Dowlada Uganda Oo Shaacisay In Diyaaradihii kaga Burburay Kenya Ay Dib Udhac Ku Tahay Duulaanka Ay Ku Soo Qaaday Soomaaliya.

Xili dowlada Yugaandha ay ka burbureen diyaarado dagaal oo ay ugu talagashay iney kula dagaalanto mujaahidiinta Soomaliya, waxey dowladda Uganda ee hogaamineysa duulaanka gardarrada ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya shaacisay in ay dib u eegis ku sameyn doonto kartid

a dagaal ee ciidamadeeda cirku ay kaga qeyb gali karaan dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta Soomaaliya.Wasiirka gaashaan dhigga Uganda General Odongo Jeje ayaa sheegay in halkii ay ka sii abaabuli lahaayeen ciidamo kale oo xagga cirka ah ay la gudboon tahay in tabartooda iyo taagtooda ay dib u eegaan, waxaana uu intaa ku daray in dhabar jab xoogan ay ku noqotay burburka diyaaradaha islamarkaana arintaasi ay dib u dhac u keentay qorshaha ay u dajiyeen duulaanka dalka Muslimka ah ee Soomaaliya , isagoona kula taliyay madaxda dowlada Yugaandha in ay dib u eegaan tabarta dowlada iyo duulaanka Soomaaliya.

Hadalka wasiirka gaashaan dhiga Yugaandha ayaa ku soo aadaya waqti magaalada Kampaala la gaarsiiyay meydadka saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda oo ka mid ahaa kuwii ku halaagsamay burburkii diyaaradaha, iyadoona murugada ku aadan burburka diyaaradaha iyo saraakiisha dolwada Yugaandha kaga halaagsamay laga dareemayo gudaha magaalada Kampaala iyo guud ahaan gobalada dalkaasi.

QORAALKA WAXAA ISKA LEH CALAMADA.COM
SAWIRKANA BANAADIR NEWS ONLINE.
Banaadir Post.