Qowm markuu Allaah halaag la damco madax dulli ah buu u dooraa.Qore;- Akadir Osman

(Waryuu dhiig Soomaliyeed ku harayeey nala soo xiriira)
Niman ka maanta doorashada u wada taagan waa kuwii u saxiixay dhul badeedka Somaaliyeed dalkaasi Kenya,waa kuwii u ogolaaday in ciidamo ajaanib saldhigyo ka samaystaan Somalia ,kuwii u ogolaaday in sirdoonki somaaliyeed noqdo mid iyaga u shaqeeya(ajaanibtaas) ku sugan somaaliya.

Umaleenmaayo in uu Somali u haray shaqsi dhiig iyo dareen wadaniyeed leh, intaad ku jirnay anoo Beel hebel ah iyo anaa Beeshaas ah ayaa wadankii dhexdeena ka baxay.

USC dambi looma saarinkaro wixii dhacay waayo ma jirin nin fahmi karay garaan garta wareegeysay uu isticmaarka cusubi watay taa oo ah nidaamka uu isticmaalo ayaa ah in markii larabo in wadan la burburiyo marka hore daraasad lagu sameeyo cidda ugu sahlan ee la kicin karo ,markay colaada holacdana dhaqaale xoogan ayaa la siiya si ay arinka run ugu maleeyaan xowlina wax ugu laayaan isnaceebka ummadana u sii xumaado , balana loogu qaadaa in talada wadanka ay iyaga looga dambeen doono sida arinta dhexmartay Robert ogley iyo Allaha u naxariistee general Maxamed Farah(ceydiid) iyo abaabulkii koowaad ee groupe 4 bilowgii 89ka .taasi waxay keentay in qabiiladii ee walaalaha ahaa cuqdadd xun kala dhex gashay Beelaha Qaar laga saaray caasimadii waloow arintaasi aanay u dhicin suduu isticmaarka cusub uu doonayay .tan USC -da lagu khiyaamay waxaa ka horeeyay tii ku dhacday Kurdistan bilowgii 80kii markii loobalan qaaday in talada wadanka loo dhiibidoono haday ku kacaan dowladii Saddaam balse looga kala dhexbaxay iyaga iyaga iyo Saddaam (Xalabje ,Irbiil, Suleymaaniyana sunta lagu buufiyay).

Akhristow horay ma u maqashay (US Israeli Somali plan) google ka fiiri isagoo tifaf tiran , balaankaasi waa mid lagu tijaabiyay Somalia , markuu si fiican u shaqeeyayna loo isticmaalay Ciraaq iyo Falastiin hadana lala damacsanyahay Syria tii Somaaliya awoodeedii ciidan lagu burburiyay dowlad goboleedyo aanan isku nixinna loo kala qaybiyo, ummadda markey isku duubantahay cidina waxba kama qaadi karto intaan isku maqneen waataa badeenii laqaatay ,khayraadkii baddeena la xaday,suntana lagu xabaalay,dhirtii Somaaliyeed waxaa loo keenay geed dilaa ah (Cali Garoob),dadkii (Human Resources) waxaa loo samaystay xerada qaxootiga aduunka ugu weyn ee ku taal Kenya Dhabaab arintaana waxay shirkadaha daawooyinka soo saara u fududaysay inay daawooyinka ku tijaabiyaan caruurta Somaaliyeed meeshay ka is ticmaali jireen daayeerada.

Akhristoow maxaa dhaliyay in qofkii Somaliga ah ee Europe waydiistaa sharciga qaxootinimada dhaqsaha loogu siiyaa xaasaska iyo caruurtana dhaqsaha loogu keena kuwa South Sudanna dib loogu celiyaa wadamadooda? jawaabtu waa Ethnic cleansing.

Akhristow ma ogsoontahay inta jawaasiis ka howl gasha dalkeena si aynaan marna madaxa kor ugu qaadin Ilaah baan ku dhaartaye xattaa Seiralanka dadbaa u jooga

Somali maleedahay counter intelligence Services?

