Zenawi: Shiddo Alle na dhaafiyey dheh!!.

Geeridu xaq weeye, nafkastaana waxaa lagama maarmaan ah inay geeri dhadhamiso, ha yeeshee qofkuu markuu dhinto laba buu mid noqonayaa, ruux dhibkiisii iyo shidadiisa makhluuqaadku ka nasto iyo ruux asagu aduunyada iyo shidadeeda ka nasta. Geerida Meles waxay noqonaysaa falaar ka go’day dad badan oo Geeska Afrika ku noolaa, khaasatan kuwooda dhibka u nugul ee masaakiinta ah, waxayna noqonaysaa dhib iyo shido naga hartey.  Abwaanki weynaa ee Samatar Baxnaan oo loo soo sheegay war uu ku farxay ayaa waxaa laga hayaa.

Anna waxaan la xoodnaa shalay iga xayuubsheene
Hadba waxaan la xarakaadayaa waa xogtaan helaye
Waa kaa jirkaygii xidhnaa soo xankaakubaye….
Xawliga durduradaan ka biqi xeeb inaan tago e

Hada waxaan filayaa in ummada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee samaha jecelba inay leeyihiin xawliga durduradaan ka biqi………… marka ay maqlaan geerida Meles.

Geerida Meles Senawi waxay muujisay farqiga u dhaxeeye shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda. Marka laga soo tago loolanka iyo hardanka soo jireenka ah ee ku dhisan xadaaradaha kala duwan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Marka laga soo tago siyaasadii Meles ee ku dhisnayd inaan Soomaaliya mar danbe cagaheeda iska taagin, soo looma baahna in la tixgaliyo shucuurta iyo dareenka boqolaalka kun ee Soomaaliya ee la ildaran tacadiyadii uu Meles Senawi u geystay ha ahaadeen kuwa Soomaaliya ku nool ama kuwa Itoobiya ku nool.  Mas’uuliyada iyo dawladnimadu soow maaha in la ilaaliya shacuurta bulshada markaas mas’uuliyadeeda la sheeganayo, mise Soomaaliya xeerarkaasu kama shaqeeyeen. Dib waxay ka noqotaba hadaladii Faarax Macallin waa lagu diirsadey, waxayna ahaayeen xaqiiqda dhabta ah ee ay doonayeen mujtamaca Soomaaliyeed inay maqlaan. Dib waxay ka noqotaba waxaan u leeyahay waa garba beeley sidii naloo raranayey, oo ninkii Soomaali ah oo aan ayaamo amaanaaba marka danbuu haadaan nagala dhacaa, marka waa taxadareynaa.

Waqtigii dawladi kacaanku dadka shuuciyada baraysay ayaa waxaa la sheegaa in habeen habeenada ka mid ah, la isugu yimid mid ka mid ah xarumihi lagu magaaci jirey goloyaasha hanuuninta dadweynaha. Habeenkii oo dhan baa waxaa la wadey cayaaro iyo qodbooyinka dhaadheer oo lagu amaanayey Marx, Lenin iyo hogaamiyeyaashii kale ee shuuciyada, mudo hadii arrinkii la wadey uuna soo dhawaadey waqtigii xiritaanka kulanku ayaa nin masuuliyiinti ka mid ah intuu istaagay waxa uu ku yiri oday miskiin ah oo meesha joogay adeer noo ducee waa gabagabadiiye. Odaygii si fudud buu wuxuu ku yiri EEBAHAY nimankaad caawoo dhan amaaneyseen meeshay aakhiro ka soo baxaan ha idinka soo saaro, odagii inta lagu xanaaqay oo guulwadeyaal lagu dalbadey baa waxaa la yiri hala xiro, waa kacaandiid dib u socad ahe. Odagii oo yaaban baa waxuu yiri  ar xay tahay nimanku niman fiican ma ahayn miyaa xaad ku diideysaan inaad aakhiro isku meel ka soo baxdaan. Hada waxaan leenahay nin kasta oo geeridii Meles si kal iyo laab ah uga tacsiyeeyey, ama yiri wuxuu ahaa halyey ama yiri anaguu naga dhintay Ilaahay aakhiro meeshuu ka soo baxo ha idinka soo wada saaro.

Abdirahman Salad

Email: dhaguuf@hotmail.com.