HAY‘ADA MSF OO DABAR GOYN BA’AN KU HAYSA DHALLAANKA WOQOOYI GALBEED SOOMAALIYA(Warbixin)

Hay’ada MSF oo mid ah hay’adaha sheegta in ay samafal caafimaad siiyaan dawladaha soo koraya ayaa kana hawlgala gaar ahaan inta badan Cusbitaalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa la dareemay in dabar goyn aad u ba’an ku hayaan dhallaanka Muslimiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo meelo kale oo badan kana mid ah dhulka baaxadda weyn ee maamulka Somaliland ka shaqeeyo.

Tirakoob la sameeyay ayaa lagu ogaaday in MSF goobaha caafimaad ee ay ka hawlgasho gaar ahaan Cusbitaalada ay ku umuluaan hooyooyinku ay inta badan ilmaha labka ama wiil uu dhasho isagoo meyd ah, qof ka shaqeeya mid ka mid ah cusbitaalada iyo hooyooyin ku umulaan ayaa noo xaqiijiyay in muddo 4 bilood ah ay yarayd in ilmaha lab uu dhasho isagoo caafimaad qaba oo intooda badan caloosha hooyada inta aanay ka soo bixin lagu sumeeyo amaba la dilo.

‘’Dadweynaha ku xiran cusbitaaladaas ayaa hadal haya arinkaan laakiin iyagu wax badan kama qaban karaan sababtoo ah Dawladda ayaa raalli ka ah in waxaan nagu dhacaan’’ sidaas waxaa yiri mid ka mid ah shacabka Gobolka Togdheer.

MSF dhibaatooyinka ay shacabka Muslimka ah ku hayso maaha kaliya in dhallaankooda layso ee arinkaa waxaa u dheer in hooyo kasta oo ku umushaa
Cusbitaalada ay gacanta ku hayso si deg deg ah amaba iyadoon fooshii ka soo dhawaan qaliin lagu sameeyo arinkaasina wuxuu qatar weyn ku yahay caafimaadka hooyada iyo in ay hooyadaasi noqoto mid caruur badan sii dhali karta.

‘’Qalliinka hooyooyinka ku dhalaa hadda wuxuu noqday iska caadi waxaase yaable barigii miyiga la joogay oo xaaladu intaan ka adkayd dumarka waa inoo umuli jireen aniguna waan ka umulin jiray waxaysa ila tahay in qalliinkaan ujeeddo kale laga leeyahay’’ sidaa waxaa yiri hooyo umuliso dhaqameed ah oo ku sugan Hargeysa.

Dhibaatooyinka dhanka Fusuqa waxaa ka mid ah in hooyooyinka qalliinka lagu samaynayo dharka oo dhan looga saaro ama lagaga siibo hool weyn oo aan ahayn kii lagu qalayay markaana ay masaafo 150-200 mitir u soo lugayso saalada qalliinka iyadoo qaawan oo aan haba yaraatee wax dhar ah xirnayn marka ay saalada qaliinka timaado waxaa ku sugaya rag ilaa 4 gaaraya oo ah kuwii qalliinka samayn lahaa halkaana waxay ku daawanayaan cawradii qofkii xanuunsanayay iyadoo la ogyahay in shareecadeenna xaniifka ahi ay mamnuucday waxyaabahaas oo kale oo kaliga la ogolyahay in dhaqtarku arko kaliya inta qalliinka ku samaynayo gabadha ay muhiim tahay in jirkeeda aysan wada faydin.

Arinkaan wuxuu abuurayaa dhaqan xumo aad u weyn iyo in dumarkeenii xishoodka laga dilo si ay caadi ugu noqoto in cawraadkooda iyo kuwa raggaba ay tahay wax caadi ah mana jirto cid tallaabo ka qaaday illaa hadda, Culumada ku nool goboladaas ayaa iyagu arinkaan aan wax war ah u haynin iskaba daa in ay ka hadlaan waxaana cajiiba in intooda badani ku mashquulsan yihiin magaalooyin iyo dad aysan arag in ay fataawaad ka bixiyaan oo marka aad joogto masaajidda iyo muxaadaraadka su’aalaha ay wadaadahaasi ka jawaabaan waxaa u badan dagaal ay kula jiraan Mujaahidiinta Soomaaliya iyo caalamka iyagoo ku adkayana dadka in ay ka fogaadaan oo ay Fitno tahay laakiin waxaa is waydiin mudan arimahaan ay MSF miyaanay ahayn masiibo iyo Fitno weyn?

Xukuumadda meesha ka jirtaa maaha mid u aabo yeelaysa shacabka iyo dhallaanka Muslimiinta ah waa xukuumad ku caan noqotay in gaalada garab u noqoto oo xitaa xalaashatay in dhiigga Muslimiinta ugu dhawaato saaxiibtinimada Gaalada sida in dad muslimiin ah u dhiibto Xabashida sidaana lagu laayo.

Shacabka ku nool oo iyagu ah kuwa dhibaatada soo gaarayso waxaa u habboon in arinkaan ka tashadaan oo ugu yaraan iska ilaaliyaan in caruurtoodu ku dhalato meelaha ay maamulaan hay’adaha gaalada ah isla markaana aaminaan Allah swtc sidoo kale in ay isu dayaan in ay adeegsadaan meelaha sida khaaska ah loo leeyahay oo uu aabuhu awoood u leeyahay in uu joojin karo qaliinka iyo waxyaabaha aan ku haboonayn akhlaaqda Muslimka.

W/D: Abuu Cabdiraxmaan

Hargeysa