Ciidmada Itoobiya oo ku sugan gayiga Somaliyeed oo dib loo celinayo geerida Meles zanawi ka dib” farxad ayaa laga dareemaya meel walba oo somali joogro”

Waxaa dib loo celinayaa dhamaan ciidanka Xabashida ka jooga gayiga Somaliyeed kuwaas oo jooga magalooyin kooban oo inta badan dhaca koofurta Somalia.
Cabsi ayaa laga qabaa in gacan ka hadal ka dhex bilowdo quruumaha ku wada nool ARDUL XABASH, kuwaas oo is qoonsada ama is neceb dhinac walba.
Ilaah ayaa mahad leh, waxaana Sujuud loo wada dhacay dhulka ay ku noolyihiin Somalida xorta ah oo inta

badan gudaha Somalia, waxayna u mahad celiyeen ALAHA WEYN.
Geerida Meles ayaa ka sii farxad badan baqtigii SAITOTI oo bilooyin ka hor ku halaagsamay Kenya ka dib duulaan oo ku soo qaaday gayiga Somaliyeed.
Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah ay aad ugu faraxday Geerida Zenawi maadaama uu ahaa Cadawgooda koowaad ee Xasuuqa iyo barakicinta ku hayey Shacabka Soomaaliyeed, Ayaa Haddana waxa xaqiiqo ah in Dabadhilifyadii Soomaaliyeed ee hoos joogay Melez kalana shaqeynayey Dhibaateynta Ummadda Soomaaliyeed ay haatanna si toos ah u hoostegi doonaan hadba Ninka bedela Zenawi.

Afhayeenkada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali dheere ayaa sheegay in dhimashada Zenawi uu yahay bishaara weyn oo muslimiinta usoo gashay isagoona mar uu hadlayay yiri “Allaah waxaan ka baryaynaa in uu nooga aargudo Zenawi”.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Itoobiya ayaa lasoo sheegayaa in ay tahay mid kacsan maadaama isbedel uu ka jiro wadanka oo uu galbaday hogaamiyihii Tigreega Itoobiya.