Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaaato.
Iska daa gaalee xitaa Muslimiin badan baan fahmeyn Aayadaha soo socda ood mooddo inay aaminsan yihiin meeriska gabayga ah ee ka dambeeya;
قُلِ ٱللَّهُمَّ مَالِكَ ٱلْمُلْكِ تُؤْتِي ٱلْمُلْكَ مَن تَشَآءُ وَتَنزِعُ ٱلْمُلْكَ مِمَّنْ تَشَآءُ وَتُعِزُّ مَن تَشَآءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَآءُ بِيَدِكَ ٱلْخَيْرُ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِير
ٌوَمَنْ يُهِنِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ مُكْرِمٍ
Dad badan Aayadahaas waxay kaga kalsoon yihiin meeriskan gabayga ah:
إذا قالت حذامِ فصدقوها *** فإن القول ما قالت حذامِ
Hadday haweentaas Xadaami ah wax sheegto, rumeysta, waxaa xaqiiqo ah in hadalku yahay waxay tiri! Hadda, dad badan, waxay la tahay in arrintu tahay: waxay Hillary Clinton iyo Marykankan arkaan!
Kulankii maalmo dhoweyd ka hor Hillary Clinton la yeelatay nimanka gaalada qabbaanka u ah baa Soomaalida badankeeduna dhaheen: Hillary waxay Shariif ku tiri – dhabarka na tus halka Shariif sheekh Axmed markuu soo noqday yiri: Hillary dhabarkay iga taabatay! Waa labo oraahood oo kala dheer!
Inkastoon anigu u arko in Shariif sheekh Axmed yahay waxba yahay anoo micnaha Aayaddan ka duulaya:
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلاً رَّجُلَيْنِ أَحَدُهُمَآ أَبْكَمُ لاَ يَقْدِرُ عَلَىٰ شَيْءٍ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوْلاهُ أَيْنَمَا يُوَجِّههُّ لاَ يَأْتِ بِخَيْرٍ
Allaah wuxuu ridayaa tusaalaha labo nin; midkood ma-yeeraan yahay oon waxna awoodin, culeysna ku ah ilaaliyihiisa; oo meel kasta oo loo jeediyo aan la imaaneyn wax kheyr ah!
Iyadooy saas tahay baa haddana Shariif ka caqli badiyey Soomaali badan! Ma naqaan dadkuu siray? Wadaaddaa u badan! Xaqiiqdii, waxaa muuqatay in caamada Soomaaliyeed ka badsheen sha’niga Shariif si ka mug weyn tan wadaaddadu ka qabeen Shariif! Caamada Soomaaliyeed waxay Shariifka waagaas u baxsheen: Shariif la soo gamay/gannay! Halka wadaaddo badan noo soo xuleen oo nooga dhigeen: Amiirul Mu’miniin! Anigu waxaan ku jiray dadkii la khalday ee qoraallada ku soo dhoweyn jiray Shariif maaddaama aanan horay u aqoon! Nasiib-wanaag, waxaan ku jiray dadkii ugu hor diiday Shariif markuu Asmara tagay haddaananba ahaynba qofkii ugu horreeyey ee si toosa saxaafadda ugu diida qorshaha Shariif iyo in loo caleemo saaro in laga dhigo guddoomiyaha fulinta waxay ugu yeereen ururkii dib-u-xoreynta Soomaaliya! Waxaan ka duulayey Xaddiiskii micnihiisu ahaa: qofka Muslimka ah labo jeer lagama qaniino hal god! Mujaahidiinta Shabaab oo markaas weli isha ka laabanayey saaxiibookoodii hore baan idaacadda iyo saxaafadda ka sheegay in Shariif khaa’in yahay; laguna caleemo saarin Asmara! Fiicnaan lahaydaa haddii la is maqli lahaa!
