Haddii Nabi Reer Banii Israa’iil ah Tusaale loo soo Qaadanayo marka lagu Jiro Gumeysi sida Soomaalida Heysata oo kale; kee Mudan in la soo Qaato Nabi Muuse (CS) ama Nabi Yuusuf (CS)?W/Q: C/Waaxid C. Khaliif.

Hordhac

الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه أما بعد

Horta Allaah baa Qur’aanka ku leh:

لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيراً

Waxaa Xaqiiqo ah waxaa dayasho ugu sugan tahay Rasuulka Ilaahay (SCW) qofkii rajeynaya Maalinta Dambe weliba qofkaas oo xusaya Allaah in badan.

Sidoo kale Axaaddiis Culumadu ku sheegeen duruqdooda qaarkood inay habboon yihiin baa leh:

– عن النبي صلى الله عليه وسلم حين أتاه عمر رضي الله عنه فقال إنا نسمع أحاديث من يهود تعجبنا أفترى أن نكتب بعضها فقل أمتهوكون أنتم تهوكت اليهود والنصارى لقد جئتكم بها بيضاء نقية ولو كان موسى حيا ما وسعه إلا اتباعي

حديث: أن النبي غضب حين رأى مع عمر صحيفة فيها شيء من التوراة و قال : أوفي شك أنت يا ابن الخطاب ؟ ألم آت بها بيضاء نقية ؟ لو كان أخي موسى حيا ما وسعه إلا اتباعي

Waa mar Cumar (RC) Nabiga (SCW) weydiiyey in la qorto hadallo cajibiyey oo Yuhuuddu sheegaan ama mar Nabigu (SCW) arkay Cumar (RC) oo heysta waraaq ay waxyaalo Towraad ka mid ah ku qoran yihiin dabadeedna Nabigu (SCW) yiri: ma shaki baa iiga kaa jira ina Khadaaboow? Miyaanan la imaannin (Risaalo) Cad oo Daahir ah? Haddii walaalkay Muuse noolaan lahaa; waxaan raacitaankeyga ahayn uma furnaateen.

Waxaa tusaale noogu filan Nabi Muxamed (SCW). Marka waxaan kala dooraneynnaa labo Nabi oo reer banii Israa’iil ah uun ee arrimaha qoraalladu ku saleysan yihiin laftigoodu waa qeyb kamid ah Diinta Islaamka. Qormooyinka kale baan ku arki doonnaa Islaamka iyo Towraad oo lafteedu Islaam ahayd oo meelo badan iskaga shabbaha.

Duruusta, Wacdiga, iyo Fatwooyinka waa in loo Meel Dayaa

Meel-deyga aan sheegayo waxaa fahmi kara qofkii Ilaahay basiiro iyo fahan siiyey! Suubbanahaa (SCW) yiri:

من يرد الله به خيرا يفقهه في الدين

Qofkii Ilaahay kheyr la doono; diintuu fahansiiyaa.

Waxaa muuqata in wadaaddo badan aysanba fahmeyn dhaxalkey sheegayaan inay ka dhaxleen Nabiga (SCW)! Waa tii Xaddiiskii marka duruqdiisa la isu geegeeyo culumada qaarkood ku sheegaan inuu habboon yahay ahaa:

وإن العلماء ورثة الأنبياء. وإن الأنبياء لم يُوَرِّثوا دينارًا ولا درهمًا، وإنما وَرَّثوا العلم، فمن أخذه أخذ بحظ وافر.

Culumadu waa kuwa dhaxla Nabiyaasha. Nabiyaashu dadka ugama tagaan diinaar iyo dirham toona ee waxay dhaxalsiiyaan cilmi, qofkii cilmigaas qaatana wuxuu qaatay nasiib waafi ah.

