Ma hilmaami doono Maatida lagu dilay Kismaayo waana arin Murugo leh, waxayna Cadeyn u tahay in Cadawga aanay u kala soocneyn dadka Muslimiinta ah. haddii ay yihiin kuwa Dagaalka kula jira iyo haddii ay yihiin kuwa kale.
Keenyaatiga hadaan la iska dhicin Kibirku uu buuxshay
Kukuyada haddii aan la leyn iyo kuwaas raacsan,
Kamiin iyo hadaan weerar addag lagu karkaar haatin,
kushkushta iyo jooji maayaan kabladiyo qooqe,
Karfantiin Nin tola hayaad kabihiis yeeshaane
kaca fadhiga Soomaaliyeey jihaad u kooreysta.
asigaa Kifaax lagu heli iyo Kaamil Xornima ahe
Waxa aan u xasuusan doonaa sida aan laabta ugu hayno kuwii iyaga la midka ahaa ee horay Shisheeyuhu ugu xasuuqay meelo ay ka mid tahay Muqdisho Alllena waxaan uga rejeynayaa Janadiisa.
Haweenay da’ah iyo laba caruur ah ayaa ku dhintay Duqeyntii Habeen hore ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada hoose dhowr kalena waa ku dhaawameen.
Ficilkaas gurracan waxa uu dhacay wax yar kadib markii Ra’iisal wasaaraha Kenya Ra’ila Odinga Sheegay in ay Weerarayaan Magaalada Kismaayo si ay Gacan ku haynteeda ugala wareegaan Xarakada Shabaabul Mujaahdiin.
Inkastoo Ciidamada Lugta ee Kenya oo Gobalka Jubada hoose iyo Deegaano kale Soomaaliya uga sugan aanay u dhaweyn Kismaayo hadana Kenya Ciidankeeda Badda waxaa u Sahlanaatay in ay Kismaayo Madafiic ku ridaan maadaama ay Xeeb ku taallo.
Ma jirto cid maskaxdeedu fayowdahay oo ku qanceysa in kuwa la dilay iyo kuwa dhaawaca ahi ka tirsanaayeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Marka isweydii adiguba maxaa loo dilay?
Maxay galabsadeen?
Dembiga ay galeen muxuu yahay?
Sideedaba hadaad rabto Geed in aad goyso in aad laamihiisa jarto waxaa kaaga wacan in aad goyso Salkiisa haddii ay kuu suura geleysana waxaa ka sii wanaagsan in aad Xididadiisa hoose siibto.
Laga yaabee hadaad ku ekaato goynta laamaha in kuwo kale uu bixiyo sidaasna uu ku koro, ha yeeshee goynta jiridda hoose waxay ku gelineysaa kal sooni ah in aad la taqalustay.
Sidaas oo kale gaaladu waxa ay Jecel yihiin si ay Muslimiinta u dabar gooyaan ka sokow Dagaalka Ciidamadooda iyo kuwa Muslimiinta ah dhex mara in ay laayaan Caruurta soo koreysa Maxaa yeelay Ubadku waa hogaanki iyo Askeri Mustaqbalka waxaanuu Carqalad ku noqo karaa Jiilka Dambe ee Kufaarta.
Haweenka Muslimiintu waa hooyooyinkii Dhallaankaas iyo kuwii barbaarinayay.
Qaarkood ayaa laga yaabaa in ay yihiin Xaasaska Ragga dabka sitta ama Hubeysan ee Muslimiinta ah hadafkooduna yahay in ay Jihaadaan oo Dalkooda Diintooda iyo Dadkooda difaacdaan.
Sidaas aawgeed Cirib go’id lagu sameeyo Dumarka iyo Caruurta Muslimiinta,bah Gaalo Faa’iido weyn ayay u tahay.
Laga yaabee in ay jiraan dad badan oo ay la tahay ama lagu qaldo in Dililka Maatida loo geystaa aanay ahayn ku tala gal laakiin
xaqiiqadu waxa ay tahay in si bareer ah loo beegsado.
Waxaanu marqaati ka ahayn duqeyn iyo rasaaseyn si ula kac ah loogu geystay Shacab badan hadana lagu tilmaamay askar iyo madax in goobahaas lagu dilay.
