XOG MUHIIM OO LA HELAY : Diyaaradihii Ugandha “Amisom” maqnaa oo dhamaantood burburay iyo meydadka saraakiil gubatay oo la helay.

Kooxda Gurmadka ee dowlada Kenya ayaa goor sii horeysay oo maanta ah Xaqiijisay in labadii diyaaradood ee maqnaa burburkooda laga helay keymaha dalka kuwaas oo gebi ahaanba gubtay islamarkaana ay ku halaagsameen Saraakiishii la socotay iyagoona sheegay in dhamaan dadk

ii saarnaa loo maleynayo in dhamaan ay halkaasi ku dhinteen.Kooxda ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaha oo ahayd Mi-24 ay gebi ahaanba gubatay Islamarkaana halkaasi ay ku dhinteen ku dahwaad 10 sargaal, waxaana ay tilmaameen in burburka diyaaradahaasi laga helay buuraha keymaha ah ee dalka Kenya, Diyaaradda labaad ayaa iyadana lagu waramayaa in galabta burburkeeda laga helay dhulka Keymaha ah.

Qaar ka mid ah Saraakiisha jirkooda oo gubtay ayaa laga helay mid ka mid ah diyaaradaha taas oo la sheegay in uu dab qabsaday ka hor inta aysan burburin waxaana lagu waramayaa in la la’yahay qaar ka mid ah Saraakiishaasi oo loo maleynayo in ay diyaaradda ku dhex gubteen, Jariirada Daily Monitor ayaa xaqiijisay in labo ka mid ah meydadka Saraakiisha la helay kuwa 8 kalena loo maleynayo in ay ku dhex gubteen Diyaaradda gudaheeda.

Arintan ayaa ka dhigan in dhamaan ay burbureen Afartii Diyaaradood ee ka soo ka dhacay dalka Uganda ee ku soo wajahnaa Somalia iyadoona sidoo kale ay halkaasi ku halaagsameen ku dhawaad 30 Abaanduuleyaal Ciidan oo qorsheynayey duulaanka ka dhanka ah dhulka shareecada Islaamka Lagu maamulo.

Dad Badan oo Somali ah ayaa Allah kaga mahadceliyey Musiibada uu ku riday cadowga ku soo duulay Somalia gaar ahaan Musiibada ku habsatay kuwii shirqoolka iyo Markiga u dhigayey Muslimiinta Jubooyinka.

Diyaaradahan oo ah nuuca qumaatiga u kaca ayaa la sheegayaa in ay saarnaayeen 28 sarkaal oo laga soo xulay ciidamada cirka ee dalka Uganda kuwaas oo la damacsanaa in ay gacan ka geystaan duulaanka gardarrada ah ee Afrikantu ku soo qaadeen dalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo dhanka militiriga ah oo uu soo xiganayo wargeyska Daily Monitor ayaa xaqiijiyey in Abaanduuleyaasha la socday diyaaradda dhamaan looga yeeray Magalada Nairobi ay si u dajiyaan qorshihii dagaalka Kismaayo balse Allah ayaa shartooda ka qabtay Muslimiinta Makrigiina iyaga ku celiyey.

Quburo dhanka militiriga ah ayaa sheegay in arintan ay dib u dhac weyn ku tahay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Kenya ee qorsheynayey mudooyinkan duulaan ka dhan ah Magalada Kismaayo waxaana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Abaanduuleyaal lagu waday in ay hogaamiyaan duulaankaasi ay ka mid yihiin waxa halaagsamay.

QORAALKA WAXAA ISKA CALAMADA.COM, SAWIRKANA BANAADIR MEDIA.
Banaadir Post.