Sidoo kale, sida muuqata, wadaaddo badan ma fahmin mas’uuliyadda dhaxalkaas! Haddii Khaliif Muslim ah joogo xitaa hadduu dhibloow yahay, wixii ku saabsan imaarada iyo maamul-kala-wadka dowladda waa looga dambeynayaa haddaan gaalnimo lagu arag! Sidii Imaamu Axmed binu Xambal (RC) iyo culumo kale yeeleen fidnadii markii Qur’aanka lagu sheegay makhluuq! Kumey bixin Xukaamtii. Markaas Shareecaa la isku xukumayey waloow ay Xukaamtaasi dulmi wadeen. Laakiin waxay culumad si guud (100%) dusha ugu ridanayaan mas’uuliyadda Muslimiinta sidii Nabigu (SCW) yeelay waa marka aan la heyn Khilaafah Muslim ah oo wax ku xukuma Shareecada Islaamka sida Soomaaliya iyo waddamo kale ka jirta! Waa maangaab qofka maanta Amisom ama Tigree u arka Khulafaa”.

Waxaa Mahiga iyo Amisom keeneen waa ka sii liitaan gaalo-madowdaas! Markaas oo kale, wadaadku, waa inuu diintana dadka baraa, noqdaa hogaamiye siyaasi ah, iyo taliyaha guud ee Mujaahidiinta! Soow howlahaas oo dhan Nabigu (SCW) iskuma heyn? Sideed Nabiga (SCW) ku dhaxleysaan haddaad dhaxalkii qeyb diiddaan?

Xaggee dhaxalkaas naga maray? Markii Qureysh cadaabtay Muslimiintii la daciifsaday? Sideese Allaah iyo Rasuulkiisu(SCW) ula hadleen Muslimiinta?

أَمْ حَسِبْتُمْ أَنْ تَدْخُلُوا الْجَنَّةَ وَلَمَّا يَأْتِكُمْ مَثَلُ الَّذِينَ خَلَوْا مِنْ قَبْلِكُمْ مَسَّتْهُمُ الْبَأْسَاءُ وَالضَّرَّاءُ وَزُلْزِلُوا حَتَّى يَقُولَ الرَّسُولُ وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ مَتَى نَصْرُ اللَّهِ أَلا إِنَّ نَصْرَ اللَّهِ قَرِيبٌ

Ma waxaad u maleyseen inaad janada galeysaan iyadoon idiin imaan waxyaalihii ku dhacay dadkii idin ka horreeyey; waxaa taabtay baahi iyo cudur, waana la gilgilay ilaa Rasuulkii iyo kuwii rumeeyey la-jirkiisa dhahaan: waa goorma Gargaarka Allaah; Gargaarka Allaahna waa dhow yahay.

Haddii la dhaho Al-Baqroo dhan waxay soo degtay waqtigii Madiina; Xaddiiskan Saxiixa ah bal aan fiirinno:

وعن أبي عبد الله خباب بن الأرت رضي الله عنه قال: شكونا إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم وهو متوسد بردة له في ظل الكعبة فقلنا ألا تستنصر لنا ألا تدعو لنا ؟ فقال قد كان من قبلكم يؤخذ الرجل فيحفر له في الأرض فيجعل فيها ثم يؤتى بالمنشار فيوضع على رأسه فيجعل نصفين ويمشط بأمشاط الحديد ما دون لحمه وعظمه، ما يصده ذلك عن دينه والله ليتمن الله هذا الأمر حتى يسير الراكب من صنعاء إلى حضرموت لا يخاف إلا الله والذئب على غنمه ولكنكم تستعجلون رواه البخاري .

Abii C/Laahi, Khubeyb binu Arath (RC) wuxuu yiri: waxaan u sheegannay Rasuulka Ilaahay (SCW) isagoo jiqileysan go’iisa hooska Kacabada waxaannu ku niri: miyadaan gargaar noo weydiineyn, miyaadan noo duceyneyn? Dabadeedna Nabigu (SCW) wuxuu yiri: ummadihii idin ka horreeyey qaarkood inta ninka la soo qabto oo god loo qodo oo lagu rido baa loola imaanayey miishaar oo inta madaxa laga saaro laga dhigayey labo qeybood, sidoo kale waxaa loogu shanleyn jiray shanlo bir ah oo kala saari jirtay luddiisa/jiirkiisa iyo lafahiisa, arrintaasna diintiisa kama celin jirin, Ilaahay baan ku dhaartaye: Allaah waa dhammeystiri doonaa oo dhameystiri doonaa Amarkan ilaa ninka rakuubka ku jooga inta ka tago Sancaa gaaro Xadramuut isagoon ka baqeyn cid aan Allaah ahayn iyo inuu arigiisa uga baqo yeeyda maahee laakiin waa degdegeysaan!

