Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee xilligeedu dhammaaday Shariif Sheekh Axmed ayaa bilaabay inuu sawiradiisa ku sharxo waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama ilaa isgoyska Km4, waxaana sawirada Madaxweynaha si gaar ah loogu dhejiyay ballaayaalkii ileyska ku shaqeynayay ee dhowaan maamulka G/Banaadir uu suray guryaha hooyooyinka ilaa Taree Biyaano.
Dadka magaalada Muqdisho ayaa isweydiiyay musharaxiintii kale halka ay aadeen, iyadoo la og yahay in 90-Musharax ku dhowaad oo u taagan xilka Madaxweynaha, ayaa waxaa layaab noqotay in Madaxweyne Shariif sawiradiisa ku sharxo hal waddo oo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay mid ka mid ah shaqaalaha waddooyinka ee ka howlgala ayaa sheegaya in amar lagu siiyay sawirada Madaxweynaha inay ilaaliyaan, isla markaana ay ka hortagaan cid kasta oo iyana dooneysa inay musharax kale ku soo dhejiso baallaha ku shaqeeya ileyska qorraxda.
Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu la soo baxay awood keli talisnimo isagoo adeegsanaya ciidamada AMISOM, isla markaana musharaxiinta kale ee uu isaga cabsanayo uu u diro ciidamada AMISOM.
Adeegsiga ciidamada AMISOM waxay u suuragelisay Madaxweyne Shariif inuu keligii ku tamashleeyo magaalada Muqdisho, iyadoo gawaari lagu soo xiray cod baahiyeyaal ku qeylinaya ereyadaan “Madaxweynaheena maanta, maanta…maanta Madaxiis ha raage maanta”.
Ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed wax rajo ah kama lahan Dowlad ku taagan awooda AMISOM, oo lumisay nidaamkii Dowladnimo, hase yeeshee waxaa loo baahan yahay ayay leeyihiin aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed Dowlad awood leh oo soo celisa nidaamka iyo kala dambeynta.
Haddii la yiri “Dowlad awood leh ayaa dhalaneysa” shacabku waxay isweydiinayaan cida awooda leh ee Madaxweyne ka noqoneysa Dowladda cusub, dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in howshu tahay jugjug meeshaada joog, qaar kalena waxay qabaan in Dowladda cusub wax ka bedeleyso hannaanka dowladnimo, inkasta oo ay meesha ka saareen heerka awoodeed ee Dowladaasi ay gaarsiisan tahay inkasta oo aanay meesha ka saarin mar kastaba inaanay ka maarmi doonin awooda AMISOM iyo ciidamada shisheeye.
.
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com |