Daily Telegraph : “ Geerida Zenawi Waxay Cabsi ku abuurtay Dowladaha reer galbeedka”.

Wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay Warbixin uu qoray Wariye ka tirsan Wargeyska oo lagu magacaabo Mike Pflanz, kaasi oo warbixintiisa Ciwaan uga dhigay geerida Zenawi waa il cabsi leh oo ku furantahay reer galbeedka.

Mike Pflanz waxa uu warbixintiisa ku sheegay in geerida Raysal wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi ay dalka Itoobiya ku riixeyso qalaanqal ballaaran oo dhinaca Siyaasadda ah, xilli ay su’aalo badan ka taaganyihiin Mustaqablka Siyaasadeed iyo tan ammaan ee gobolka geeska Afrika geeridii Zenawi kadib.

“ Zenawi waxa uu ahaa Saaxiib muhiim ah oo ay waayeen Britin, Yurub iyo Mareykanka, wuxuuna ka tagay gobol ay ka taagantahay khatar dhinaca ammaanka ah oo isa sii tareysa, Itoobiyana waxay Soohdin la wadaagtaa  dalalka ay Xiisadaha ka holacayaan ee Suudaan, Ereteria, iyo Soomaaliya, dhinaca badda Casna waxaa ka xiga dalka Yemen”. ayuu yiri Wariyaha warbixintani qoray.

Isagoo sii hadlaya Mike Pflanz waxa uu sheegay in Itoobiya ay  aqbashay in Ciidankeeda ay u dirto dalka Soomaaliya, si ay u dhintaan iyagoo difaacaya danaha Wadamada reer galbeedka, waxaana ay Mareykanka Wakiil uga aheyd dagaalkiisa ka dhanka ah Alshabaab iyo Alqaacidda, taasina waxay sii xoojisay  kalsoonida Mareykanka iyo Wadamada kale ee galbeedka ay u hayeen Meles Zenawi, mana jiro xilligan hogaamiye gobolka ka tirsan oo buuxin kara kaalintii iyo dowrkii uu ciyaarayay Raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya.

Ugu dambeyntii Wariyaha Warbixitani qoray waxa uu saadaaliyay in Hogaanka cusub ee Itoobiya ee dhawaan la dooran doono ay ku mashquuli doonaan ka hor tagidda iyo xallinta Mushkiladaha kasoo wajihi kara gudaha dalka, ayna adkaan doonto sidii Itoobiya ay markale dowr fir fircoon ugu yeelan laheyd Siyaasadda gobolka, sidaas darteedna ay Dowladaha reer galbeedka diiradda saari doonaan baadi goobka Ciidan kale oo sii wadi kara dagaalka ka dhanka ah Islaamiyiinta Soomaaliya, ee Dowladaha reer galbeedka iyagoo adeegsanaya Calooshood u shaqeystayaal Afrikaan ah ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

XIGASHO Amiir Nuur Media