Sheekh Maxamed Cabdi Umal “Waraabaha waa Xalaal waa lacuni karaa Xadiith Saxiix ah baana kusoo arooray”.

Sheekh Umal “Hilibka Dhurwaaga Waa Xalaal Wuxuuna kamid yahay Xayawaanka la ugaarto” Dhageyso.
Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo la hadlay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA ayaa sheegay in Hilibka Dhurwaaga ama Waraabuhu uu yahay Xalaal.
Mid kamid ah Culimada Caanka ah ee Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa VOAda Qeybta Af-soomaaliga ku hadasha waxa ay wax ka weeydiisay Warar maalmahan lagu qorayey Warbaahinta Soomaaliyeed oo sheegayey in Qeybo kamid ah Dalka Soomaaliya ay kusoo badanayaan cunitaanka Bahalka loo yaqaanno Waraabaha, Waxana Sheekh Umal la weeydiiyey waxa ay Diinta Islaamku ka qabto cunitaanka Waraabaha.

Sheekh Umal ayaa sheegay in Waraabuhu uu kamid yahay Ugaarta Xalaasha ah lana cuni karo oo uu kusoo arooray Xadiith Saxiix ah, Waxana uu Sheekh Umal carrabka ku adkeeyay in Imaamyada Madaahibta oo uu Shaafici ku jiro intooda badan ay isku raacsan yihiin arrintaas.

Cunitaanka Waraabaha oo ah Arrin ugub ku ah Dadka Soomaaliyeed ayaa Maalmihii lasoo dhaafay marqura laga maqlay magaalada Kismaayo in uu Caadi ka yahay, Waxana haatan wararka qaar ay sheegayaan in Gobollada Koofureed uu kusoo faafayo.