Seddex ka mid ahaa Diyaaradihii Helicopterska ee laweysanaa oo ku bur buray dalka Kenya.

Sedddex ka mid ah dhowr diyaaradood oo Helicopter ah oo ay iska leedahay Dowladda Uganda oo saacadihii ugu dambeeyay lagu weysanaa hawada dalka Kenya ayaa ugu dambeyntii la xaqiijiyay inay bur bureen.

Afhayeenka Ciidamada Melliteriga Kenya Bogita Ongeri waxa uu sheegay in duuliyeyaasha mid ka mid ah Seddex

da diyaaradood uu bad qabo islamarkaana uu xariir lasoo sameeyay Waaxda Saadaasha hawada ee Kenya, wuxuuna sheegay inuu ku suganyahay dhul keyn ah oo ku taalla bartamaha dalka Kenya.“ Duuliyaha ayaa xiriir nala soo sameeyay, wuxuu noo sheegay in isagu uu baq qabo, Cimilada oo aan wanaagsaneyn darted wax gurmad ah oo illaa iyo hadda aagaasi gaaray ma jirto, laakiin waa socda dadaallo ballaaran oo gurmad loogu fidinayo dadka saaran diyaaradaha bur buray” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Deegaanka ay ku bur bureen diyaaradaha Helicopters-ka ee ay iska laheyd Dowladda Uganda, islamarkaana kusii jeeday dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ku yaalla gobollada bartamaha ee dalka Kenya, waana dhul keyn ah oo inta badan ay ka da’aan roobabka, waxaana Saraakiisha qaabilsan saadaasha hawada ay hadda cabsi ka muujinayaan sida ay usuura geli karto gurmad loo fidiyo Askartii la socotay diyaaradaha bur buray.

Muslimiinta Somaaliya ayaa Habeenadii lasoo dhaafay Masaajidda ka habaarayay wadamo Afrikaan gaallo ah oo Somaliya kusoo duulay sida Kenya,Itoobiya,Uganda iyo Burundi,Ducada Muslimiinta Somaaliya ayuu Allaah aqbalay iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Banaadir Post