Waxaa Xusid Mudan Tusaalena noogu filin in Waqtiyo badan aanu goob joog u ahayn Xasuuq lagula kaco dad Marras ah kadibna Gaaladu Warbaahinta ka sheegaan in ay ugaarsadeen Muslimiin Xag jir ah ah ama Argagaxiso ah oo ay ula jeedaan Mujaahdiinta.
Dib aanu u Xasuusana taariikh aan fogeyne Sanadkii hore ee 2011 Kenya waxa ay ay diyaaradeheeda Dagaalku Duqeeyeen Xero Dad Barakaca ahu degan yihiin oo ku Taalla Magaalada Jilib ee Dalkeenna Soomaaliya.
Duqeyntaas oo dhacday waxyar kadib markii ay Duulaanka Dhulka ah soo qaadeen Ciidamadeeda Lugta waxaa ku dhintay dhowr ruux oo ka mid ahaa Barakacayaasha in ka badan afartanna waa ku dhaawacmeen.
Kenya markaas waxa ay sheegtay in ay weerarkaas ku dishay Saraakiil Alshabaab ah oo oo Bartilmaameed u ahaa waxaanay ku andacootay in aanay daadin dhiigga dad shacab ah.
Sidoo kale Bishii December 2011 duqeyn ay ka geysteen Diyaaradaha Dagaalka Kena Tuulada Hosingow ee Gobalka Jubada hoose in ka badan 15 shacab ah ayaa ku dhintay tira kale oo intaas ka badan waa ku dhaawacmeen Waqtigaasna waxay ku dooday Kenya in ay dishay 17 ruux oo Alshabaab ah.
Tani cadeyn ugu filan kuwa qaba aragtida ah in Dagaalka Maanta Dunida ka socda ee u dhexeeya Muslimiinta iyo Gaalada qolooyin gooni ah ku wajahan yahay.
Tusaalooyin kale Muqdisho Markii Itoobiyaanku Xasuuqa ka wadeen 2007-dii iyo 2008-dii dadka la laynayay oo Madaafiicda Casriga ah lagu Garaacayay waxa ay ahaayeeen Maati, sidaas oo kale isla sanadkaas 2007-dii ilaa 2011 askarta Uganda iyo Burundi Xasuuqii ay Muqdisho ka geysteen dad lagu laynayay waxa ay ahayeen dad shacab ah oo u badan Caruur haween iyo rag isugu jiro odayaal iyo dhalinyaro.
kuwaasi miyay askar ahaayeen?
maxaa loo dilayay?
Afhayeenadii isaga dambeeyay ciidamada Uganada iyo Burundi iyo saraakiisha Dowladda Itoobiya hadaladoodu waxa ay ahayeen in ay xagjriin laayeen
Ficiladaas iyo wararka la daba dhigayba waxa ay Muujinayaan in Gaalada Cidkasta oo Muslim ah ay uga dhigan tahay kan kale ee Muslimka ah ee xabadda u watta,
Hadaan u soo noqdo Kismaayo Kenya Ciidamadeedu sababaha ay u duqynayaan marka laga soo tago Cadawtooyadaas guud ee Muslimiinta ay u qabaan waxa ay doonayaan in ay dadka ku argagax geliyaan diryaanka Madaafiicda iyo geerida iyo dhaawaca si looga barakaco inta soo hartana u noqdaan dad is dhiibay baqdin aawgeed.
Hadafka Kenya wuxuu yahay ugu yaraan in sida Dhulka NFD loo yaqaan ay u qaadatay oo kale u hanato Gobalkada Jubada hoose, Jubada dhexe, iyo Gedo, ee Soomaaliya ka tirsan Kismaayona waa Magaalo Deked weyn leh oo Dhulkaas ugu dhaqaale badan.
Ku dhawaad sanad hadafkeedi in ay Kismaayo gaartoahaa markii kismaayo ahaa markuu dhaqan geli waayay rag badana laga dilay Hubna laga furtay gaadiid dagaalna laga gubay iminka weerarkeedaan dhanka Badda ah waxa uu u muuqdaa qorshe Caal waay ah.
Dagaalka Xaduud Beeenaadka Keny ay kasoo bilowday October 2011-kii wuxuu ahaa mid qar iska Tuurnimo ah dad badan ayaana horay ugu digay weyna maqli weysay.