Haddii niman wadaaddo sheegta noo keeneen Shariif sheekh Axmed waqtigii Midowga Maxkamadaha; maxaa markuu Jaasuus noqday looga dhigay guddoomiyaha kooxdii la baxday dib-u-xoreynta? Waagaas baan gartay in qaar ka mid ah wadaaddada horboodaya Islaamiyiinta aan waxba lagu halaysan karin!
Shariifka ay Soomaali badan sha’nigiisa hoos u dhigeyso kama yaabsan wadaaddo kaliyee xitaa gaaladii keensatay buu ka yaabsaday! Ma ognnahay in Shariif hal sano iyo bar ku darsaday waqtigii loo doortay inuu “madaxweyne” ahaado? Labadii sano ee Jabuuti lagu doortay waxay ku ekeyd Janaayo 2011! Imisaa laga joogaa? Qoraalka waxaan qorayaa bacda subxi Shawaal 2, 1433 oo ku beegan Agoosto 20, 2012! Waxay gaaladu noo sheegtay in maalinkan madaxweyne la dooranayo! Cidda qorshaha gaalada ragaadisay waxaa ugu horreeya Shariif sheekh Axmed! Seddex arrimood oo Shariif gaalada ka yaabsaday waxay ka yihiin:
- Sida Shariif sheekh Axmed ula wada saaxiibay Mursi iyo Museveni! Markaan Mursi leeyahay waxaan ka wadaa Ikhwaanul Muslimiinka sida Rajab Dayib Erdogan iyo kuwa kale iyo baadariga Museveni! See ula wada saaxiibay Ictisaam badan iyo Zenawi?
- Midda kale waa Shariif oo si cad u muujinay inuu ka xanaaqay qorshe gaalo wadato! Soow dhowaan kama soo caroon Nairobi? Lama hayo gaaloraac saas yeelay! Haddaad I rumeysan weydaan soo xasuusta markii Faroole iyo Caalin dhaheen ma tagayaan shirkii Turki ee kal hore; midkoodna kama soo tagin Addis Ababa ilaa lagu qanciyey inay madasha tagaan halka Shariif Xamar ka soo degay iyadoon sayidyadiisu soo fasaxin!
- Wuxuu isla helay Tarsan, odayo-dhameedyo, iyo wadaad-xumayaal qeyliya oo mar mar gaalada ku dhaha: waxaan sameyneynnaa kacdoon-shacab haddaan Shariif sheekh Axmed la maqal!
Gaaladu ma Ceyrineysaa Shariif sheekh Axmed mise waa Caleemo Saareysaa?
Ilaah baa og waxa arrintu ku dambeyneyso oo mala-awaal wax ma tarayo. Seddexdaas arrimood Shariif sheekh Axmed gaalada kaga yaabsaday waxaa u dheer inuu ku yahay gaalada culeys aan wax u soo kordhineyn maaddaama uu yahay nin iskaga xiran iyaga oon faa’iido u keeneyn! Waxaan ka wadaa waa ; diin-la-dagaalka waxaa gaalada u dheer dhaqaale-doonnimo! Dhaqaalihii addoonku waa adkaaday oo waxay rabaan meel ay ka helaan dhaqaale iyo dad ay addoonsadaan! Hadda reer Galbeedka waxaa u dagaalaya calooshood-u-shaqeystayaal laga keenay Burundi, Ugaandha,Kenya, Itoobiiya, iyo meelo kale. Wax khatar kuma heysto gaalada joogitaanka Shariif ama tagitaankiisa! Maaddaama Mujaahidiintii saxda ahayd iyo kuwii afka baarkiisa ka sheeganayey kala baxeen hadda danta gaaladu ka leedahay qowsaarka la dooranayo waxaa ugu weyn geyi-boob iyo dhac!
