mid aad u hormarinaya dhaqaalohooda liita.

Wargeyska Nation oo kamid ah warbaahinta kenya ee wax ka qoray arintan ayaa soo daabacay magacyada shirkadaha qodaya shidaalka la boobayo ee Soomaaliya, waxaana shirkadahaasi kamid ah:- State Oil oo laga leeyahay dalka Norwey, Total oo Farance ah, Tullow Oil oo laga leeyahay dalka Ingiriiska iyo Shirkadda Petro Baras oo ka socota dalka Barasil.

Dowladda kenya oo aan awoodin bixinta kharashka lagu qodayo shidaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Bankiga Jarmalka uu maal galinayso afarta shirkadood ee soo saaraya shidaalka.

Sida lagu sheegay war bixnta wargeyska Nation dowladda kenya ayaa shirkadahan kula heshiisay in ay dadajiyaan hawsha oo ay soo gabagabeeyaan ka hor inta aan la gaarin doorashada wadankaasi oo ku aadan sannadkan 2013-ka.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii shirkadda Apach ee dalka Mareykanka ay soo gabagabeysay hawl shidaal qodis ah oo ay muddo ka waday Ambawa Cost oo u dhow Laamu.

Dowladda Kenya ayaa sannadkii 2009-ki ku fashilantay in ay qodato shidaalka Soomaaliya ee ay hadda ku hawlantahay kadib markii dadka Soomaalida dal iyo dibadba ka dhiishiyeen. ha yeeshee intaa kadib ayaa waxay go’aansatay in ay xoog ku qodato shidaalka, waana midda keentay in ay duulaan qaawan kusoo qaadaan wilaayaadka Gedo iyo Jubooyinka oo ay xuduud beenaad la wadaagaan.

Dowladda Kenya ayaa qorsheheedu ahaa in sidoo kale bishan gudaheeda ay kheyraad kala baxdo deegaano kale oo ka tirsan wilaayaadka Gedo iyo Jubooyinka kuwaasoo kala ah Raas kambooni iyo Faxfax-dhuun, laakin waxaa ka hor taagan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Kenya ayaa duulaan qaawan kusoo qaaday wilaayaadka gedo iyo jubooyinka dabayaaqada sannadkii lasoo dhaafay. mar ra’iisul wasiirkooda arimaha dibadda la weydiiyayn in duulaankooda ay kala tashadeen dowladda KMG ah ayaa waxa uu ku jawaabay “dowladda KMG waa caruurteen” iyo erayo kale oo aad u fool xun.

Madaxda dowladda KMG ah oo ugu yaraan la filayay in ay ka jawaabaan meel kadhac loo geystay ayaa waxayba sheegeen in ay soo dhaweynayaan duulaanka Kenya, arinta la yaabka lehna waxay tahay in raggaasi waa Shariif iyo Cabdi walie ay isku soo taageen tartanka xilka madaxtinimada ee uu gar wadeenka ka yahay Ogastin mahiga si ay madax ugu noqdaan Soomaalida ay kheyraadkeeda beeciyeen.

Kox aqoonyahano dibad joog ah oo dhawaan isku soo taagtay in ay difaacdo kheyraadka Soomaaliya ku jira magacoodana loo soo gaabiyo EAEF ayaa waxay uga digaysaa shirkadaha shidaalka ka qodaya badda Soomaaliya in mustaqbalka laga mamnuuci doono in ay ka qayb qaataan qodidda shidaalka soomaalya oo lagu qiyaasay in uu aad u baaxadweyn yahay kasoo aan weliba laga faaiideysan marka laga tago midka ay hadda Kenya boobeyso iyo kii dhawaan reer galbeedku ka qoteen Puntlan.

Inkastoo Soomaalida ku maahmaahdo “nin aanu warankaagu mudin warkaaga ma galo” ayaa haddana madaxa kooxdan sheegay in ay u adeegsan doonaan sharci yaqaanadooda, sharci ciqaab ahna la marsiin doono shirkadahaas goortii la qabto.