Tiro ka tirsan Dayuuradaha Helikopterka loo yaqaan oo Ugandha ay usoo dirtay Soomaaliya si ay uga dagaallamaan oo la la’yahay.

Helicoptarro laga leeyahay dalka Uganda ayaa lagu waayay iyagoo ku jira hawada dalka Kenya Maalintii shalay ahayd Iyadoo la-la’yahay meel ay Dayuuradahaasi jaan iyo cirib dhigeen, Dayuuradahan oo la doonayey in lagu weeraro qeybo kamid ah Dalka Soomaaliya sida uu sheegay s

argaal ka tirsan ciidamada Milatariga Uganda.
Sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters koox dayuurado Helicoptarro ah ayaa ka soo duulay saldhig magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku yaalla, Dayuuradahaas oo la doonayey in ay kusoo hakadaan magaalada Wajeer si ay shidaal uga sii qaataan Dabadeedna loogu soo weeraro qeybo kaid ah Soomaaliya.
Ciidamada difaaca ee Uganda (UPDF) ayaa sheegay inaysan hayn warar dheeraad ah oo ku saabsan waxa ku dhacay helicoptarradii la filayay inay soo gaaraan magaalada Wajeer.
Illaa iyo imminka lama sheegin tirada saxda ah ee ay helicoptaradan ka koobnaayeen iyo tirada ciidamada saarneydba.
“Baadigoob ayaa soconaya mana garanayno waxa dhabta ah ee dhacay laakiin waan baareynaa waana idiin sheegi doonaa marka aan helno warar faahfaahsan,”ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulayigye.Muslimiinta Somaaliya ayaa Habeenadii lasoo dhaafay Masaajidda ka habaarayay wadamo Afrikaan gaallo ah oo Somaliya kusoo duulay sida Kenya,Itoobiya,Uganda iyo Burundi,Ducada Muslimiinta Somaaliya ayuu Allaah aqbalay iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.