Dagaal Ooge Salaad Cali Jelle iyo Cali Maxamed Geedi ayaa caawa si isku mid ah ugu dhawaaqay in ay yihiin murashixin utaagan xilka
hogaaminta DKMG ah oo lafilayo in dhawaan isbedel lagu sameeyo.
Salaad Cali Jelle oo caan ku ah hogaamintii uu ciidanka Xabashida kusoo hogaamiyay Muqdisho ayaa markale doonaya in uu kasoo dhaxmuuqdo arrimaha siyaasadda.
Isagoo caawa saxaafadda Muqdisho khadka taleefanka kula hadlayay ayuu sheegay in uu go’aansaday in uu isisoo sharaxo kadib markii uu arkay in qurba joog dibadda ka yimid ay madaxtinimo isku rabaan.
“Haddii Yuusuf Garaad uu siyaasadda soo galay oo uu Madaxweyne rabo anagoo odayaashii siyaasadda ah xaan qabeynaa waa in aan isisoo sharaxnaa”ayuu yiri Salaad Cali Jelle.Cali Maxamed Geedi oo horay u ahaay R/wasaaraha DKMG ah xiligii Cabdullaahi Yuusuf ayaa isna sheegay in uu yahay murashax doonaya in madaxweyne loo doorto.
Yuusuf Garaad iyo Indhacadde ayaa iyana lafilayaa in ay dhawaan shaaciyaan murashaxnimadooda, magaalada Muqdisho waxaa ku sugan siyaasiyiin dabadhilifyo khuwana ah oo mid walba uu rabo in uu gaalada caalamka u buusho booska shariif Sheekh Axmed.

QORAALKA WAXAA ISKA LEH AMIIRNUUR MEDIA,SAWIRKANA WAXAA ISKA LEH BANAADIR MEDIA.
Banaadir Post.