Yuusuf Garaad Cumar Oo Shaaciyay Inuu Iska Casilay Shaqadii BBC-da, ” Sababtu Waa Maxay?

Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu iska casilay Shaqadii BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga kadib 20 Sano oo uu halkaas ka shaqaynayay.

Yuusuf Garaad oo arintaan ku shaaciyay baraha uu ku kala leeyahay aaladaha ” Facebook & Twitter” ayaa ku tilmaamay sababta uu Shaqadii BBC-da uga tegay inuu doonayo inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya si uu uga qayb qaato Xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya Sida uu hadalka u dhigay.

Yuusuf Garaad Cumar oo lagu qiyaaso inuu 50 sano kor u dhaafay sida dad ay si wanaagsan isku yaqaanaan noo sheegeen ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu Soomaaliya u yimaado si uu kaga mid noqdo Labaatameeyo qofood oo doonaysa inay u tartamaan Jagada Madaxweynaha DKMG taasi oo la sheegay inay dhici doonto waqtiyada soo socda.

Yuusuf Garaad Cumar oo ah nin dadka Soomaalidu ay ku barteen Shaqadiisa BBC-da ayaanan la ogeyn waxa uu kusoo kordhin doono Siyaasada Soomaaliya iyo inuu ku guulaysan karo Xilka Madaxweynaha DKMG, iyo sidoo kale wadanka reer galbeedka ah ee uu taageerada ka haysto intaba.