Maxaa wadaaddo ganacsi iyo barwaaqo ku jira noo niyad jabinayaan? Yaa Nabi Muxamed (SCW) iyo Nabi Muuse (CS) ka badsha sida dadka loola xaalo khaasatan kuwa gumeysiga iyo cadaabka ku jira!

La-degitaankii Reer Banu Israa’iil la Degeen Faraaciinada Masar maxaa ka raacay?

Horta miyaan wadaaddada la soo shir tagey qisada Nabi Yuusuf (CS) ogeyn wixii reer Banu Israa’iil ka raacay guuritaankay usoo guureen Masar? Waxay u muuqataa in waagii Nabi Yuusuf (CS) ay meesha degeen! Addoonsiga ay galeen ma aha mid ka yimid Nabiga Yuusuf (CS) laakiin waxaan labo is weydiineyn in muddo lagu sheego dhowr boqol oo sano ay reer Banii Israa’iil galeen addoonsi! Qur’aanku waa xusaa arrintaas:

وَإِذْ نَجَّيْنَٰكُم مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوۤءَ ٱلْعَذَابِ يُذَبِّحُونَ أَبْنَآءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَآءَكُمْ وَفِي ذَٰلِكُمْ بَلاۤءٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌ

Xusa waqti aan idin ka badbaadinnay reer Fircoon iyagoo idin dhadhansiinaya cadaabka kiisa daran – gowracaya wiilashiinna; baaqi yeelaya dumarkiinna; waxaana arrintaas idin ku sugan imtixaan weyn oo ka yimid Rabbigiin xaggiisa.

Horta wadaaddada Soomaaliyeed qaarkood dan bay ka leeyihiin qisadii Nabi Yuusuf (CS). Sheekh Xasaanna waa ka hadlay; Golaha Baraarugguna waa ka hadleen. Run ahaantii waa lagu dabo geddiyey maqsadkii wadaaddadaas kala lahaayeen arrinta Nabi Yuusuf (CS) dhowr arrimood dartood:

1- Nabi Yuusuf (CS) uma qasdin inuu Masar aado oo ehelkiis ka tago ee waa loo dhib geliyey oo addoon ahaan baa meesha loo geeyey!

2- Nabi Yuusuf (CS) isagoo xabsi ku jira oo gaalo dhex jooga buu Towxiid barax la’ dadka barayey! Nabi isagoo xabsi ku jira dadka u dhigaya Towxiid; see looga fili karaa inuu jabiyo sharciga Islaamka isagoo xeerinaya qaanuunkii Fircoonkii waqtigaas? Weliga Nabigoo (CS) maqaam sare tagay?

3- Nabi Yuusuf (CS) wuu anfacay dadkii ka ag dhowaa geyigaas oo fasirkii riyaddiisa baa Muslim iyo gaalo ka faa’iideen.

4- Xukunka keliya ee ku cad Nasuusta ee Nabi Yuusuf (CS) sameeyey waa mid ka soo horjeeday xeerkii Fircoonka? Xaggee wadaaddadu ka keeneen inay dhici kartay in Nabi Yuusuf (CS) sameeyay khaladaad isagoo xeerinaya nidaamkii Fircoonkii Masar? Goormaa sheekh hebel baa saas yiri diin ahayd?

5- Sidaan kor ku sheegay, miyaan wadaaddadu ogayn in haddaan sidii Reer Banu Israa’iil Fircoonnada wax ula qeybsadeen oo u hoos galeen u hoos gelnno gaalo, inay dhici karto inaan boqollaal sano ku sii jirnno gumeysi? Intay wadaaddadu wax u baarbaarayaan niman gaalo isu dhiibay miyeysan arag dhibka ka raacay reer Banuu Israa’iil hoos-taggii Fircoonnada? Mise meel dheer wax kama fiirinno? Marka intada arrin aan meesha qaban ka dhigeysaan daliil; miyeydaan arkeyn sida dadka Muslimiinta ahi iyagoon culumo ahayn u fahmi karaan waxa ka dhalan kara fatwooyinkiinna lagu naas nuujinayo gaaloraacyadah?

