Kenya ayaa weli madaafiic ku xasuuqaysa caruurta iyo dumarka Somaliyeed xili ay aamusan yihiin kuwa sheegta inay musharixiin u yihiin inay helaan madaxweyne maqaar saar ah iyo kursi Kaare lagu sido(SAWIRO CARUUR DHIBAN)

Duqaymaha Kenya ay ka geysanayso dhulkeenana waa tiro la’aan, wadaad Ictisaam ah oo ka hadlayana ma jiro, hadii ay dhibaato soo gaarto Kenyana Manaabirta ayaa laga qaylinayaaa, Alow lakala miiranyee mililig ha i raacsiin.

Cunugani ma Al Shabaab Baa??

Maxay Galabsatay Gabadhan yar ee Barii’adda ah?

Culumadii ka difaaci lahayd Minbarka Kenya oo dhaleecayn lahayd tolow aaway?

Kuwan iyo Kaniisadaha yaa Qaalisay?

Cunugaygiiyoow Sabar oo adkayso rag kuu aaraya baa jiree