Meles Zenawi waxa uu ahaa nin gaaban oo bidhaar leh misana aad u kibir badan sidaa darteed ayaa waxaa loogu magac daray Fircoonka casriga ee geeska Afrika.
Meles Zenawi waxa uu Aabe iyo Hooyo u ahaa mushkiladda ka oogan Soomaaliya, waxaana tusaale kuugu filan qodobada soo socda.
Laga soo billaabo 1991-kii illaa iyo maanta ayaa waxa uu dalkiisa ku qabtay in ka badan toban shir oo lagu shirqoolayay ummada Muslimka ah ee Soomaaliya.
Sirarkaasi waxaa kamid ah shirkii Soodare ee ay Soomaalida ugu magac dareen kasoo dare kaasoo dabin loogu dhigayay islaamiyiintii ka jihaadeysay Gedo dabayaaqadii sagaashankii.
Milles waxa uu dalka Soomaaliya ka hir galiyay ururo siyaasadeed iyo kuwa rayid ah oo isaga hoos yimaada, qaar kamid ah ururadaasi wey burbureen halka qaarkoodna ay imika shaqeynayaan.
Ururadii Milles ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah ururkii SRRC ee lagu soo dhisay magaalada Awase ee dalka Itoobiya kaasoo loogu talagalay in lagu burburiyo nidaam walba oo ay Soomaali damacdo in ay dhisato.
Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo rag kale oo ka yimid wadanka Mareykanka ayaa ka dhex muuqday ururkaasi waxaana kamid ahaa Xuseyn Caydiid.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya waxa uu ahaa nin dhaqanka Soomaalida aad u yaqaana maadaama uu dalka kusoo koray waxna kusoo bartay, sidaa darteed waxa uu inta badan ku guuleysan jiray in uu soo xusho oo uu dalka usoo adeegsado dadka ugu qadiyadda xun ee Soomaalida.
Zinawe waxa uu dalka ka hir galiyay hogaamiye kooxeedyo badan isagoo mid walba gooni dhagta ugu sheegi jiray in uu diido waxa ay reer hebal wadaan haddey dagaal tagtana uu garab iyo hub siinayo.
Wax badan ayaa taa uga hir galay Milles waxaana la xusuustaa in goor ee ay hogaamiye kooxeedyada dhexdooda ku dagaalameen Muqdisho iyo gobolada kale ee wadanka iyo sida ay u kala qeybiyeen ummada Muslimka ah ee Soomaalida.
Milleszinawe waxa uu hadafkiisu ahaa in qariidada adduunka laga waayo qaran mideysan oo madax bannaan oo Soomaaliya la yiraahdo.
Waxa uu ahaa ninka kale ee ay gaalada reer galbeedka usoo maraan arimaha Soomaaliya.
Sannadkii 2005 ayuu dowladda Mareykanka qandaraad uga qaatay barnaamijkii diin la diririka ee loogu magac daray argagixiso la dirirka kaasoo uu hir galintiisa ku mashquulsanaa muddo ku dhawaad sannad ah.
Isbaheysigaasi oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada dayniile ayaa fashil ku dhamaaday kadib markey iyagu si cad u sheegeen in ay la dagaalamayaan diinta Islaamka.
Maxamad Qanyare oo ahaa qabqablaha gogosha fidiyay ayaa saxaafadda u sheegay in ay ka hor tagayaan dowlad islaami ah oo ka dhalata wadanka Soomaaliya.
Markii Isbaheysigaasi burburay Islaamiyiintana fideen ayuu Milleszinawe adkeysan waayay wuxuuna raadiyay wado uu kusoo gali karo Soomaaliya taasoo uu u bandhigay baarlamaankii fadhigiisu ahaa dalka Kenya.
Waxaa la yaab lahayd sida uu u dhacay shirka oo ahaa riwaayad loo dhigayay ummada Soomaaliyeed.