Maaddaama Soomaali Galbeed iyo NFD boqol sano ku jireen gumeysi; seddexdii kalana ku soo noqdeen addoonsigii baan rabaa inaan sameeyo dhowr qoraal oo ku saabsan in marka xaaladan oo kale lagu jiro; hadday noqoto in la soo qaato nabi ka mid ah nabiyaashii reer Banii Israa’iil uu u mudan yahay Nabi Muuse (CS) arrimahaan kaga hadli doono qoraallada soo socda haddii Ilaah idmo iyo kuwaan kor ku xusay!

Waxaan ognnahay in marka Nabiga (SCW) la weydiiyo acmaasha teeda ugu fadli badan ama dambiyada kuwooda ugu daran in Nabigu (SCW) u kala hor marin jiray qaab ku habboon cidda su’aasha weydiisay! Waa isla su’aalo isku mid ah! Markii Nabi Muuse (SCW) la xaalayey Fircoon iyo reer Banuu Israa’iil marna ma soo qaadan hadal dadka sii niyad jabiya ee wuxuu la imaanayey geesinno iyo sabir. Saasoo kale baa Suubbanuhu (SCW) saxaabada ula hadli jiray markay Maka joogeen oo la dhibi jiray Isagoo amraya inay samraan oo niyadda dhistaan!

Waa doqonnimo iyadoo la rabo in gumeysiga laga dhiidhiyo in dadka lagu dhiirri geliyo inay madaxa hoos u rogtaan oo dulliga qaayibaan! Qormooyinka dambe ee Nabi Muuse (CS) baan ku arki doonnaa insha Allaahu tusaalooyin noocaas oo kale ah. Ka warrama Nabi Muuse (CS) oo qasri ku soo koray siduu uga dhiidhiyey dulliga? Soow nin ma dilin isagoon loo dhiibin Risaaladii? Soow keligiis ma ahayn? Soow Nabi Muuse (CS) inta Fircoon hor istaagay uguma yeerin Towxiidka iyo inuu u soo daayo reer Banuu Israa’iil? Maxaad qisadii Nabi Yuusuf (CS) ee inyar laga hayo nalooku soo qaadanayaa si aan gaalo u hoos joognno? Haddiise Nabi Muuse (CS) oo barwaaqadaas ku soo koray saas u halgamay; maxaa loo baqayaa innagoo baadiye iyo noloshii la ogaa ku dhalannay inteenna badan?

Nabigu (SCW) waa jeclaa Tafaa’ulka! Sidaas darteed yaa la qaataa inaan sidii reer Banuu Israa’iil inta hoos galnno Faraaciinno ay boqollaal sano na gumeystaan iyo inaan Sidii Nabi Muuse (CS) sanado gudahood ka xorownno gumeysiga?! Ma aha labo la isa siisto!

Waagii dagaaloogayaashu waddanka xukumeen oo wadaaddada hadda laga joogi la’yahay gacan-ku-gabbad ahaayeen waxaan si toos ah u weerari jiray dagaaloogayaasha! Shacabkii baa ku kacay dagaaloogayaashii oo meesha ka saaray! Wadaaddadii loo hiiliyey baa inta dagaaloogayaashii u dabo mareen gaaladii iyagu waddanka ku soo hogaanshay gaalo-madow? Soow meynnaan arag wadaaddo iyo Mahiga oo isku meel ka khudbeynaya? Wadaad leh Mujaahidiintu haka baxeen gobollada si Amisom iyo Tigree waddanka u qabsadaan! Marka wadaaddadaasi waxay noogu yeerayaan inaan boqollaal sano ku jirnno gumeysi sidii reer Banu Israa’iil u galeen. Anigu waxaan dadka ugu yeerayaa sidii Nabi Muuse (CS) Ilaahay gacantiisa ugu xoreeyey reer Banu Israa’iil in la wajaho Fircoonnada iyo Gaaloraacyada! Marka waa labo mabda’ ee qof walboow qaado kii kula qumman! La socda qeybta koowaad ee qoraalka insha Allaah.

F.G. Markaan culumada aan saxaabada ahayn ee dhintay magacooda ku hor qoro (RC) waxaan ka wadaa: Naxariistii Ilaahay korkooda ha ahaato (RAXMATULLAAHI CALAYHI/M)!

W/Q: C/Waaxid C/Laahi Khaliif