War Saxaafadeed ka soo Baxay ururka Midowga Africa oo uu ku saxiixnaa Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Boubacar Diarra ayaa lagu sheegay in Amaanka magalada Muqdisho muddooyinkii la soo dhaafay uu faraha ka sii baxay islamarkaana ay soo kordheen Weerarrada lagu beegsanayo Saraakiisha TFG-da, Mr Boubacar Diarra ayaa sidoo kale sheegay in weerarradu ay isugu jiraan kuwo lagu beegsanayo Saraakiisha dowladda oo si toos ah ay uga dambeyso Xarakada Al Shabaab iyo kuwo kale oo ay geysanayaan maleeshiyaad hubeysan oo TFG-da ka tirsan.
“Magaalada Muqdisho waxaa ku soo kordhay Weerarrada lagu beegsanayo Saraakiisha dowladda, dhawaan waxaa la dilay Yuusuf Cali Osman oo ahaa Mas’uul ka tirsan Wasaarada warfaafinta sidaas darteed waa in dowladdu ay ka hortagtaa howlgalladaasi qorsheysan”ayuu yiri Boubacar Diarra wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Somalia.
Waa markii ugu horreysay ee ay Midowga Afrika qiraan in Caasimadda Muqdisho aaney ka jirin Nabad la’isku halleyn karo tan iyo intii ay Xoogagga Alshabaab faarujiyeen magaalada Muqdisho, waxana hadalkan kasoo baxay Midowga Afrika uu meesha ka saarayaa Sheegashadii Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMGka ah ay ku sheegteen in ay Alshabaab ka sifeeyeen Caasimadda Muqdisho iyo deegaannada ku dhow.
Banaadir Post.