(Daawo) Guddoomiye Shariif Xassan Sheekh Aadan oo u hanjabaya Wasiirka Dastuurka DKMGka kuna yiri hadal adag“Shahaaddooyinka aad dadka ku xujeyneyso Suuqeey yaallaan oo laga soo iibinayaa ee ma’adigaa diidi kara”!!.

Video lasoo dhigay Barta Youtubka ayaa muujinaya Dood kulul oo dhexmareysa Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Dastuurka DKMGka ah C/raxmaan Xoosh iyaga oo ka doodayay Shahaaddooyinka dugsiga sare ee lagu Xiray Xilidhibaannada Baarlammaanka KMGka ah kamid noqonaya.

Videoga ayaa waxa ka muuqanaya Shariif Xassan Sheekh Aadan oo oranaya “Shahaaddooyinka Suuqey dhooban yihiin waana la soo iibinayaa ee ciddii diidi lahayd baan rabaa, War ma’adigaa diidi kara oo ku dhaca”, Waxana uu Shariif Xassan sida muuqata u gooddinayaa C/Raxmaan Xoosh oo u sheegay in Shahaaddo la’aan aanan waxba la’aqbali karin.

HOOS KA DAAWO FADEEXADDA.

Banaadir Post