Mid kamid ah Hoggaamiyayaashii hore ee RRA islamarkaana Wasiir kasoo noqday Dowladdii hore ee C/llaahi Yuusuf oo la yiraahdo Maxamad Ibraahim Xaabsade dibna looga celiyey magaciisa Liiska Xubnaha Xildhibaannada Baarlamanka cusub ee maalintii shalay la soo bandhigay ayaa sheegay in Beesha Raxanweyn ee uu ka soo jeedo aysan lahayn wax dagaal ooge ah oo ay iyagu ahaayeen Jabhad lagu soo duulay oo Dadkooda ka difaaceysa Qabiillo uu ku tilmaamay in ay Dhulballaarsi u socdeen, Waxana uu Xaabsade ku tilmaamay kuwa Magaciisa soo celiyey ee Xildhibaannimada u diiday ee ka tirsan Guddiga kala shaandheynta Xildhibaannada Shaqsiyaad Qurbojoog ah oo Diintooda soo bedelay Dhaqanno xun-xunna Gaalada ka wada.
Maxamad Ibraahim Xaabsade ayaa ku dooday in Qurbajoogta Soomaalida ee dalka ku soo qul qulay buuxiyeyna Boosaska Baarlammaanka cusub ay yihiin kuwo Diinta Islaamka ka baxay oo ay Gaalo wadato, Isagoo sidookalena sheegay in aanu Booskiisa Xildhibaannimada uga tanasuleynin Kooxahaas.
“Beesha Raxanweyn dagaal oogayaal ma lahan kuwa Baarlammaanka soo galay ee boosaskii aan lahayn la wareegay waa qurbajoog Diintooda la soo badalay oo gaaloobay” ayuu Maxamad Ibraahim Xaabsade oo waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da.
Xaabsade ma’ahan Shaqsigii ugu horreeyay ee magaciisa looga tagay Hoggaamiye-Kooxeednimo, Balse waxa jira Shaqsiyaad farabadan oo iyagana Liiskooda dib loo celiyey laguna eedeeyay Arrinkaas, Inkastoo aaney weli jirin Maxkamad kala caddeysay Cidda Dambiile Dagaal-ooge ah iyo Cidda la cafiyey Maadaama Dagaal-oogayaasha Soomaalida ah ay aad u farabadan yihiin Qaarkoodna ayba kasoo muuqdeen Xildhibaannada cusub, Waxana Guddiga kala shaandheynta Baarlammaanka ka muuqata Siyaasad qolyo Gooni ah lagu soo dhaweysanayo qaarna lagu riixayo.
HOOS KA DHAGEYSO HADALKA XAABSADE.