Waxanu kusoo jirnay qoraaladii taxana ahaa ee aanu diirada ku saaraynay kooxda Al-ictisaam ee waayahan dambe ku caan baxday inay middabo baddan diinta u yeelaan si waafaqsan siyaasadda kooxdooda. Qoraalkan waxan uga hadli doonaa inshallah qiso yar oo na dhex martay aniga iyo Al-ictisaam intii aanu ku jirnay halgankii wadanka looga xoreynayay gumaysigii xabishida.
Kadib markan kasoo laabtay magaalada Asmara ee carigga Eretria halkas oo lagu yagleeyay xisbigii dib uxoreynta Soomaaliya ee uu hogaaminayay shariif sheikh axmed waxa fariin iisoo dhiibay walaalihii aanu wada joognay Asmara si qof kasta wadanka uu ka yimid uu shacabka ugu baraarujiyo ka qayb qaadashada xoreynta dalka gaar ahaan dhaqaalada oo markaas aad loogu baahnaa. Waxa dhacday in aan la kulmay dhamaan gudigii masjidka oo wada ahaa Al-ictisaam waxana kulankas ku jiray Sheekh cabdiraxmaan Abyad, gudoomiyihii masjidka, kii maaliyada, iyo kuwii dacwada intaba.
Waxaanu wada galnay shir albaabadu u xiran yihiin waxana walalaha ka codsaday in ay ii fasaxan inan warbixinta aan ka waday Asmara u gudbiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u ogaadaan halka uu wax marayo iyo waxa soo qabsoomay. Waxa hadlay marka hore nin ka mid ah qoladii al-ictisaam waxa uuna igu yiri waxanu kaa rabnaa inaad noo sheegtid waxa aad dadka u sheegaysid marka hore!!! Aad baan ula yaabay arintaas ay isku wad raaceen Al-ictisaam iyo waliba wadaadkii cilmiga aan ku tuhunsanaa oo iska aamusan meeshana fadhiya!.
Waxan ku iri walaalow aniga waad I taqaanan xumaan ma wado, wax kale oo diinta kasoo horjeedana ma wado maxaad sidii qoladii askarta waraysi iiga qaadaysaan maad ii ogolaatan ama ii diidaan.
Si kastaba ha ahaatee dantaada ayaa maqaar ey loogu seexdaa, waayo waxa aniga arintas iiga waynayd iguna taagnayd fariintii Asmara aan ka waday iyo in waqti uusan jirin loona baahan yahay in la xoojiyo dhaqdhaqaadii xornima doonka ee ka socda caasima Soomaaliya.
Waxan bilaabay inaan ku dul akhriyo wixii aan macluumaad hayay si bal ay u arkaan in arinkani uusan wax kale ku jirin ee ay tahay kaliya fariin ka timid walaalihii joogay Asmara, markii aan dhameeyay wixii macluumaadka ahaa ayaa waxa laigu yiri inshallah iska tag anagaa kuusoo jawaabi doonee!!!
Waxan sugaba asbuuc oo aan dhex meeraysto masjidka ragiina waydiiyo goormaan hadli doonaa ayaa waxa laiisoo diray nin ka mid ahaa gacan yarihii Al-ictisaam waxana uu ii sheegay jawaabtan ( WAANU KA XUNAHAY KUUMA OGOLAAN KARNO INAAD WARBIXINTAN GUDBISO.)
Aniga oo aad ula yaaban arintii ayaan iska aamusay waxana magaalada ka raadsaday meel aan dadka ku kulmiyo si bal aan amaanada isaga rido ugana warbixiyo in arintaasi igu dhacday.
Waxan soo kireeyay meel wayn oo loogu talo galay shirarka waxana Allah fadligiis isugu yimid dad badan oon u sheegay asbuuc ka hor waxa xiligaas ii balansanaa xagga taleefonka dhawr wadaad oo ay ka mid ahaayeen culimadii hogaaminaysay shacabka Soomalaiyeed.
Waqtigii markii la gaaray ayaan garaacay taleefonkii mid kamid ah Culimadii waa BUSY! Waxan garaacay kii ku xigay waa BUSY! Waxan garaacay kii ku xigay waa BUSY! Cajiib war tolow xagee la iga haystaa side bay sadexda culimo BUSY u noqdeen.
Waxan sugaba waxa isoo wacay nin aanu is naqaanay oo joogay masjidkii Soomaaliga wuxuuna ii sheegay in sadexdii wadaadba ay toos ugu xiran yihiin masjidka dadkiina ay dhaqaysanayaan !!!!!!! ALLAHU MUSTACAAN.
Abul cataahiyah RAximahullah waxa uu yiri
أما والله إن الظلم شـؤم* وما زال المسيء هو الظلوم
ستعلم في الحساب إذا التقينا* غداً عند المليك من الظلوم
إلى الديان يوم الدين نمضي* وعند الله تجتمع الخصوم
Arintii markii ay soo dhamaatay ee masjidka ayaan wadaadadii isqabsanay waxayna ii sheegeen in ay la ahayd in raggan iyo anigaba iskumeel joognay saas darteedna waxayba u haysteen inaan arinta aniga wado, arintii waxba kama soo qaadin oo ikhlaas dartiis baan isaga daayay mana sii wadwadin. Intaas kadib waxa dhacday in ragii uu kamid ahaa shariif iyo asxaabtiisiiba ay ka goosteen Asmara oo ay naga falaagoobeen gaaladiina u galeen si ay mansib ugu gaaraan dhiigii muslimiinta ee ay shaatiga diinta ah ku laayeen lagasoo bilaabo daynuunaay, Iidaale,bledweyn, ila kismaayo.
