Kadib dagaal faraha looga gubtay oo xalay illaa Maanta ka socday magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa hataan waxa Warbixin kasoo saaray Xarakada Alshabaab, Waxana Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Sh.C/Caziiz Abu Muscab uu Shir Jaraa’id u qabtay Saxaafadda Isagoo sheegay in Dagaalkii Cuslaa ee ay shalay ku qaadeen Ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan Degmada Xudur ay ku dileen in ka badan 60 Askari oo Itoobiyaan ah, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawaceen.
Sh.Abu Muscab ayaa sheegay in Askarta Itoobiyaanka ah ee ay ku dileen dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Degmada Xudur ay ku jireen 4 Sarkaal oo sar sare kuwaas oo ka mid ahaa Saraakiisha Xabashida ah ee kusoo duulay Degmada Xudur sidoo kalena ay ka gubeen ciidankaas gaadiid dagaal oo ay Xabashidu lahaayeen.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in dhankooda ay ka dhinteen illaa 7 kuwaas oo qaab xera-taraar ah ku galay xarumihii cadawga ee la weeraray,
Sh.Abu Muscab ayaa ugu dambayntii sheegay in Dagaallada noocan oo kale ah ay kusii kordhin doonaan Xabashida soo galay Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay hadda go’doon ku jiraan kadib markii ay ka jareen saadkii iyo gurmadkii uga imaan jiray dhanka Itoobiya ee kasoo gudbi jiray dhanka Magaalada Ceel-Barde.
Sh.Abu Muscab ayaa ugu dambayntii sheegay in Dagaallada noocan oo kale ah ay kusii kordhin doonaan Gaalada Xabashida ah ee Xooga ku jooga kusoo galay Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay hada go’doon ku jiraan kadib markii ay Mujaahidiintu ka jareen saad-kii iyo gurmadkii uga imaan jiray dhanka Itoobiya ee kasoo gudbi jiray dhanka Magaalada Ceel-Barde ee ku taalla Xad-beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.