Maaddaama horay aan u sheegnnay kaftan laga sameeyey Hillary oo ku hal qabsatay meeris gabay ah oo Abu Nuwaas loo tiiriyo mar uu ka hadlayey haweenay addoon ah oo uu lahaa Haaruun Ar-Rashiid, lana oran jiray Khaalisah. Haaruun wuxuu gabadhaas hu’ uga dhigay xariir. Wuxuu qoorteeda,dhegeheeda, dhudhumadeeda, cududdeeda, iyo madaxeeda ka lulay jawaahir. Wuxuu Abu Nuwaas ku qoray albaabka qasriga Haaruun:
لقد ضاع شعري على بابكم كما ضاع در على خالصة
Waxaa xaqiiqo ah in gabaygeygii ku dayacmay qasrigiinna sida jawaahirtaas ugu dayacantay Khaalisa korkeeda! Madaxweynanimadii lagu sheegay Shariif waxba u tari weyday gaaladii!
Reer Galbeedku waa ku khasaareen iska-soo-hormarintii Shariif! Iska daa soo-xeri gelin uu soo xero geliyo Shabaab, Somaliland, Puntland, ama Suufiyadee; wuxuu keenay inuu sii kala jabiyo Suufiyadii oo waa tuu jeebka soo gashaday ina Macallin Nuur inta ka soo tago kuwii ku baaba’ay Galgaduud! Sidaas darteed dani uguma jirto gaalada inuu meesha u joogo nin ka bixi la’ tuute-gasasho! Waxa keliya ee Shariifku sameeyo waxaa weeye inuu tago meelaha gabdhuhu ku ciyaarayaan kubbadda koleyga isagoo gashan dharka ciyaartooyda ama inta tuute milatari soo gashado tago magaalo Amisom qabsatay! Xaqiiqdii, Afgooye, Balcad, Baydhabo, Baladweyne, Dhoobley, iyo Balad Xaawo waxaa qabsaday reer Galbeed! Waxaa u qabtay Amisom, Kenya, iyo Tigree! Reer Galbeedku dan kama laha wiil ku mashquulsan tuute-gashasho iyo diyaarad-raac!
Waxaa dani ugu jirtaa reer Galbeed mid kale oo qowsaar afmiishaar ah oo u soo xera gasha Soomaali badan. Nin iska dhiga inuu gobollo badan xukumo dabeedna inta la dhaho Soomaaliya waa laga saaray ku-meelgaarnimadii ; hadhowna sii gata wixii ka haray baddii iyo barrigii! Saasna gaaladu ku soo ceshadaan dhaqaale badan oo kaga baxa Soomaaliya!
Tarsan, Xaad, iyo Wadaad-xumayaal ma ku Khasbi karaan reer Galbeedka inay Shariif siiyaan afar sano oo kale?
Aan mar kale ku cesho! Shariif sheekh Axmed dhib kuma hayo gaalada! Hadda waddanka waxaa heysta gaalo! Waxay gaaladu rabtaa waa qof Soomaali badan oo maxaysato ah u soo jiida, kana yareeraysa lacagta qaaliga ah ee gaalada uga baxaysa calooshood-u-shaqeystayaasha gaalo-madowda ah! Waxay rabaan in qofka cusubi keeno Soomaali badan! Halkii gaal-madow baa reer Galbeedka uga qaalisan 30 maryocalas ah! Reer Galbeedku waxay rabaan inay yareeyaan lacagta Amisom uga baxda si reer Galbeedku dhaqaalo u sameeyaan! Shariifku arrintaas kama caawin karo maaddaama xitaa uu sii kala furfuray Suufiyadii bal iska daa cid uu u keenee! Waxay rabaan inay keenaan qof la dhaho waa “aqoon-yahan” dabeedna sidii caadada ahayd Soomaali badan sacabka u garaacdo!
