“Males Zenawi wuxuu ahaa nin cadaw ku ah Somaaliya dhan walbana waa kala dagaalamayay dadka Somaalida ah iyo dalkooda wuxuu diidanaa in Somaaliya ay yeelato ciidan awood leh wuxuuna door bidayay dhismaha maamul goboleedyo kala tagtagsan”Waxaa yiriWasiirkii Arrimaha Dibedda ee Dowladdii C/llaahi Yuusuf

Ismaaciil Hurre Buubaa oo Wasiirka Arrimaha Dibedda kasoo naqday dowladdii Cabdullaahi Yuusuf uu Madaxweynaha ka ahaa ee Itoobiya soo gelisay dalka Somaaliya ayaa sheegay in Males Zenawi uu ahaa Cadawga koowaad ee Soomaaliya, kuna dadaali jiray in Somaaliya aysan yeelan dowlad awood leh.

“Males Zenawi wuxuu ahaa nin cadaw ku ah Somaaliya dhan walbana waa kala dagaalamayay dadka Somaalida ah iyo dalkooda wuxuu diidanaa in Somaaliya ay yeelato ciidan awood leh wuxuuna door bidayay dhismaha maamul goboleedyo kala tagtagsan”ayuu yiri Buubaa.

“Males iyo rajiimkiisa waxay dhowr goor Dowladihii KMGka ahaa ee Soomaaliya soo maray u diideen in ladhiso ciidan Milleteri ah, Itoobiya waxayba go’aansatay in ay qeybi oo xukun kula dhaqanto Somaaliya laakin saxaafadda kama hor muujiso cadaawaddeeda gurrucan oo waxay iska dhigtaa dowlad Somaaliya wax u qabanaysa”Ayuu yiri Buubaa.

Hadalladan kasoo yeeray Buubaa ayaa kusoo aadaya xilli uu dhawaan go’ay R/wasaarihii waddanka Itoobiya Males Zenawi oo muddo kabadan 21-sano ka talinayey waddankaasi Itoobiya iyo Soomaaliya, Xasuuq badanna u geystay Shacabka Soomaaliyeed.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo wasiirka arrimaha dibadda kasoo naqday dowladii ridada Cabdullaahi Yuusuf ee Itoobiya soo gelisay dalka Somaaliya ayaa sheegay in Males Zenawi uu ku dadaali jiray in Somaaliya aysan yeelan dowlad awood leh.

“Males Zenawi wuxuu ahaa nin cadaw ku ah Somaaliya dhan walba waa kala dagaalamayay dadka Somaalida iyo dalkooda wuxuu diidanaay in Somaaliya ay yeelato ciidan awood leh wuxuuna door bidayay dhismaha maamul goboleedyo kala tagtagsan”ayuu yiri Buubaa.

Hadaladan kasoo yeeray Buubaa ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan uu halaagsamay R/wasaarihii wadanka Itoobiya Males Zenawi oo muddo kabadan 21-sano xoog ku maamulayay qowmiyadaha wadankaasi Itoobiya.