Xaqqa oo la Daboolo miyaa Danbi ah mise Qowlka culimmada oo la soo xigto? Faallo: W/Q;Ustaad C/risaaq Macalim

Ka dib markii dhawaan Sheikh Xasaan Xuseen Aadan (Abuu Salmaan) uu jeediyay muxaadarooyin uu kaga hadlay0 khaladaadka Ururka Al-ictisaam, islamarkaana uu qorray Risaalooyin dhowr ah oo si ay balaaqo ku dheehan tahay ugaga jawaab celinayay su’aallo is bar-baryaac ah iyo eedeeymo badan oo kaga imaanayay dhanka wadaado ka tirsan Ururkaasi ayaa qaar k amid ah Shabakadaha iyo shakhsiyaadka taageera wadaadada ku guuldareystay inay qaataan mowqif cad oo ay kaga hor imaanayaan Dastuurka baadilka ah ee ay gaaladu horboodayso kuna doonayso in ey ku afgambiso shacabka Soomaaliyeed iyo Shareecada islaamka waxay bilaabeen iney baahiyaan qorraallo ay sheekha ku xag-xag xaganayaan iyagoo ka xasdaya cilmiga iyo fahamka Rabbi ku manaystay, islamarkaana ku sifeeyeen inuu yahay nin cullimada kale warkooda uun soo guuriya (Naqliya) ama soo kala googooya .

Haddabo su’aashu waxay tahay maxaa la gudboon qofka ka hadlaya mowduuc Diini ah?

Waxaan doodi ka taagnayn in qof kasta oo fatwoonaya amaba mas’allo diini ah sheegaya laga doonayo;

1. In uu Qur’aanka ka milicsado aayad amaba aayado ka hadlaya arinka uu ka waramayo

2. Haddii uu taasi waayo inuu hello Axaadiith sugan oo si toos mowduucaasi ugu soo aruurtay

3. Haddii uu taasina haleeli waayo waa inuu fiiriya Ijmaaca amabo aqwaasha culimmadda ee arinkaasi qeexaya si uu qowlkiisa ugu ayido .

Sidaasi daraadeed waxuu qofkaasi noqonayaa Qof aysan hadaladiisu marnaba ka madhnaani Karin saddexdaasi arimood ee aan soo sheegay midkoodna, waxaase dhici karta mararka qaarkood qofku inuu ku waafaqo qowl uu Sheikh hore lahaa isagoon ogayn maadaama ay isku mowduuc kawada hadlayeen, fahamka banii-aadamkuna iska wada ag-dhow yahay.

aasi owgeed marka la yidhaahdo waxuu sheegay hadal hore uun waxay noqonaysaa xaqiraad iyo xasidnimo , waana arin ay ku caan baxeen gaalladii iyo munaafaqiintii joogay casrigii suubanaha (N.N.K.H) oo iyagu marka waxyigu soo dego odhan jiray waa sheekooyinkii dadkii hore, waa hadallo banii-aadamku leeyahay, waa mid waalan oo wax labar-barayo, waa been abuur ay qoom kale ugu kaalmeeyeen iyo erayo kaloo badan.

Dhanka kale marka la eeggo cilmiga Banii-aadamka (Dunyawiga) waxaa layku raacsan yahay shakhsi kasta oo daraasaad sameeynaya inuu ku qasban yahay sameeynta baadhitaan la xidhiidha waxii hore looga yidhi mowduuca uu daraaseeynayo taasoo loo yaqaano raad-raa c(Refference) islamarkaana waxuu xaq uleeyahay inuu sameeyo xigasho (quotation) waxaana jira saddex hab oo wax loo soo xigto marka wax la qorrayo waxayna kala yihiin:-

1. Direct Quotation:- (Xigasho toos ah) Taas oo ah in aad eray-eray ama weedho dhowr ah ka soo qaadatid qorraal hore adigoo akhristayaasha toos ugu muujinaya magaca iyo macluumaadka cidda aad wax ka soo xiganaysid.

2. Paraphrase:- Tanina waa hab kale oo adigoon si toos ah usoo wada xiganin erayadii uu qofkaasi isticmaalay aad ku dhex-dersanaysid erayo adiga kuu gaar ah islamarkaana waxaad xaq siinaysaa qorraaga hore, waxaa kaloo la odhan karaa Re-statement (dib –uwaadixin) oo waxaad halkaas ka soo dhalaalinaysaa macno u dhigmo kii qorraagu sheegay oo adiga kuu gaar ah si fahamka aad ugu soo dhaweyso, waxaadna moodaa qolyahaasi inayna habkaan wax badan ka fahamsanayn iyagoo ku dooda in qorraal ama haddal lasoo kala jar-jaray (ogoow weedha aad soo xiganaysid haddii ay afar tuduc ka badato waxaad xaq uleedahay inaad soo badh qaadatid)

3. Mixed quotation:- oo ah hab isku dhafan oo ka kooban labaddii hab ee hore.

Inta badan marka xigasho la sameeynayana waxaa lagama maarmaan ah in la isticmaalo astaamaha qorraalka gaar ahaan kuwa ku shaqada leh nidaamka xigashada sida: Quotation marka, colon ama semi colon, waxaana taasi aad u garan kara dadka bartay cilmiga luuqadaha (linguistic) ee af-yaqaanada ah, marka sideey u difaacayaan wadaadada Al-Ictisaam oo marka laysku soo duuduubo la odhan karo waxay ku kaceen labbo danbi oo waawayn kuwaas oo kala ah:

1. Isku qasid ay isku badhxeen Xaqqii (Shareecada Islaamka) iyo Baadilka (Dastuurka Gaalada) ayagoo leh isma diidayaan oo waa lays waafajiyay inkastoo lawada ogaa waxa ku qorran Dastuurkaasi sida ayna marnaba Diinta islaamka u waafaqeynin arintaasoo ah danbi culus ilaahayna (SWT) waxuu Qur’aankiisa ku leeyahay aayada 41aad ee Suuratul-Baqarah:-

وَلَا تَلۡبِسُواْ ٱلۡحَقَّ بِٱلۡبَـٰطِلِ وَتَكۡتُمُواْ ٱلۡحَقَّ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ 

2. Cadayn la’aan iyo qarrin ay ummada isku dayeen iney ka qariyaan cilmigii Rabbi ugu deeqay arintaasi ciddii sameysana waxaa ku soo arooray waciid adag

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡتُمُونَ مَآ أَنزَلۡنَا مِنَ ٱلۡبَيِّنَـٰتِ وَٱلۡهُدَىٰ مِنۢ بَعۡدِ مَا بَيَّنَّـٰهُ لِلنَّاسِ فِى ٱلۡكِتَـٰبِ‌ۙ أُوْلَـٰٓٮِٕكَ يَلۡعَنُہُمُ ٱللَّهُ وَيَلۡعَنُہُمُ ٱللَّـٰعِنُونَ

Shaki kuma jiro in wadaadadaani ay og yihiin cawaaqib xumada iyo diin darida ka dhalan karta, waxaan xukunka ilaahay ahayn oo lagu kala baxo, mar ay gaaladu damceen inay suubanaha (N.N.K.H) iyo asxaabtiisa shaki iyo ibhaam galiyaan iyagoo leh aan u tagno cid nakala bixisa keena qaldan annaga iyo adinka ayaa ilaahay (SWT) soo dajiyay aayadahaan ku jirta suuratul an-caam

أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَبۡتَغِى حَكَمً۬ا وَهُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ إِلَيۡڪُمُ ٱلۡكِتَـٰبَ مُفَصَّلاً۬‌ۚ وَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَـٰهُمُ ٱلۡكِتَـٰبَ يَعۡلَمُونَ أَنَّهُ ۥ مُنَزَّلٌ۬ مِّن رَّبِّكَ بِٱلۡحَقِّ‌ۖ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ

Waxaana halkaasi laga qaadanayaa sida ayna qadiyadaasi marnaba gor-gortan iyo maslaxo ku raadis toona u galaynin, marka waxaa cad in cidda danbigga ku jirtaa ay tahay raga culimmada ah ee taageeray amaba ka gaabsaday arintaan maanta laysku haysto ee ah xaqnimada jihaadka ka socda Soomaaliya iyo meelo badan oo caalamka ka mid ah iyo Baadilnimada Dastuurkan gaaladu wadato, mar-marsiinyana manoqonayso in layidhaahdo ciddii xaqqa cadysaba cilmi malahan iyo culimay wax ka soo xigtaan .
Ugu dambeyn waxaan hadalkaygan ku soo afmeerayaa dhowr beyd oo kamid ah gabaygii dar-daaranka ahaa ee uu Sayid Maxamed C/le Xasan (A.U.N) tiriyay markii ay gaaladu ku weeraraysid Diyaaraha islamarkaana rag Soomaaliyeed ay ku baga-bagaysanayeen waxuuna yidhi;Markay duushay gaaladu-anaa daabadu uranine

Goorteey dareereen anaan –diiradu uqabane

Anigaan dariiqiyo wadada-dowga sii marine

Anaan dooro weeynoow kufiga daacadna ugaline

Faranjiga dileyska leh anaan-duud xamaal unoqone

Doofaarka ayga ah –anaan daarihiis galine

Anigaan dilaalkiyo ardiga –duubiga uxidhane

Anigaan dariiqada alliyo-diinta caasiyine

Dadoow maqal dabuubtaan ku idhi-ama dow haw yeelan

Ama dhaha darooryiba jiryayedoxorku yeelkiisa

Nin ragay dar-daaran utahay –doqon hamoogaado

Dawo lagama hello gaal hadaad –daawo dhigataane

Waa idin dagaayaa kufriga-aad udabceysaane

Dirhamkuu idiin qubahayaad-dib u go’aysaane

Marka hore dabkuu idinka dhigi-dumar sidiisiiye

Marka xiggana dabaqada yuu dareensiine

Marka xiga dalkuu idinku oran –duunyo dhaafsadeye

Marka xiga dushuu idinka rarai-sida dameerkiiye

Mar haddan dushii adari iyo-iimey dacal dhaafay

Maxaad igaga digataan-berruu siin lasoo degiye

W/Q:ustaad C/risaaq Macalim E-mail: -muftisare@gmail.com