Qilaaf ba’an oo soo kala dhexgalay Madaxweyne Shariif iyo Ra’isulwasaare Gaas, Iyo Tuulooyin uu Madaxweynuhu Degmooyin ka dhigay oo Ra’isulwasaaruhu ku gacanseyray.

R/wasaaraha DKMG ah Cabdi Wali Maxamed Gaas ayaa kasoo horjeestay wareegtooyin isdaba joog ah oo shalay iyo maanta kasoo baxayay xafiiska Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Waxana Cabdi Weli Gaas oo kulan deg deg ah kula qaatay golaha wasiirada ee DKMG ah Xaruntiisa uu sheegay in wareegtooyinka soo baxay ay yihiin kuwo fowda ah oo ladoonayo in sumcad looga raadsado Beelaha Somaaliyeed.

“Golaha wasiiradu waxay isku raaceen in aanay sharci aheyn Degmooyinka lamagacaabay wixii ka dambeeyay bishii July waxaana u aragnaa fowdo iyo khalkhal gelin qaran”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Cabdi Wali Gaas.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa kadib markii Madaxweynaha DKMG ah uu shalay degmooyin u magacaabay tuulooyin dhaca gobolka Shabeelaha dhexe oo Beeshiisu ay degto isagoona maanta tuulooyin kale oo ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool degmooyin u aqoonsaday.

Haddaba Qilaafkan iyo Dabaaqtankan cusub ee u dhexeeya Shariif iyo Gaas ayaa waxa laga yaabaa inuu sii fogaado oo uu gaaro heer aad u xun, Iyadoo labadooduba ay haatan iska dhisayaan dhanka Beelahooda Maadaama uu Mugdi sii galayo soo noqodkooda.