Magaalada Kismaayo waa Caasimadda Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka, waxa ay ka mid tahay magaalooyinka dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya, Kismaayo waxay nasiib u yeelatay in ay ku naalooto ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Kismaayo waxa ay soo martay maraaxil kala gadisan, ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa ay noqotay magaalo ay ku hardamaan Jabahaadkii iyo Qabaa’ishii Soomaaliyeed ee midba midka kale iska xejinayey magaalada.
Kismaayo waxaa ku daatay dhiig badan, dhulkeeda hoostiisana waxaa ku aasan dad badan oo biri magaydo ahaa, xili ayey ahayd Kismaayo magaalada ugu amaanka xun uguna nolosha adag magaalooyinka dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Bishii Augost Sanadkii 2008-kii, ayey ahayd markii ay Kismaayo gashay gacantii ay mudnayd, waxaana magaalada u bilowday waji cusub, waxay ka baxday mugdigii ay ku jirtay, waxayna saldhig u noqotay Shareecada Islaamka, amaankii iyo kala dambayntii ayaa dib ugu soo laabtay, waxaana meesha ka baxay kufsigii, dilkii, iyo dhicii maalaa yacniga ahaa.
Laga soo bilaabo maalintaas illaa maantadaan la joogo, shacabka reer Kismaayo waxa ay ku naaloonayaan bash-bash iyo barwaaqo, waxayna hoos harsanayaan Harkii Shareecada Islaamka.
Allaah waxa uu inoo sheegay gaaladu in aysan wanaag inala jeclayn, wuxuu kaloo Allaah inoo sheegay in ay Gaaladu ka shaqaynayaan wax walbaa oo ina dhibaya, sidaad daraadeed waxay ka tageen jiif iyo joog, waxayna isku dhaarsadeen in ay Kismaayo ka damiyaan nuurka ka ifaya, una celiyaan waayo waayo iyo sidii ay ahaan jirtay
قَالُواْ تَقَاسَمُواْ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُ ۥ وَأَهۡلَهُ ۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَہِدۡنَا مَهۡلِكَ أَهۡلِهِۦ وَإِنَّا لَصَـٰدِقُونَ
Muddo hadda laga joogo Tobon bilood ayey Dowladda Kenya waxa ay ku dhawaaqday in ay Kismaayo gacanateeda soo galin doonto, waxaana ay sheegtay in reer Kismaayo ay ka “xorayn” doonto Nidaamka Islaamiga ah ee lagu dhaqayo, Kenya waxay soo dhaqaajisay wixii Quwad ahaa ee ay lahayd, waxa ay soo dagaal galisay ciidan aan waligiis dagaal galin, Ciidanka lugta, Badda iyo Cirkaba, waxaana ay sheegtay in ay muddo kooban ay Kismaayo soo galin doonto gacanteeda mar dambena aan Kismaayo laga xukumi doonin magaalada Muqdisho!!!.
Kibir iyo isla weyni, is muujin iyo caratan, ka dib 10 bilood, Kenya waxay guranaysaa mirihii ay beeratay, waxayna hanan kari weyday iska daa in ay Kismaayo qabsatee nabadgalyada gudaha dalkeeda.
Kenya waxa ay la dagaalamaysaa ALLAAH SWT, waxayna dagaal ku iclaamisay Kitaabka Allaah ku dhaqankiisa, Allaahna SWT waxa uu damaanad qaaday in uu xifdin doono Kitaabkiisa.
Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga waxa uu safar deg deg ah ugu tagay Qowlaysatada ay walaalaha yihiin ee Isra’il, Diyaaradii uu la socdayna waxa ay caga dhigatay Ben Gurion International Airport ee Tel Aviv, waxaana uu walaalihiis ka codsaday in ay si deg deg ah gacan ugu siiyaan xasuuqa shacabka reer Kismaayo iyo daminta Shucladda ka iftiimaysa magaalada, ugu dambayntiina waxa uu walaalihiis iyo saaxiibadiis ka soo helay balan qaad wax ku ool ah, sidoo kalena meesha kama marnayn Balan qaadyadii uu ka helay Dowladda Maraykanka iy Midowga Yurub.
Wasiirkii Amniga Kenya Prof: George Saitote iyo ku xigeenkiisii Orwa Ogode ayaa meel fagaare ah ka sheegay in ay si deg deg ku qabsan doonaan magaalada Kismaayo, waxa ay sheegeen in ay Kismaayo “Xorayn” doonaan oo ka saari doonaan gacanta Kitaabka Allaah. marka ay sidaas u hadlayaan ogow waxa ay ku dul socdaan dhulka uu sameeyey Allaaha ay kitaabkiisa la dagaalamayaan, waxayna qaadanayaan Hawada nadiifka ah ee uu Allaah SWT u sakhiray in ay qaataan.
