Qormaada Duljoogso: Geeridii Meles kadib ilmada Ina Iley ka qubanaysaa ma lexejeclaa mise waa walwal?.

Qormadeena Duljoogso ee todobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa Geeridii Meles kadib ilmada Ina Iley ka qubanaysaa ma lexejeclaa mise waa walwal?, hadaba waxaa shalay la xaqiijiyay in uu Meles gaariyooday una dhintay xanuun mudo hayahay kaas oo in badan la qarinayay, Meles oo ahaa aabaha dhibaatada & qalalaasaha Geeska Afrika ka aloosan ayaan aduunka kaga tagin wax taariikh ah oo wanaagsan wuxuuna kaga tagay guud ahaan Geeska Afrika dhibaatadii uu isagu horseeday oo sii hulaaqaysa.

Waxaa in badan lagu xasuusan donaa Meles Taariikhduna kaydin dontaa tacadiyada joogtada noqday ee 21 sano ee la soo dhaafay uu u gaystay shacabka Ogaadeenya ee uu askartiisa ku amray dhaqanka foosah xun & ku tumashada xuquuqda Aadamaha kuwaas oo sida ay dan modaan sameeya.

Xadgudubyada aan la ilaawi doonin ee shacabka Ogaadeenya ay ciidamaad Meles ka amar qaadanayay kala kulmeen waxaa kamid ah faro xumaynta dumarka, dilkalka sabab la’aanta ah boobka joogtada ah xabsiyada xaqdarada dadka aan waxba galabsanin loogu ooday, baro kicinta & iska horkeenka bulshada Soomaalida Ogaadeenyan.

Intaas oo dhan waxaa barbar socota boobka dhulka Ogaadeenya oo uu Meles geed dheer & mid gaabanba u fuulay sidii uu ugu beeri lahaa dad laga keenay galbeedka fog ee Itoobiya oo uu doonayay in ay marka hore bulshada Ogaadeenya ku milmaan marka dambana ay dhulka beerashada & wax soosaarka ku haboon la wareegaan dadkii lahaana la xasuuqo waxa soo ahdhana laga baro kiciyo .

Mudadii uu Meles xilka hayay wuxuu carbiyaya shaqsiyaad u dhashay Ogaadeenya oo uu ugu talo galay in uu gabaad uga dhgto xasuuqa joogtada ah ee shacabka Ogaadeenya lagu hayo waxaana ka mid ah shaqsiyaadkaas uu Kaligii Taliye Meles sida axmaqnimada ah iasga horaysiin jiraya ninka aan aqoon ku filan lahay ee uu u taba baray xasuuqa, duudsiga & bahddilka shacabka Ogaadeenya Abdi Iley oo ah shaqsi aan waxba xeerinin kuna dhaqaaqa wado walba oo uu Meles ku raali galinayo.

Gacanku dhiigle Zenawi wuxuu mudooyinkii dambe Ina Iley siiyay awood uu siduu dan mooda u adeegsado kuna xasuuqo dadkiisa isla markaasna Meles uu in badan u dhoola cadeeyay.

Saraakiisha Wayaanaha ee Ogaadeenya ka hawl gala ayaa mararka qaar aad ula yabaa sida arxan darada ah ee uu Abdi Iley u xasuuqayo dadkiisa waxaana ukabo galiyay oo qorshe aan raagaynin siiyay Meles oo maanta tii runtahayd jooga.

Hadaba markii la soo sheegay in uu Meles geeriyooday wuxuu gabi weyni ku soo dumay Abdi Iley oo saadaalinaya waxa dhimashada Meles ka dambayn doona & waxa sugaya, Abdi Iley wuxuusan wax waji ah ku lahayn dhamaan shacabka Ogaadeenya oo uu ka dhigay gal-galin waxaana hor taagan oo uusan iloobaynin inta fal ee uu isagu si arxandaro ah gacantiisa ugu fuliyay kuana galaaftay nolosah dad aan waxba galabsanin oo ay isku dun yihiin.

Sida ay dad xog ogaal ah oo Jigjiga ku sugani noo xaqiijiyeen shalay markii la shaaciyay geerida gacan kudhiigle Meles ayuu Ina Iley oohin afka furtay waxaana laga sheegay in uu yidhi Ilaahayoow u naxariiso Meles oo janadii ka waraabi & hadalo kale oo aad layaab u leh, waxaa is weydiin leh yaa mudan in geerida kadib Rabbi naxariis looga dalbo?.

Arintaasi waxay tusaale fiican u tahay kuwa Ina Iley u haysta in uu dantooda meesha ugu jiro maslaxada umada Ogaadeenyana uu ka shaqaynayo wuxuuna si gaar ah baraarug ula gudboonyahay qolyihii Meles isu dhiibay kuna milmay qorshayawga uu Meles jeexay Ina Ileyna uu u wakiishay.

Hadii aynu is dul taagno Cinwaanka qormadeena oo ah Geeridii Meles kadib ilmada Ina Iley ka qubanaysaa ma lexejeclaa mise waa walwal? waxaaan odhan karaa majirto lexe jeclo uu Ina Iley la ooyayo & xanuun ay geerida Meles ku kordhisay waxaase hubaal ah in uu ka walwalsanyahay kaydka u yaala & cawaaqib xumadiisa kol haduu kor yuururo qabri madow oo ruux waliba gali doono maantana la bud dhigayo sayidkiisii uu wax walba ka aqbalay xadwalbana dhaafiyay taas oo Ina Iley ku ah aduun & aakhiro seeg.

Isku soo wada duboo geeridu waa mid nafwalba sugaysa wax lagu farxana ma aha balse geedirda cadawgaagu waa mid adiga kuu ah dan waayo marka uu cadawgaagu liico ayayba farxadu kula gudboontahay hadii uu meesha ka baxana guul balaadhan oo la filayo in ay dhamays tiranto ayaad gaadhay.

Sidaas daraadeed guud ahaan shucuubta Geeska Afrika gaar ahaan shacabka dulman ee Ogaadeenya geerida Meles waxay u arkaan qayb ka mid ah guulihii ay higsanayeen waxaana la gudboon in ay Allah mahad balaadhan u celiyaan kana gudoomaan farxada balaadhan & in uu ka qabtay ninkii miciyaha & gacmahaba dhiiga ku watay, dhanka kale waxay maalin madaw u tahay Wayaanaha & kuwa dabo dhilifka u ah ee aan damiirka insaanka lahayn Iimaankana ka aradan kuwaas oo aduun & aakhiro seeg ku dambeeyay waxaanan xusuusinaynaa shaqsiyaadka muslmnimada sheeganaya ee falalka diinta Islaamka ka baxsan u darban in ay Rabbigood u laabtaan Tawbaduna way u furanathay inta sakaraatul mawdka ka hosarysa.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

http://www.qorahay.com/duljoogso/22082012.htm