Waxaa jira Kaamam aad u faro badan oo kuyaala magaalada Muqdisho waxaa Kaam kasta uu leeyahay horjeege gacanta ku haya maamulkiisa lagana yaabo in xoogaaga loogu dhiibo uu san si daacad ah u siin, waxaa hada ku soo siyaaday in Musharaxiinta qaar ka mid ah ay lacago siiyaan horjoogayaasha Kaamamka si ay uga qayb qaataan dadka Barakacayaasha ah soo dhaweynta musharaxaas ama ka qayb qaataan mudaaharaadyo aan sharci ahayn taas oo sababi karta in ay ka dhashaan iska hor imaadyo dhiig ku daato sida kii u danbeeyey oo 8 bishaan ka dhacay Fagaaraha Sayidka ayna ku nafwaayeen laba katirsan Barakacayaasha kadib markii rasaas laysku furay.
Dadka Barakacayasha malahan ikhtiyaar ay wax ku diidi karaan hadii ay ka dhago adaygaana amarada dhaqaalo doonka ah ee la dul dhigayo waxaa loo jeediyaa hanjabaadyo saamayn ku yeelan kara noloshooda sida in laga saarayo Kaamka lagana jarayo cuntada laga siiyo Kaamka, dadkaa masaakiinta ah waxaa la siiyaa lacag yar marka ay ka qayb qaadanayaan mudaaharaadka ayadoo lacagta inteeda badana ay qaataan nimanka horjoogayaasha ka ah Kaamamka, sababtoo ah waa adag tahay in magaalada Muqdisho aad hesho dad faro badan oo diyaarsan oo ka qaybqaata mudaaharaad ama taageera fikirkaaga.
Farmaajo aya yaqaan habka oo isticmaalo Tarsan wuxuu ka bartay markii Raiisulwaasaaraha ka ahaa Moqdisho wuxuu hab hore loo isticmaali jiray!
farmaajo lacago ku bixiyay in loo soo bixiyo dadka qaxootiga ah ka dibna waxaa rasaas ku furay maleeshiyaadka Shariifka.
Banaadir Post.