Way hanjabeen oo is maqiiqeen, way qayliyeen oo cagaha dhulka ku garaaceen, waxayse ilaaween in Allaah SWT ka dibna Adoomihiisa wan wanaagsan aan laga adkaan karin.
George Saitote iyo ku xigeenkiisii Orwa Ogode waxa ay raaceen Diyaarad ku duulaysa Samada uu abuuray Allaha ay la dagaalamayaan, waxayna u dhaqaaqeen sidii ay lacag ugu soo aruurin lahaayeen Kaniisad weyn oo ay doonayeen in ay dhisaan, Ogow Dagaalka dhabta ahi waxa uu ka dhaxeeyaa Masaajidda iyo Kaniisadaha, waana sida ay ayaguba aaminsanaayeene.
“Bahalka aan Soomaaliya kula dagaalamayno madaxiisu waxa uu yaalaa Islii” waa hadalkii Saitote oo xiligaas hanjabaad u jeedinayey tiro Muwaxidiin ah oo ku nool dalka Kenya.
Saacado kooban ka dib waxaa dalka Kenya lagaga dhawaaqay bBaroordiiq, waxaana hoos loo dhigay calankii Daaquutka, waxaana la iclaamiyey in dalku uu galay Murugo weyn ka dib markii si kadis ah ay Saitote iyo ku xigeenkiisii Orwa Ogode ay ku bakhtiyeen Diyaarad Helicopter ah oo ay la socdeen oo ku burburtay Buur dusheed.
Kismaayo Baaqi ayey noqotay, Raayadii Tawxiidkuna way ka babanaysaa, Shareecadii Islaamkuna howsheedii ayey wadataa, Saitote-na Bakhti, dhulka hoostiisa ayuu ku jiraaa waxana uu hayaa camalkiisii iyo wixii uu shaqaystay.
Niyad jab xoog leh, isku dhex yaac baahsan, iyo kala firxasho ayaa hareeraysay ciidamadii Kenya ee duulaanka ku ahaa Kismaayo iyo intii safkooda ku jirtay, waxayna ku qaadatay bilooyin in ay dib usoo kabtaaan.
Allaah ayaa Qabtay, dhabarkana ka jabiyey cadowgii doonayey in uu dhibaateeyo shacabka reer Kismaayo,
“Waa la waayey kulligood, laba aayaa la helay, mid ayaa badbaaday, sadex way burureen, kuligood way burbureen, ciidankii saarnaa qaar nool ayaa la helay, waxay kasoo kaceen Entebbe Airport, waxay u socdeen Kismaayo in ay Duqeeyaan” hadaladaas oo dhani waxa ay ahaayeen hadaladii la isla dhexmarayey saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey.
Afar Diyaaradood oo ah kuwa Qumaantiga u kaca ee dagaalka ayey Uganda usoo dhaqaajisay dhanka Kismaayo, waxaana ay doonayeen in ay xasuuq u geystaan shacabkeena ku dhaqan magaalada Kismaayo, maalin ka hor xiligaas Maraakiibta Kenya waxa ay duqeeyeen Kismaayo waxana ay ku dileen dad rayid ah oo u badnaa caruur.
Haweenay da’ ahayd iyo laba wiil oo walaalo ahaa ayaa u ku Shahiiday duqayntaas, ayada oo xaalku halkaas marayo ayey Ahalkii iyo waalidiintii dadkooda la laayey waxay gacamaha kor ugu taageen ALLAAH swt, waxayna uga dacwoodeen in ALLAAH uu uga aaro cadowgaas ka xoog badan ee dadkoodii laayey.
Waxaa weli dhagtayda ka sii sharqamaysa codkii Abtiga labadii wiil ee Duqayntaas ku shahiiday oo oranaya (Kenya ALlaah ayaan uga dacwoonay), Yaa Alllaaah!!! Alllaah sow ma ahan midka Aqbala oo Ajiiba Adoonkiisu marka uu Baryo?? waa hadal weyn oo xajmigiisa aan la qiyaasi karin, Abtigu wuxuu u dacwooday Rabbiga hadii Gacanta loo hoorsado ajiiba baryada midka baryey, sidoo kale Abtigu wuxuu ahaa Madluum la dulmiyey, Rasuulkuna SCW waxa uu ku yiri Xadiithkii uu wariyey Ibnu Cabbaas ee ay soo saarayeen Bukhaari iyo Muslim , asaga oo Rasuulku SCW la dardaarmaya Mucaad Ibnu Jabal oo xiligaas ku jihaysnaa Yeman:
اتَّقِ دَعْوَةَ الْمَظْلُومِ فَإِنَّهَا لَيْسَ بَيْنَهَا وَبَيْنَ اللَّهِ حِجَابٌ
Sidoo Kale Rasuulku waxa uu yiri SCW.