Reer Galbeedku ma mooga qeylada ay keeni karaan Tarsan, Xaad, iyo Nuur Baaruud! Reer Galbeedku waa ogyihiin inaan Soomaalidu la mid ahayn Carabaha! Awal Soomaalidu waa caayi jireen Carabaha laakiin saan marar badan qoray waa inaan Soomaalidu gaari karin Carabaha! Waxaa ii markhaaatiya sida shucuubta Carabtu iskaga rideen Bin Cali, Qadaafi, M. Xusni Mubaarak, iyo Cali Cabdalla Saalix! Halka waqtigaas shacabkii Carabta baraaruggeen innaga uu na horboodo Mahiga! Waxaa ugu daran waxa Mahiga makaroofka ku soo dhoweynaya waa wadaaddo! Soomaalidu ma ku samri kartaa waxa ka socda Siiriya?
Reer Galbeedku waa ogyihiin in buuqa Tarsan iyo Xaad maalmo noqonayo! Sidoo kale waa ogyihiin hadday shacabka ka dilaan dhowr qof inaan la arkeyn Soomaali dambe oo bannaanbaxda! Adduunkii waa na bartay inaan dulli nahay.
Waxaan aaminsahay inaan gaalo qorshaheeda uga tageyn Tarsan, Xaad ama Nuur Baaruud! Waxaan kaloo ogahay markay dhaqaalo noqoto inaan dowlaha gaaladu xitaa ixtiraamin shucuubtooda iska daa Soomaali cawaan ahe! Ingiriisku iyadoo shacabkoodu leeyahay: yaan la weerarin Ciraaq bay dowladdu weerartay! Mana la tahay reer Galbeed shacabkoodii xeerin waayey inay ka baqayaan bannaanbax ay soo abaabuleen Tarsan iyo Xaad? Sida reer Galbeedku ugu dhibtoodeen dagaalkii Ciraaq iyo Afganistaan waa suurtogal in Mujaahidiintu ka faa’iideen xanaaqa shacabka qaarkii la xanaaqaan Shariif haddii la ceyrsho!
Anigu waxaan is leeyahay maaddaama mar horba Shariif sheekh Axmed ku darsaday hal sano iyo bar dheeraad ah; haddii gaaladu tuuri waayaan waxaa gaalada ku furmaya waddo halaq-mareen ah oo hadhow qowsaar walba isa soo taago sida Shariif! Horay looma arag reer Galbeedka oo arrimaha saas ah ka tanaasuley! Waxaanreer Galbeedka ku adag in dhowr jeer Shariifku jilbaha qabsaday Museveni oo qowsaar u sii ah reer Galbeedka! Reer Galbeedka waxaa ku adag in marar badan Museveni iyaga kala hadlo in la daayo Shariif sheekh Axmed.
Run ahaantii waxaa u fiican Mujaahidiinta in Shariif sheekh Axmed la sii doorto afar sano oo kale! Shariifku ma yaqaan si dadka loo khaldo. Tuute-gashi buu ka badin la’yahay. Waxaa noo daran in la keeno oday hargaanti ah oo yaqaan sida loo khaldo dadka! Iyadooy taasi jirto ayaa haddana Muslimiinta Soomaaliyeed sugeysaa in la arko Shariif oo la ceyrshay iyo Abu Zubeyr oo hogaamiye ah! Sidoo kalana la arko Shariifka oo la fariisiyo geedkii uu uga tagay C/Laahi Yuusuf, Nuur-cadde, iyo Axmed C/Salaam!
Waxaan kusoo xirayaa waa iyadoo shacab badan u arko in Shariif sheekh Axmed la yiri dhabarka na tus halka Shariifku isku akro in Hillary, Museveni, Erdogan iyo kuwa kale dhabarka ka taabteen! Horay baa Soomaalidu u oran jiray wadaad abaar jooga lagama qabto Takar dhabarka ka saaran! Shariifku ma sarbeebtii Hillary buu fahmi waayey mise waa loo cusbooneysiin doonaa qowsaarnimada? Marka jawaabta waxaan ka sugeynnaa Mahiga maalmaha soo socda haddii Ilaah idmo!
C/Waaxid C/Laahi Khaliif.