Akhristow ma ogsoontahay in kooxaha dadka khaarajiya in aanay eheen shabaab balse ay yihiin dad loogu talagay inay wax garadka laayaan iyo nin walba oo wadan wax ku ool u ah ,kharaj koodana ay bixiyaan NGO-YO wadanka howlo kale u jooga.

Akhristoow ma ogsoontahay in Alshabaab ay hagaan shirkadaha telefoonada ama dowlad goboleed ha ahaato ama federaalkaba hadii aanan wax laga qaban shirkadaha telefoonada inaanay soomaliya waligeed dageen, mahad waxaa leh Somaliland oo taladeeni waa hore qaatay rag khubaro ahna fariisayay switch boardada teleefanada. Sidoo kale shirkadaha xawaalaha waa meelaha lacagaha loo soo dhigo kuwa wax khaarajiya waa inay dowlad goboleedka dhigaan nin nabadsugida ka socda oo marka lacagta la qaadayo leh saxiixa ugu dambeya saxiixaa, koobiyada wixii laqaatayna lagu soo xareeyaa xafiiska nabadsugidda si habeenkii 18:00 fiidnimo uu u heesto taliya nabadsugidda loona kala diro laamaha amniga oo dhan 18:00—8:00 fiidnimo

Akhristoow maxaa loola dan leeyahay dakadda Lamu laga dhisayo iyadoo ay sahlanaan leheed in tan Mombassa la weyneeyo ? iyo jidka trainka isku xiraya Lamu-Adiss Ababba -south Sudan iyo (south Sudan -Kmpala -Nairobi-Malindi -Lamu ? maxayse tahay danta ay ka leedahay in dowladda Qadar inay bixiso kharashka howshaas ku baxaysa?

Akhristoow ma ogsoontahay boobkii dhulbadeedkii badda koofureed ee Somalia in ay Kenya hub aruursi ku jirtay Janaury 2011-12 sanadkaan waxaa Kenya u soo dagay sideed gawaarida nooca loo yaqaan BRDM-3(RECONNAISSANCE VEHICLE) iyo saddex Helicpter gunship nooca loo yaqaano (ULAN UDE MI-171 ATTACK) waxay kaloo sugayaan F-16 oo ay ka sugayaan Saudi arabia iyo Jordan kuwaasi oo second hand.

Waxaa kaloo iyna jira (16 Mi-28 ground attack helicopters for its Embakasi based 50th Air Calvary Division. The attack helicopter known as Havoc is an all-weather day and night military two-seater anti-armor aircraft. They will join the fleet of four Chinese made Z9WE attack helicopters which the military took delivery of last month. The Z9WE are anti armor attack helicopters are manufactured by Harbin Aircraft Industry Group, a China Aviation Industry Corporation owned company.) (SOURCES STRATIGIC MILITERY INTELLIGENCY) Kenya si badda Somaliyeed u xalaaleysato hub iyo ciidanba waa ay isku diyaarisay si u sameysato buffer zone.

Akhristow ma ka tashadeen nimanka noocyada badan ee ku soo socda kismaayo sida ay ka yeeli doonaan ciidanka Kenya markey wadanka ka xoreeyaan khawaarijta al shabaab mase ka tashadeen inay yimaadaan iyagoo magac qura ku mideysan, sida ay hadda ku socdaan RAAS KAMBOONI, DOWLADDA KU MEEL GAARKA ,SUNA WAL JAMAACA, waxay u muuqataa in ay la midnoqdaan orodkii xamar ku soo galeen USC-DA fashilna ku dhamaanto walibana ay adkaan doonto sida looga saaro ciidamada Kenya.

Somaalaay annagu isma nebcanin laakiinse waa leyna haystaa dowlado muslin nala sheegta iyo kuwo dano gaara leh waana ay adagtahay sida lagu fahmo isticmaarka cusub toos kii dhiig iyo damiir lahoow, wixii khabaar aad heysaan ee dhibaatooyinka iyo tacadiga loo gaysanayo Soomaliya noo soo dira.

Akadir Osman
Osmanmosses@gmail.com