Tarsan iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayaa qoorta iskula jira arimo dhaqaale ku lug leh iyo mashaariic Turkido wato oo Tarsan lacago badan ku soo cunay!

Tarsan iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayaa qoorta iskula jira arimo dhaqaale ku lug leh iyo mashaariic Turkido wato oo Tarsan lacago badan ku soo cunay!

Waxaa hoos dhac weyn ku jira ganacsiga suuqaha waaweyn ee gobolka Banaadir ka dib markay hanjabaado kala kulmeen Tarsan iyo maamulkiisa Kaaraha Amisom saaran,waxaa xasuuq hoosaad lagu hayaa ganacsatada gobolka Banaadir ka dib si cad u diideen

 Cashuur Baad ah oo Tarsan rabo inow jeebka ku shubto.
Waxayna jawaab cad ka bixiyeen canshuurta Tarsan “Zakana mahan Sadaqna mahan see loo biixiyaahee” ayay jawaab ka dhigeen.

Tarsan ayaa maalahana la hadlayay Idaacadaha maxaliga ah ee Moqdisho kagana eed sheegtay dadka Moqdisho ku nool isaga oo leh “mahan dad raba inay hormaraan waana dad aan lahayn wada shaqeyn dowladeed”

Dadka Moqdisho ayaa ah dad AHLUTOWXIID ah mana rabaan inay bixiyaan waxaan ahayn Zako ama Sadaqo la siinayo qof mudan.

Tarsan ayaa dhan kale eedeyn u soo jeediyay dad is hortaagay Mashaariic Turkido ka fulin lahayd xaafado Xamar ah, Tarsan ayaa lacago ka soo qaatay Turkida si loo barakiciyo dadka maato ah xili lagu jiro bishii ramadaan oo la yiri “Kuwa liita ha loo asxaan falo”

Tarsan iyo Shariif ayaa Moqdisho soo dhoobay maleeshiyaad beelahooda ah kuwaas oo ah mooryaan daragiistayaal ah,dadka dhaca hadana dila,maalmo ka hor ayay ahayd markii suuqa Bakaaraha ku dileen nin ka mid ah mas’uulinta Hormood lacagana laga dhacay,waxna aan laga qaban, waxaa kale oo shalay maqribkii dileen madaxii ganacsatada Suuqa Bacaad oo aan ilaa hada la soo qaban kuwa dilay iyada oo la yaqaan reerka ay yihiin iyo meesha ay joogaan.

Turkida ayaa Moqdisho howlo lagu barakicinayo dadka laguna boobayo dhulka guud ahaan loo wada leeyahay,waxayna hor dhac u yihiin waxa loo yaqaan NATO oo ah kuwa xasuuqa muslimiinta aduunka ku nool.

Banaadir Post.