اتَّقُوا دَعْوَةَ الْمَظْلُومِ ، فَإنِّهَا تَصْعَدُ إلَى السَّمَاءِ كَأنَّهَا شَرَارَةٌ ” انظر صَحِيح الْجَامِع : 118 , صَحِيح التَّرْغِيبِ وَالتَّرْهِيب : 2228
كأنها شرارة : كناية عن سرعة الوصول , لأنه مضطر فى دعائه .
Ayada oo Samada Kismaayo loo diray sawaariikhdaas baryada ah oo uu diray Madluumka iyo masaakiinta dhibta la gaarsiiyey, Baryadii Abtiga Soomanna ay cirka aaday, sidoo kale Falaaro badan oo Barya ahna ay direen muslimiin u taagnayd Qiyaamu leylka iyo Tahajudka ayey Uganda waxa ay soo dirtay Afar Diyaaradood oo nooca dagaalka ah, waxay is lahayd xasuuq u geyso shacabka masaakiinta ah ee reer Kismaayo, balse Rabbiga shacabka Kismaayo ayaa waxa uu amar ku siiyey Ciidamadiisa aan la garanayn in ay Qabtaan Diyaaradahaas, waxaana meesha ka dhacay wax sheeko u noqday noolaha aduunka dul saaran.
Waxay ahaayeen Afar Diyaaradoow, midi kama badbaadin, arintaani waxay mudan tahay in lagu cibro qaato, Quwadda Allaah way wayn tahay, Cidda uu Allaah la jiro lagama adkaado, cidda uu Allaah ka jirana ma guulaysato, .
Diyaaraduhu miyey iska dheceen mise waxaa ridday Quwadda Allaah SWT, miyeysan mudnayn in aynu dul istaagno oo aan ku eegno il wax ku cibro qaadata, in ay Diyaaraduhu wada burburaan sirta ku jirtaayi waa maxay? maxay midi u burburi weyday? maxay labo u burburi waayeen? maxayse Saddex u burburi waayeen? Maxaa kulligood baabbi’iyey sida la xaqiijiyey?
Waxaan is leeyahay Ducadii dadkii la dulmiyey cidlo ma aysan dhicin .. Abtigii Dacwoodayna Allaah SWT wuu aqbaly Dacwadiisii, wuxuuna baabi’iyey Quwaddii doonaysay in ay xasuuq u geystaan Caruur kale oo yar yar iyo waayeel aanan waxba galabsan.
Haday Su’aashu ahayd Kismaayooy maxaa kugu Kaydsan? Jawaabta waxaan leeyahay: Kismaayo waxaa ku Kaydsan Baryada Madluumiinta iyo Munaajoodka Habeenka xiligiisa dambe iyo Falaaraha ay dirayaan Ahlu Tawxiidka la dulmiyey iyo sidoo kale xattaa Bahaa’imta ku nool Kismaayo oo ayaguba helay Xuquuqdii uu Islaamku siiyey.
وَلَا يَزَالُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ تُصِيبُہُم بِمَا صَنَعُواْ قَارِعَةٌ أَوۡ تَحُلُّ قَرِيبً۬ا مِّن دَارِهِمۡ حَتَّىٰ يَأۡتِىَ وَعۡدُ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخۡلِفُ ٱلۡمِيعَادَ
FG: Qormadaan waxaan qoray aniga oo xanuunsan oo caafimaadkaygu uusan taam ahayn, waxaan ka joogi waayey saamaynta ay igu yeelatay Musiibada Diyaaradaha dhacay oo aan mudnayn in ay si sahal ah inagu dhaafto, wixii ka khaldan Qoraalkaas Allaah ayaan weydiisanayaa in uu iga cafiyo, waxaana kaa codsanayaa Akhristow in aad Allaah caafimaad ii weydiisid, Adigana Allaag Hakuu dambi dhaafo, hana naga aqbalo Acmaasheena saalixa ah.
Faarax-Deeq
Abu Maslah