(Daawo) Meydka Melez Zenawi oo laga soo dejiyey Airaboorka Addis-Ababa, Iyo Xaaskiisa iyo Gabadhiisa oo Iyagoo waalan oo boodboodaya Diyaaradda kasoo degay Airaboorkana hadba dhinac ugu orday lana xakameyn waayey.

Diyaaraddii waday Meydka Zanawi markii ay soo caga dhigatay Airport-ka Addis Ababa, waxaa markiiba ka soo degay Ehalada Zanawi oo ay horkacayeen Xaaskiisa iyo Gabadhiisa, waxayna Diyaaradda kasoo dageen ayaga oo Qaylinaya,boodboodaya, Islamarkaana sidii wax waalan hadba ugu ordaya Airaboorka,Waxay garaacayeen madaxooda,lugahana dhulka ayey la dhacayeen.

Kooxihii iyo Madaxdii Itoobiya ee soo dhaweeynayey Bakhtiga Zanawi waxa ay ku mashquuleen Xaaska Zenawi xaalkeeda, madaxdii goobta timidna waxay ku howlanaayeen in ay dajiyaan Xaaska, waxana halkaas in muddo ah lagu illaaway Bakhtiga Zanawi, waxana mar dambe la arkay ayada oo ay shaqaalaha Airportku soo dejinayaan Bakhtiga.

Kooxda Baambeyda ayaa u garaacay muusikada baroordiiqda iyadoo naxashka Bakhtiga Zanawi oo lagu dahaaray Calanka Ethiopia laga soo dejiyay dayuurad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines.

Zenawi oo Dhibaatooyin ba’an ku hayey Shacabka Soomaaliyeed iyo gebi’ahaanba Qowmiyadaha Muslimka ah ee Geeska Afrika ayaa Maadaama uu hadda galbaday Geyiga Geeska Afrika laga rajeynayaa Nabadgelyo waarta.

HOOS KA DAAWO VIDEOGA.