Markaan Xaalada qeymeeyo waxa ay iila muuqataa in ay sahlan tahay markaan in aanu soo furano Dhulka NFD loo yaqaan iska daa in nalaka Hantiyo midka iminka aanu ahysano oo Kismooyo ku jirto ee Insha Allaah.
Laga yaabee in qaarkiin aad ii aragtaan Nin riyoonaya maadaama Kenya ay tahay Dowlad Ciidamadeedu dhisan yihiin inaguna Muddo Burbursanayn Dowladda Iminka Soomaaliya magaceeeda ku Meel martana shaqadeeda ugu weynu tahay in ay soo dhaweyso Cadaw kasta oo nagu soo duula iyadoo ragga madaxda ka ahu ku bedesheen taas Xilalka Maalintii la doono laga qaadayo iyo Sandareertada ama Dhaqaalaha yar ee ay Shisheeyaha ka helaan.
Niyadeena waa in aan Sare u qaadnaa Allena ku xirnaano,taas ayaa ah rejadeyda ugu weyn ee i tuseysa in aanu guuleysanayno Insah Allaah.
Intaa waxaa xigta Haddii Soomaalida waayadaan aad ku aragteen dabadhilifyo Xad dhaaf ah oo adeege u ah Gumeystaha, geesta kale waa in aanu fiirinaa Mujaahidiinta wadaniyiinta ah iyo Shacabka is kaashanaya ee Hoyaad iyo harsiino u diiday ciidamada Shisheeyaha Duulaanka noogu yimid sida askarta Kenya, kuwa Uganda, kuwa Kuwa Burundi iyo kuwa Itoobiya.
Waxaan Niyadda ku haynaa Jabkii Itoobiya ku qabsay Muqdisho iyo Gobalada kale ee Dalka Soomaaliya qaarkood taasoo Keentay in ay in ay bilowgii Sanadkii 2009-ki Dalkeenna ka baxaan iyadoo Xabaddu ka sii daba dhaceysay ilaa Xaduud Beenaadka ay ka gaareen.
Maanta Waqtigaas Mujaahdiinta kama tira iyo tayo yara hadaanay ka badnayn, Garabka Shacabka Soomaaliyeedna yaanuuba ahaan sidii la rabay oo dhan ee waa mid taag leh taasuna waxa ay kor u qaadeysaa fikridda ah in aanu Maalin gaareyno Dalka iyo dadkoo wada xor ah insha Allah
Walaalaha Kenya Waqtiga dheer Gumeysanaysay Runtii iyaga ayaa si dhab ah u dhedhemiyay waxa aan ka Carareyno oo ah in Kukuyo iyo Kheyrkeed aanu adoomo u noqono sidaaa aawgeed waxaa la gudboon in ay dabka qaataan, waxaana la gaaray Xilligii ay iska rogi lahaydeen Heeryada Gumeystaha.
Tani waa Fursad Albaabka idiin soo garaacday ayna tahay in aad ka faa’iideysataan si aad Gaalo uga hoos baxdaan dibna aad ugula midowdaan walaalhiina Soomaaaliyeed ee Muslimiinta ah.
Sidaas oo kale waxa ay la gudboon tahay Soomaalida kale ee isha ka eeganaysa Dalkoodu oo la boobayo, qaarkoodna laga yaabo in Duulaanka Shisheeyuhu la saxan yahay lagana dhaadhicyay Fikirka Cadawga ee ah qeybi oo Xukun Runna u qaatay Kelmedda laga celceliyay ee ah Shabaab ayaanu la Dagaalmeynaa.
Warkeyga waxaan k gaba gebeynayaa Tudacyadaan oo bilow u ah Maanso aan qorsheynayo in aan dhawaan soo saaro haddii Alle yirhaado.
Keenyaatiga hadaan la iska dhicin kibirku uu buuxshay
kukuyada haddii aan la leyn iyo kuwaas raacsan,
kamiin iyo hadaan weerar addag lagu karkaar haatin,
kushkushta iyo jooji maayaan kabladiyo qooqe,
Karfantiin Nin tola hayaad kabihiis yeeshaane
kaca Soomaaliyeey oo jihaad u kooreysta.
asigaa kifaax lagu heli iyo Kaamil Xornima ahe
W/Q: Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi Soomaali)
Cabdulaahisomali@hotmail.com