Daawo Sawiradii Shuhadadii ay Xalay Kenya Xasuuqday Xilligii ay Afurayeen,Muuqaalo naxdin leh,

Waxaa hadda na soo gaaray  Sawiradii Shuhadadii Xalay ay Ciidanka Maato-layska ah ee Kenya ku gumaadeen magaalada Kismaayo oo Caruur ah iyo Hooyadood,xilli  cadowga Kenya uu sheeganayo in ay beegsadeen saldhigyada Mujaahidiinta.

Kenya ayaa adeegsata duqaymo ay la beegsato Xeryaha Qaxootiga iyo goobaha shacabku degan yahay ka dibna waxaa ay tilmaantaa inay Saldhigyo Millatari Weerartay hadaba in Caruur yar yar iyo hooyadood ay yihiin Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta iyo in guryaha xaafadaha dhexdooda ku yaal la duqeeyo lana laayo dadkii deganaa, waxaan filayaa in qof walaba oo caqli leh, damiir Islaanimana leh uu fahmay halka xaal marayo.

Waxaa kaloo Iswaydiin ragii dhiig-karka isku ridayay markii kaniisadaha lagu laayay gaalada ayagana waxaa looga fadhiyaa waxa ay ku hadlaan mise Kenya xasuuqeeda shacabka Soomaaliyeed waa ay is difaacaysaa????????.

Sawirkaan waa Shahiid 11 Sano Jir ah Maxaa ay Kenya u dishay Ma Sarkaal Alshabaab ah baa

Shahiidka Magaciisu waa Xuseen  Barre Dhuuman, dad’diisuna waa 11 Jir

Waxaa ceeb ah in dad Soomaanaa oo Muslimiin ah in Gantaalo lagu afursiiyo , hadana la  yiraahdo Saraakiil Alshabaab ah baan dilnay, tan kale cadowga garanay oo waab rag aan is hayno, laakiin in qof Muslim ah oo hadana Soomaali ah in uu fahmi waayo arinkaas waa nasiib daro .

Allaah waxaan uga baryaynaa in dadkii shahiiday uu ka aqbalo Shahaadadooda kuwa dhaawacana uu bogsiiyo, ehaladoodana Samir iyo iimaan ku siiyo.

Sida looga bartayna warbaahinta cadowga ayaa iska indha tirta xaqiiqada, laakin warbaahinta Islaamiga ah ayaa soo bandhigaysa xaqiiqada wixii dhacay, si adduunka oo dhan uu indhihiisa ugu arko sheegashooyinka beenta ah ee cadowga iyo gumaadka ka dhanka ah maatida.

Waxaa kaloo Xaqiiqada ku hor kufaya Hay’addaha sheegta Xuquuqul Insaanka ee  Marka Xasuuqa loo gaysanayo Muslimiinta Soomaaliyeed aanan maranaba ka hadal, kani ma ahan Xasuuqii ugu horeeyay ee Ciidanaka Maato-layska ee Kenya uu gaystay , waxaana uu Xasuuq ka gaystay Jilib,Hoosingoow,Kismaayo,Faafaxdhuun, Taraako iyo deegnada Baadiyaha ee Gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Waxaase ah wax aad looga yaq-yaqsado ah in Warbaahin sheeganaysa Soomaalinimo ay u sacaba tunto Xasuuqa dadkooda iyo dhulkooda loo gaysanayo oo waliba dad Saa’imiin ah oo Muslim ah  Afurayeen guryahoodi lagu dhex gumaaday.

Kenya hadey Alshabaab la dagaalamayso waa kuwaas dhufaysyadooda dul fadhiyee may iska celiso oo har iyo hoyaad u diidayee ,mise maatada un bay Kenya ka adag tahay.

Daawo Sawiradaan Muragada Xanbaarsan Waa Islaaamaah

Shahiidkaana waxaa uu la dhashay Shahiidka Kale Toloow Ma Sarkaal kalaa

Shahiidkaan Magaciisu  waa Xareed Barre Dhuuman Da’diisu waa 14Sano jir

Toloow  Gurigaan Ma Taliskii  Saladhigyada ay Kenya Duqaysay baa ? Ishaa kuu Macalin ah

Madaafiic aanan Qarxin Allaah Fadligiis hadii ay Qarxi lahaayeena dhibku intaan waa ka sii badnaan lahaa

Halkaan ka dhagayso Gabaygii Xasuuq ee uu Tiriyay Abwaan  Cabdulaahi Soomaali Allaha Dhawree

Sawiradaan waxaann u soo bandhignay in Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ay arkaan Xasuuqa iyo Saqiiro gowraca ay Kenya ka wado Gobalada Jubooyinka iyo Gedo, Toloow Shacabka Soomaaliyeed ma ka damqan doonaa oo inta ka dhiidhyo fadhiga maka kici doonaa, Toloow Umal inta is xanaajiyo Jimcada soo socota Sigiska ma ka istaagi doonaa oo xasuuqaan ma ka hadli doonaa????.

Sawiradii Xasuuqa waa Kuwaasaa Kenya maxay ku andacoon doontaa? Hay’adihii Xuquuqul Insaanka Sheegan jiray ma dhaqaaqi doonaan? Gollaha amaanku ma ka fadhiisan doonaa? Jawaabta waxaan filayaa inaan ka wada dharagsanahay.

Shabakadda Islaamiga ee AmiirNuur Media dhexdhaxaad kama noqan karto Xasuuqa Shacabkayaga iyo qabsashada dhulkayaga, waxaanu garab taaganahay dadkayaga, dalkayaga iyo diintayada, kana suuli mayno inaan cadowgo fadeexeyno intii karaankayaga ah.