Shaashadaha calamka ayaa waxaa laga arkay hogaamiye kooxeedyadii daacadda u ahaa milles oo diidaya in ciidamada Itoobiya lasoo galiyo dalka walibanma dagaalamaya iyo Atoorihii riwaayadda Cali Maxamad Geedi oo qoslaya.
Shir kale oo kaa lamid ah ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo waxaana mar kale dhacday in soo galista ciidamada Itoobiya ay u codeeyaan hogaamiye kooxeedyadii diidayay markii lagu shirayay magaalada nayroobi.
Ciidamada Itoobiya ayaa si cad ugu soo duulay dalka siiba goboladii ay ka jirtay ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxa ay ku tunteen muqadasaadkii islaamka, masaajiddii ayey burburiyeen musqulana ka yeesheen, qaar kamid ah culimadana waa ay gowraceen inkastoo dagaal dheer kadib dalka laga saaray.
Markii xabashidu ka bexeen dalka waxaa mar kale si xawaare leh ku baahay maamulo islaami ah oo durbaba hir galiyay ku dhaqanka shareecada Islaamka taasoo uu walaac ka muujiyay Miilsezinawe.
War bixin ama maqaal oo kaliya laguma soo koobi karo dhibaatada uu dalka u hor seeday Millseszinawe oo maanta si rasmi ah loo shaaciyay geeridiisa.
fircoonkii geeska Afrika ma dhici doonto in Soomaaliya looga dhaqmo diinta islaamka inta aan noolahay laakin wuu dhintay shareecadiina wey sii kifaaxeysaa.
Milles waxa uu ahaa ninkii hor seeday in dalka la keeno ciidamada Uganda, Burundi iyo kuwa kale ee dib kasoo duulay iyadoo sababta ku dhalisay ay ahayd in aanu kaligii la dagaalami karin mujaahidiinta.
Haddaan eegno dowrka muuqda ee uu ka qaatay keenista ciidamada uganda iyo Burundi ayaa waxa uu ahaa in uu dowladda Mareykanka ka ballan qaaday in uu caawinayo nafna uu u hurayo ciidamada Afrikaanta waana midda keentay in lagu soo dhiirado keenistooda.
Millse waxa uu qorshihiisu ahaa in Afrikaanta kale uu ku beero magaalooyinka Baydhabo iyo Balad weyne kadibna ciidamadiisa la boxo.
Aad ayey u ballaarantahay dhibaatada uu Milles u hor seeday Soomaaliya, waxaana xusid mudan in waayihii u dambeeyay uu ku mashquulsanaa sidii loo sii kala qeybin lahaa Soomaalida.
Waxa uu sameeyay in ka badan soddon maamul goboleed illaa la arkay nin sheeganaya in uu madaxweyne ka yahay meel duur ah ama tuulo ay ku noolyihiin qoysas fara ku tiris ahi.
Fircoonkii geeska Afrika ee Milles ayaa waxa uu horey ugu guuleystay sameynta maamul goboleedyada Puntland, Somaliland iyo Gal-mudug kuwaasoo illaa iyo maanta si toos ah uga hoos shaqeeya xukuumadda Adis-ababa ee uu madaxeedii geeriyooday.
Dowlad kasta oo la dhisayay waxa uu milles ku lahaa waziiro, xildhibaano iyo taliyaal ciidan, waxaana jirta in madaxweyne walba oo la doorto uu shaqadiisa ugu horeysa ka billaabayay booqashada Milles.
Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmad ayaa waxa uu noqdday madaxweynihii ugu horeeyay ee uu Milles ku farxo.
Milleszinawe ayaa aad u marxabeeyay Shariif markii la doortay Jabuuti waxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay doorashadiisa.
Milleszinawe waxa uu ahaa nin aanan ka caajisin in uu Soomaalida kala dagaalamo diinta Islaamka iyo sidoo kale xitaa Soomaalinimada.