Intaas kadib waxa dhacday in la dortay shariif loona doortay inuu hogaamiye u noqdo kooxdii Jabuuti lagusoo dhoodhoobay halkas oo uu wadaado badan Allah ku imtixaanay qaarkoodna ku tilmaamay doorashadii shariif shekh axmed inay lamid ahayd tii Cuthmaan ibnu cafaan oo kale Wallahul mustacaan.
Waxan aad ula yaabaa markii shariif la doortay qofkii ugu horeeyay ee u bishaareeya Umadda waxa uu ahaa Maxamed Idiris oo ka hadlay TVga universal halkas oo uu afka abur kasii dayay kuna booriyay shacabkii dulmanaa ee Soomaaliyeed in hada ay ,ay taageeraan Shariif oo dawladiisu tahay mid fiican lana garab istaago!!!. Su’aasha mudan in la is waydiiyo waxay ahayd maxa faraq u dhexeeyay Cabdullahi yuusuf iyo Shariif sheikh axmed? Ma koofiyadii uu watay ayaa dawlad islaam ah ka dhigtay? Maxayse ku dhinteen kumaankii dhalinyaro ee shariif iyo Janaqoow ay ku laayeen magaca islaamka? Su’aashaas dadka akhristayaasha ah ayaanu u dayn inshallah.
Wuxu xaal halkaas joogaba waxa dhacday in Janaqoow iyo Ibbi ay booqasho ku yimaaden magalada Copenhagen halkas oo ay Ageda siyaasad ah ka wateen iyaga oo waliba xildhibaano ah kana yimid Jabuuti, waxa uu isku dayay in uu masjidka ka hadlo waa uuse ku fashilmay laakiinse salaadii jimcaha ayaa waxa istaagay walalkii gaalaysiiyay qolyihii la kulmay safiirkii Itoobiya ee qaybta hore aanu kusoo marnay waxa uuna khudbadii ku sheegay in Janaqoow uu yahay munaafaq oo diintii iibsaday xaaraana ay tahay in la dhagaysto la tago meesha uu ka hadlayo.
Waxa khudbadii kadib ka dhacay masjidkii qaylo iyo sawaxan oo dad kamid ahaa dadkii masjidka intay istaagan ku qayliyay CULIMADII BAA LA AFLAGAADEEYAY!!!, walaal aad aan u jeclaa oo daacad ahaa ayaa u jaawabay ragii waxa uuna ku yiri imisa sano ayuunu Cabdullahi Yuusuf gaalaysiinaynay!!!!.
Intas kadib waxa dhacday in masjidkii iyo magaladiiba ay markale sawaxan iyo buuq qabsato oo meelkasta arintii laiska waydiiyo, waxan loosoo diray masjidkii odoyaal dhaqameed si ay arinta wax uga ogaadaan waxa ayna la kulmeen gudigii masjidka ee Al-ictisaam waxana laga codsaday in arintan laga cudur daarto ee aflagaadada ah!!. Jimcihii ku xigayna waxa istaagay ninkii gudiga haystay ee al-ictisaam waxa uuna si kal iyo laab ay ku jirto uga cudur daartay in Janaqoow la aflagaadeeyay uuna raali noqodo!!!!
Hadaba Akhristoow qoladii horey loo gaalaysiiyay ee la kulatay safiirki Itoobiya waxa kusii dhacay cuqdad aad u daran o ay u qabaan masjidkii midabada badnaa ee ay haysteen Al-ictisaam waxayna is waydiiyeen war maxaa loogu cudur daaray Janaqoow oo booskii Cabdullahi yuusuf fadhiya,anagana naloogu diiday in cudur daar laga bixiyo gaalaysiintii iy naagihii nalaga furay!!!!
Maalintas kadib kuma aana laaban masjidkii oo waxa ii soo baxay in Al-ictisaam ay diinta midabo badan u yeelaan markay doonan oo ay dantooda ku jirto waxana marag ma doonto ah in dad aad u badan oo shacabkii masjidka ahaa ay isaga haajireen markii ay arkeen arintan cajiibka ah ee ay ku dhaqmayaan kooxdan Al-ictisaam ee bulshada wareerisay.
Waxa intas sii dheer in meel kasta ay la istaageen Soomaliya waxa ka socda waa FITNO oo halgan ma aha ee yaanan la taageerin dadkaas yaan lacag la siin. Su’aashu waxay tahay ciidankii xabashida iyo kuwo kale oo ka daran ayaa jooga sida Uganda, Brundi,Kenya, maxa faraq u dhexeeya halgankii waagii aanu ku jirnay iyo kan maanta socda waa su’aal ay ka jawaabi waayeen Al-ictisaam oo idil iyo culimadoodaba.
La soco Qaybta 3-aad inshalah
Halkaan ka Aqriso Qaybtii Koowaad ee Ictisaam Midabo Badanaa.