Waxaa tusaale kuugu filan sida uu ugu guuleystay in caalamka laga mamnuuco baasaboorkii Soomaalida iyadoona la arkayo in dhammaan Soomaalidii qaateen baasaboorkii Itoobiya taasoo ka dhigan in ay yihiin Itoobiyaan.
Waxaan xusuustaa fadeexad ka dhacday dood uu saddax sannadood ka hor taleefashinka Al-jaziira dhex dhigay nin siyaasi ah iyo la taliyihii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Azhari.
Azhari oo lagu heystay sababta ay dalka usoo galiyeen Itoobiyaanka ayaa is difaacay wuxuuna sheegay in iyagu ay yihiin dad wadaniyiin ah.
Siyaasigii dooda la wadaagayay ayaa ku xujeeyay in uu lasoo boxo baasaboorkiisa haddaanu ahayn Itoobiyaan. Wariyihii dooda waday ayaa ka codsaday Azhari laakin wuu diiday taasoo fadeexad weyn ku noqotay.
Tani waxa ay kamid tahay dhibnaatooyinka uu Milles u horseeday dalka Soomaaliya in kastoo uu Allaah qabtay.
Milles ayaa ka hor geeridiisa u muuqanayay in wax ka badalayo siyaasaddiisii Soomaaliya gaar ahaan adeegsiga hogaamiye kooxeedyada maadaama ay fashilmeen.
Taa badalkeedana waxa uu billaabay siyaasadda ah in diin lagula dagaalamo magac diineed.
Isagoo ahaa nin gaal ah isla markaana diin ka yeeshay waxa loo yaqaano Otorodokiska ayaa waxa uu sheegay in uu yahay Ahlu suna isla markaana uu caawinayo cid walba oo la dagaalameysa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo hir galiyay sharciga Islaamka.
Tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday Millse ayaa waxa ay ahayd aas aasidda ururka la baxay Ahlu sunna ee fadhiogoodu yahay degmada Guriceel ee gobolka Gal-guduud kuwaasoo uu in muddo ah siinayay hubka dhaawacoodana lagu dabiibayay magaalada Adis-abababa.
Milles ayaa u geeriyooday xanuun halis ah oo ku dhacay kaasoo kusoo beegmay markii ay mujaahidiintu fashiliyeen maamul isaga hoos yimaada oo looga dhawaaqi lahaa magaalada Dhuuso mareeb.
Milles oo in muudo ah la jiitamayay xanuunkaasi ayaa ku geeriyooday Yurubta, waxaana xusid mudan in ay aad u naxsanyihiin gaalada caalamka oo dhan iyo kuwa dalkiisa halka muslimiintuna ay faraxsanyihiin.
Milles-zinwawe waxa ay aad saaxiibo u ahaayeen madaxweynaha Uganda iyo wasiirkii Amniga Kenya Saytooti oo isna bil ka hor ku geeriyootay qarax diyaaradeed oo ka dhacay dalka Keynya.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis-ababa ayaa waxa ay sheegayaan in laga qaxay xaafaddii uu daganaa iyadoo laga baqayo malagii isaga dilay, tanina waa dhaqan caado u ah dadka Itoobiya ee cawaanta ah.
Marka uu qof ka dhinto waxa ay cidaha dariska muddo saddax maalmood ah xir xiraan daaqadaha iyo dulduleelada gudiga iyagoo ku andacoonaya waxaa kasoo galaya malaga.
Si kastaba ha ahaatee geerida Milleszinawe ayaa waxa ay ka dhigantahay dhibaato weyn oo uu Allaah ka kaafiyay Muslimiinta Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.
XIGASHO RADIO ALFURQAAN
http://www.radioalfurqaan.com/0054%20Dowr.html
BAQTIGII FIRCOONKII GEESKA AFRICA oo Adis Ababa laga dajiyay+ViIDEO iyo ooyin is qabsatay meel walba oo garoonka ka mid ah!!.
https://www.youtube.com/watch?v=AyM6XoguJLA&feature=player_embedded